Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Safiirnimo iyo Soomaalida Koonfur Afrika Maxaa kalaaysto?.

Maqaal 15 March 2009 Waagacusub Media


Markii ay burburtay doowladii kacaanka ee marxuum Jaalle Maxamed Siyaad Bare Shacabka soomaaliyedna ay arrintooda noqotay Jaantaa rogan Qaar kamid ah Soomalidana aay soo maciin sadeen wadanka koonfur afrka horaantii sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo sagaashan iyo afartii wakhtigaasi oo wadankan uu xuriyad kaqaatay Cadaan kii laga tiradabadnaa. wagaa ilaa wakhtigan ayaa la aamin san yahay in ay ku nool yihiin wadanka koonfur Afrika in kabadan sodon iyo shan kun oo qoxooti Soomaali ah kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan kala kul ma wadanka koonfur Afrika hadii ay ahaan laheeyd dhac iyo dil ay u geeystaan kooxo isku baheeystay dhibaateenta muwaadiniin ta soomaalida iyadoo aay baahidaasi aadka u baaxad weyn ay jirto . Dalka Soomaaliya ayaan laga quusan in aay maalin maal maha katil maanto doowlad cagaheeda ku istaagto aay mar un ka dhalato hadaba aanu eegno cinwaanka Maqaalkani.
 

Marka laga soo bilaabo doowladii carto oo uu madaxweynaha ka ahaa Md Cabdulqaasim Salad Xasan oo waagaasi aay soomaali badani aaminsaneeyd in aay hanan doonto guud ahaan wadanka soomalida nabad ku soo dabaalideeda ayaa madaxweyne Cabdulqaasim safar shaqo kuyimid wadanka koonfur Afrika waxaana uu kulan aan sidaasi looshaacin layeeshay Jaaliyada Soomaalida oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SASA gudoomiyaheeda waagaasi Md Cabaas Yuusuf oo hada ka fadhiistay siyaasada noqdayna wadaad diinta faafiya kuna biiray xarakada Tabliiqa ah ayaa waxaa la siiyey waraaq wakiil nimada soomaalida konfur Afrika. Cabaas Yuusuf waxa uu sheegan jiray safiir in uu yahay kumeel gaar ah mar ay wareysi waagacusub la yeelatayna sheegtay in uu yahay safiirka Soomaalida koonfur Afrika.

wixii waagaasi ka bilaawdo cid walbaba waxaa ay cindiga galisay in aay maalin la soo shirtagto Safiirka Soomaalida koonfur afrika arinkaasi oo aan aheeyn arin sahlan; marka laga hadlayo xiriirka labada dal iyo magacaabista dumlamaasi matalo wadankale.

Doowladii xigtay ee uu madaxweynaha ka ahaa Md Col Cabdilaahi Yuusuf Axamd oo isagu marnaba imaanin koonfur Afrika marka laga reebo safaro aay ku imadeen madax ka tirsan doowladiisii ayaa waxaa soo shaac baxayey shaqsi sheeganayo safirnimada koonfur Africa oo ay isku jifo hoose yihiin madaxweynahii Hore ee soomaaliya Col Yuusuf balse taasi waxaa ay aheed riyo aan rumoobin.

Inkastoo laba beelood oo katir san beelaha daaroodka ay midba midka kale ay ka dhaxeeysay xifaltan ku aadan safiiri nimada koonfur afrika ayaa siyaasadan cakiran ee Soomaalida waxaa ay hal mar ah miiska siyaasada soo saartay mas’uul katirsan beesha Hawiye Md Sh Shariif Sh Axmed.
Waxaa maanta uu ku shidan yahay tooshka siyaasadda safiirnimada koonfur Afrika beesha hawiye in kastoo ay jirto ififaalo laga dareemayo beeshaasi hawiye dhaqankii beelaha oo ahaa xusul duubinta helida fasiirnimada.

Balse beesha uu madaxweynaha ka dhashay oo iyadu shirar isdaba jog ah ku leh magaalda johannesburg ayaa waxaa uu shaki aad u xoogan galiyey soomaalida in teeda kale oo shirkaasi aaminsan in ay beesh ka shireeyso sidii laga yeeli laha cida safiirka loo soo maga caabayo. Arrintaasi oo aay wakaaladda warar ka ee waagacusub u kuur gashay xiriirna lasuu bisay rag magac ku dhaxleh beesha in uu kulan kaasi aan wax ku saab san safiir iyo wax u dhaw aanan looga hadlin.

Jaaliyadda Soomaalda ee koonfur Afrika un baa maalin ku waa bariisatay saxaafada madaxa banaan oo soo daabcaday gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda soomaaliyeed oo la sawiran madaxweynaha soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed arrinkasi waxaa uu keenay su’aalo ay is weeydiinayaan soomaalida Konfur Afrika oo ku aadan safarka gudoomiye ku xigeenka iyo kulan ka dhax maray dowladda midnimada qaran waxaase ay Jaaliyadda marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaab SCOB ku guulaysatay helidda waraaqda ka wakiilnimada soomaalida Koonfur Afrika.

Balse ganacsade ka tirsan ganacsatada soomaalida Koofur Afrika oo isagu safar shaki balaaran dhaliyey ku aaday wadanka jabuuti oo ay wakhtigaasi ku sugnaayeen madaxda doowlada midnimada qaran iyadoo markaasi aay aamin sanaayeen soomaalida halkan ku dhaqan in uu quud dareeynayo safiirnimada wadankan, laakin arrinkaasi waxaa isha si gaar ah ugu eegay dadka in dha indheeya safiir matali kara dowlad iyo shuruudaha looga baahan yahaya in ay aad u adatgahay in labuuxiyo waxaana ay ku macneeyeen in ay lamid tahay doowladihii hore ee soo martay soomaaliya oo aay cidwalbo ay isku beel yihin madaxweynaha uu la soo suuq tago safiirnimada Koonfur Africa.

Waxaana jirto rag ka mid ah raga u ololeeya arrimaha Soomaalida oo isaguna safar qarsoodi ah ku aaday kismaayo lana soo kulmay madaxda Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo uu aaminsan yahay in aay mar un ka talindonaan soomaaliya in aay u soo magacaabaan safiirka Soomaalida koonfur Afrika.

Dhanka kale, rag ka mid soomaalida kunool wadankan ayaa u socdaalay gudaha dalka Soomaaliya si aay uga soo dhaa dhiciyaan xildhibaano ay isku beel yihiin in loo magacaabo safiir nimada koonfur Afrika

Jagada Safiirnimada oo meel walba aay u galayaan ganacsatada iyo madaxda hor kacdo jaaliyada Soomaalida ayaa waxaa ay noqoneysee arin aad ay ula yaabeen Soomaalida koonfur Afrika balse waxaa ay dadka soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan koonfur Afrika ku taliyeen in aay dowlada midnimada qaran soo magacaawdo shaqsi wax tar uleh umada soomalida guud ahaan iyo waliba kobcinta xiriirka labada dal.

Arinku waxaa uumarayaa Safiir un mar idhaha safiir ar idha


Abdinaasir Sh Abdikariim "Naarmagale"
Johannesburg
South Africa

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new