Galmada iyo uurka waxaana laga yaabaa iney dhibaato ka
qabsato iney su'aalo ku saabsan galmada ula yimaadaan
takhtarkooda ama kalkaalisada. Sidoo kale, haweenka iyo
ragguba inta badan cabsidooda iyo dareemmadooda iyagaa
isku qarsada.
Haddii kani uu yahay ilmahaagii ugu horreeyey, waxaa
laga yaabaa inaadan ogaannin in uurku uu yahay waqti
dareenkaaga badalmo uu adiga iyo aabbaha ilmaha isu kiin
beddelo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal, niyad
kacsanaan, farxad, diiqo, rajo, cabsi, hooyonnimo iyo
qurux, lur iyo soo jiidasho la'aan. Aabbuhu, dhinaca
kale, waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu ku faano inuu
ilmo aabbo u noqdo ama uu ka wel welo mas'uuliyado cusub.
Waxaa laga yaabaa inuu dareemo inuu
adiga iyo ilmaha kobcaya difaac idiin noqdo ama uu ka
masayro culeys saariddaada uurka cusub.
Isbeddelladaan dabciga waxaa laga yaabaa iney saameeyaan
sida uu midkiinba midka kale ka dareemayo iyo rabitaanka
galmada.
Shayga ugu muhiimsan ma ahan waxa aad dareemeysiin iyo
sida aad ugu maleyneysaan inuu xun yahay, ee waa isla
wadaagidda dareemmadaas. Sidaan, ayaad ku sameyn kartaan
isbeddello si aad xiriirkiinna galmo uga yeeshaan mid
labadiinnaba idiin wanaagsan.
Waxaa soo socda qaar ka mid ah jawaabaha su'aalaha ku
saabsan galmada ee inta badan dhiba lammaaneyaasha
ilmaha filanaya.
Su'aalaha dhiba haweenka uurka leh
● Miyey rabitaannadayda galmadu noqonayaan kuwo yar
waqtiga uurka?
Ma jiraan labo haween ah oo dareema si isku mid ah
waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo
xiiseyntooda galmada.
Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd
carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu
u yahay waqti xorriyad. Waqtiyo dhowr ah, haweenka
qaarkood ayaa laga yaabaa iney dareemaan iney "luminayaan
qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin" waqtiga uurka. Qaar
ayaa laga yaabaa iney ka fogaadaan galmada, iyagoo
dareemaya rabitaankiisa oo aad u yar. Kuwa kale ayaa
laga yaabaa iney doonayaan galmada iney lammaanahooda
uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay
waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh.
Haddii aadan xiiso u haynin galmada, kala hadal
lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa iney lammaanahaaga ku
adag tahay inuu fahmo.
● Miyey galmadu wax u dhimi kartaa ilmaha?
Suuragal ma ahan in ilmaha ku jira ilmo galeenka wax
loogu dhimo galmo sameynta. Biyaha uu ilmuhu ku dhex
sabbeynayo, xuubka biyaha celinaya, caloosha, derbiga
uur ku jirta, iyo sinaha lafaha leh ayaa ka shaqeeya
iney ilmaha ka dhowraan in la dhaawaco.
Haddii galmo sameyntu ay lur ama xanuun leedahay, kala
hadal takhtarkaada.
Galmada waqtiga uurku maahan badanaa mid xanuun leh.
● Ma waxyeello ayey leedahay in la isku biyo baxo (shahwad
la isku daayo) waqtiga uurka?
Shahwo waxyeello uma lahan ilmaha.
● Intee ugu badan ayey galmadu ammaan tahay waqtiga
uurka?
Inta ugu badan ee aad galmo sameyso adiga ama ilmahaaga
idin saameyn meyso, ilaa inaad qabto dhibaatooyin
halistoodu sarreyso mooyaane laguuna sheegay inaadan
galmo sameynin. Lammaaneyaashu waxay isu tagaan xaddiyo
kala duwan waxayna xataa ku kala duwan yihiin bil ilaa
bisha kale.
Haweenka qaarkood ma xiiseeyaan galmo muddada saddexda
bilood ee ugu horreysa uurka. Tan waxaa laga yaabaa iney
ugu wacan tahay daalka iyo isbeddellada ku yimid
hormoonnada. Dareemmadaanu waxay badanaa isbeddelaan
saddexda bilood ee ugu horreysa markaasoo rabitaanka
galmada iyo tamar korortay laga yaabo iney yimaadaan.
● Galmo ma sameyn karaa waqti kasta oo uurka ka mid ah?
Galmada badanaa waa la oggol yahay inta uu uurku jiro oo
dhan ilaa iyo dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya.
