Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Shacabkii iska diid ku adeegasho By Fardowsa Kuriya

Sweden 16 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Halkaan ka dhageyso Khudbadaha Culumadda. Rogo Mp3


ka dib bur burkii dowladii dhexe ee siyaad bare dalku wuxuu soo maray 19 sano oo dagaal iyo barakac ah

Fadka soomaaliyeedna wexeey ka soo daaleen colaad daba dheeraatey ee loo waayey maskax caafimaad qabta oo xalisa, inkastoo ay jireen isku day shirar badan oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si daawo

loogu helo arintan murugada leh bulshaduna ay u hesho dowlad qaran oo dhidibada loo taago,

nasiib daro taasi ma dhicin ,oo dowladii la soo dhisaba waxaa isla markiiba is hor taagayey shaqsiyaadkii dalka soo burburiyey ayagoo ku andacoonaya waa dowlad xag jir ah looma dhama danta umadu kuma jirto dadkii dalka u soo halgameyna waa la xaqirey .iwm

Somalia:U.S. Congratulates Prime Minister Omar Sharmarke

waxaa la yaab ah mar hadii aysan helin xil ay ku qancaan waxaa uu go aankoodu yahay in ay ka hortagaan dowladii timaado balse shacabka soomaaliyeed ayaa iyagu ahaa mar walba kuwa aan qaadanin go,aan ay uga hortagaan kuwa fiirsanaya danahooda gaarka ah,isla markaana sacabada u tuma iyagoo lagu beer dulucsado qabiil iyo wax aan jirin, waxaa wax lala yaabo ku noqotey caalamka in dad ah isku diin isku af isku dhaqan ay gaari waayaan hishiis iyadoo la ogyahay in soomaalidu ay geed hoostiis arimahoodoo dhan ku xalisan jireen sidoo kale waxaa wax lagu yaqyaqsoodo ah in nin sheeganayo muwaadinimo soomaaliyeedisla markaasna muslim ah uu dalal shisheeye inta uu ka soo qaato hub iyo saanad hadana kula soo hishiiyo inuu burburiyo dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo u arka in dantiisa gaar ahaaneed ay ku jirto.

hadaba dadkii 19ka sano hor taagnaa nabadda iyo dowlad ka dhalata gayigeena soomaaliya shaatigeey doonaanba ha qabaanee waxaan u sheegayaa in shacabkii soomaaliyeed meelkasta ay joogaanba maantay ay fahmeen xiligaas dheer dadkii hor taagnaa in xal la gaaro isla markaana aysan suurta gal ahayn in shaati kale loo soo gashto,

maahmaah hore oo araneysa ayaa jirta mar i dage alaha dago mar labaad i dagese anaa is dagey oo aan ula jeedo umadda soomaaliyeed fursadaan dowladaan hada la soo dhisey hadii ay hanan weeyso in ay ayaga is dageen

sababtoo ah wax walba weey ka dharagsan yihiin lamana qaldi karo.waxaa caalamku uu gaarey maantey horumar xaga doorashada ah oo musharaxa xilka kugula tartamaya hadii uu uga guuleeysto kan kale waa la is gacan qaadaa musharaxii laga guuleeystana waxuu balan qaadaa inuu la shaqeeyn doono dowladda isagoo fiirinaya danta umadooda,waxaa macquul ah inuu doorashada danbe asna uu ku guuleeysto sababtoo ah waxuu qabanayaa howlo wanaagsan oo uu ku soo jiidanayo shacabkiisa sidoo kale waxa ay sameeyaan dadka doonaya kursiga madaxweynenimada waxeey soo qabtaan howlo wax ku ool ah oo la taaban karo sida waxsoosaar iyagoo caawiya beeraleyda ama fura iskuulo waxbarasho iwm. halka hogaamiyaasha soomaaliduna kii iska arki waayo kursiga hore ama jagada uu rabo uu isla markiiba ku baaqo dagaal cusub oo lala galo dowladda markaas dhalata.balse waxaa isbedel weyn muujiyey shacabka soomaaliyeed oo iyaga awal ahaa kuwa lagu adeegto inta lagu gaarayo danaha gaarka ah ee laga lahaa waxaa nasiib wanaag ah in maantay ay si weeyn u soo dhoweeyeen dowladan cusub ee uu madaxweynaha ka yahay sh shariif, si mar uun ay u helaan dowlad midnimo qaran leh maadaama ay si weeyn u sugayeen mudo dheer.

Somalia: President and PM discuss over cabinetīs selection By Dahir Alasow

waxaa wax lagu farxo ah in dowladaan ay waxbadan uga duwan tahay dowladihii horey loo soo dhisi jirey sida baarlamaankii hore waxuu ka koobnaa dad laga soo dhex direy beelahooda sababtaasna waxeey dhalisey

in ay yaraadaan dad aqoon leh ama dhalinyaro ah balse baarlamaanka hada la soo kordhiyey ee dowladda cusub ayaa waxaa la rajeynayaa ineey ka mid noqdaan ururadda bulshada rayidka oo sida la wada ogyahay howlo badan ka soo qabtay wadanka xiliyadii uu ugu xumaa

waxaa kale oo dowladaan hogaanka ugu sareeya haayo rag dhalin yarro ah oo aqoon halka dowladihii horey u fashilmey ay hogaaminayeen rag howlgab ah,

guntii iyo gunaanadkii maqaalkeeygaan waxaan uga digayaa dowladaan cusub dagaal sokeeyo burbur iyo barokac eex qabiil ninjecleysi iyo in eey noqoto mid shisheeyuhu ku adeegtaan.waxaan ugu baaqayaa dib u heshiisiin isku tanaasul.wax soo saar wadanimo,

Somalia: Road to peace,By Dr Mohamud Ulusow

si kastaba ha ahaatee waxaan weli la ogeyn sida ay u shaqeeyn doonto dowladdaan cusub iyo waxa ay dalka iyo dadkaba ku soo kordhin karto balse waxaa jirta oraah soomaaliyeed oo oraneyso barasho horteet ha i nicin shacabka soomaaliyeedna waxaan ugu baaqi lahaa in ay ka dhur sugaan dowladooda u dhalatey waa la doogiyee yaan la dacaroon

W/Q Fardowsa Sheikh Hassan Kuriya

fardowsok@hotmail.com

Sweden

Martida Makarafoonka VOA Somli+ President Kiimiko

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new