Waagacusub
English News Clickhere
Somalia:Local
media takes tough stand Clickhere
Madaxweyne Shariif oo
la hadlay Jaaliyadda Uganda.
Kampala
15
March 2009 Waagacusub Media
Madaxweynaha Dowladda Kmg ee Somalia iyo wafdi sare uu
hogaamanayo oo maalintii sadexaad booqasho rasmi ah ku
jooga caasimadda wadanka Uganda ee Kampala ayaa khudbad
u jeediyay jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Uganda .
Boqolaal soomaali oo isugu jira rag iyo Haween ayaa
Madaxweyne sharif waxa uu kula hadlay Hoolka Hotel
Africana oo ku yaala bartamaha Magaalada Kampala .
Sheekh Shariif waxa uu ugu horeyn uga mahadceliyay
Dowladda Uganda soo dhaweynta dadka soomaaliyeed ee ka
soo qaxay wadankooda iyo taageeradda nabad ilaalinta ay
u fidisay Somalia.
Sheikh Shariif waxa uu xusay in la heesto fursad looga
bixi karo dhibaatooyinkii la soo maray,waxa ayna u
baahan tahay ayuu yiri Dulqaad iyo naf hurid sida uu
hadalka u dhigay.
Madaxweyne sharif waxa uu ka hadlay duruufaha ka jiray
wadanka Somalia 18-kii sano ee la soo
dhaafay,colaada,barakaca shacabka iyo burburkii soo
gaaray adeegyadii bulshada,sida waxbarashada,caafimaadka
iyo nolosha dadweynaha,iyadoo arimahaasi uu ku tilmaamay
nasiib daro ku dhacday Somalia.
Madaxweynaha dowladda Kmg ee Somalia sheikh Sharif waxa
uu sheegay in Dowladiisa ogoshahay iney la hadasho cid
kasta oo wax tabaneysa,balse waxaa loo bahan yahay ayuu
yiri in ciddii fidno wado loo sheego, oo la qabto,hadii
kale waxba ma hagaagayaan.
Marnaba shaki ma galin ku dhaqanka shareecadda Islaamka
laakiin waxa ay u baahan tahay in la dhowro Diinta,lana
joojiyo dilka dadka iyo wax kasta oo ka horimaanaayo
shareecadda,"Diinta islaamka waa sinaan iyo
cadaalad,waxaana Dambi weyn ah in Alle iyo Diintiisa si
qaldan dadka lagu dhibaateeyo" ayuu yiri Madaxweyne
Sharif.
Madaxweynaha Somalia waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay
dadaalada nabada ee ka socda gudaha dalka taasoo uu
tilmaamay inay ku howlan yihiin,culimaa'udiin,Ururadda
bulshadda iyo waxgarad Soomaaliyeed,si dib loogu soo
celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta dalka.
Dowladda oo kaliya kuma filna wax ka qabashada baahida
ka jirta wadanka ayuu yiri sheikh sharif ,isoo hoosta ka
xariiqay in wadanka uu soo gaaray burbru lixaad leh oo u
baahan in si wada jir ah wax looga qabto shacab iyo
Dowladba.
waxaa halkaasi sidoo kale ka hadlay raii'sulwasaare
kuxigeenkii 1aad ahna wasiirka Maaliyadda sharif Xasan
sheikh Aden iyo wasiirka arimaha dibadda Maxamed
Cabdulaahi Omaar iyo safiirka Somalia ee Uganda H.E
Sayid Axmed.
sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay
culimaa'udiin,ganacsato,Haween,
Waxgaradiyo ardey jaamacadaha mataleysa jaaliyadda
soomaalida ee Uganda .
Xasan kalkata,
kalkata1@hotmail.com
Kampala Uganda
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new