Takhaatiirta qaarkood waxay dareensan yihiin in waqtiga
dhowrka toddobaad ee ugu danbeeya, galmadu laga yaabo
iney keento dillaac waqtigiisa ka soo hormara oo ku
yimaada xuubka.
Takhaatiir badan ayaa dareen xooggan ka qaba jawaabta
su'aashaan. Waxaa kuugu wanaagsan inaad raacdid talada
takhtarkaaga.
Galmada waa in la joojiyaa waana inaad takhtarkaaga
wacdaa haddii:
“ Biyahaagu ay soo burqadaan ama galka biyuhu uu
dillaaco
“ Uu dhiig hoostaada ka imaanayo, ay ku cun-cuneyso ama
dheecaan ka imaanayo
“Aad xanuun hoosta ama uur ku jirta ka dareento
“Uu ilmo galeenku isku soo giigsamayo, isu soo ururayo
ama fool waqtigeedii ka horreysa ku qabato
● Haddii aan lahaa taariikh dhicis dhalid, weli galmo ma
sii sameyn karaa?
Haddii aad lahayd dhicis, waa inaadan galmo sameynin
saddexda bilood ee ugu horreysa ee uurkaaga.
Takhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona inaadan raacin
baabuur kac-kacaya ama inaadan ka qayb qaadan hawlo jir
ahaaneed oo waaweyn ama jir dhis. Xannibaadahaan waxay
mandheerta (dhalmada ka dib) ka caawinayaan iney si ku
filan ugu kobocdo si markaas uureysi guul leh uu dhaco.
● Cadaadiska waqtiga galmadu wuu i dhibaa laakiin xanuun
iguma hayo.
Haddii miisaanka lammaanahaagu uu ku dhibayo, in booska
la beddelo ayaa caawin karta.
● Aad ayey u adag tahay inaan lammaanahayga kala hadlo
sida aan dareensanahay.
Marmar, ragga qaarkood jir ahaan "way damaan" waqtiga
uurka lammaanahooda. Badanaa dareenku waa iska ku meel
gaar, waana inaan loo arag diidmo. Lammaanahaagu waxaa
laga yaabaa inuu qabo walaacyo kale oo xoogaa ah iyo
dareemmo isku dhafan oo ku saabsan uurka, kuwaasoo laga
yaabo iney ka dhigaan inuu dhaqmo si aan kala jelcaan
lahayn inyarna kuu nuglaado. Waxaa sidoo kale laga
yaabaa inaad ku lug yeelato nolosha gudahaaga ku jirta
taasoo laga yaabo inuu dareemo inaadan isaga dan u
lahayn. Iskala hadla dareemmadaan.
Su'aalaha dhibaatada u keena aabbayaasha ilmaha filaya
●Waxaan u baahanahay inaan galmo sameeyo, laakiin ilaa
iyo markii ay uurka qaadday lammaanahaygu ma daneyneyso
galmo.Tani waxay dhexdeenna ka abuurtaa xurguf. Maxaan
sameyn karaa?
Waxoogaa qaab isu samir ah ayaa ah xalka ugu wanaagsan.
Ka wada hadla dhibaatooyinka iyo dareemmada. Galmo
sameynta inyar ama helidda wax la isaga jabiyo oo u
baahan ka qayb qaadasho yar oo dhinaceeda ah ayaa laga
yaabaa iney xal noqoto.
Mararka qaarkood haweenka way ku adag tahay iney
dareemaan galmo markaasoo aysan dareensanayn inuu ku
habboon yahay. U sheeg iney weli tahay mid soojiidasho
leh lana jecel yahay iyadoo caloosheedu weliba soo
buuran tahay. Tan waxaa laga yaabaa iney kordhiso
xiiseynteeda galmada.
●Markaan dareemo ilmaha oo dhaqaaqaya annagoo galmo
sameyneyna, waxay dhammeysaa xiisaha aan u hayo galmada.
Waxaa laga yaabaa inaad ka wel welsan tahay in laga
yaabo in ilmaha aad waxyeeshaan. Ilmuhu si wanaagsan
ayuu u dhowran yahay isla markaana haraatida iyo is
rogiddu shaqo kuma lahan hawshaada galmada.
Haraatida ilmuhu waxaa laga yaabaa iney ku xusuusiso doorka lammaanahaaga
ee sidii hooyo oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u
dareento sidii qof saddexaad oo la socda galmadiinna.
Waxaa laga yaabaa iney idin caawiso inaad isku daydaan
boos kale si markaas aadnaan u dareemin dhaqaaqa ilmaha.
Waxaa soo diyaariyay
Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed
Su-aalo hadaad qabto ku soo dir
health@waagacusub.com
waagacusubonline@yahoo.com
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new