
Qeybtii 2aad
Cadaalad maaha+ looma dhama+Waa ridoobay
,By
Abdullahi Sheekh Hassan
Maqaal
15 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Qeybtii 2aad
Cadaalad maaha+ looma dhama+Waa ridoobay ,By
Abdullahi Sheekh Hassan
Wasiirki hore ee kacaanka ka tirsanaa 20kii sano wuxuu
yimid asagoo ka faa-iideeystay is heeysadkooda waayoo
asagu marka xukumadiisa la ridaayay waxan shaki ku jirin
siyaasad uu damco iska daaye xataa naftiisa ayaa qatar ku
jirtay.
Runti marki uu Mogadishu yimid si weyn ayaa loo soo
dhaweeyay xataa tikinikooyinkii qabqablayaashu lahaayeen
ayaa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay iyadoon
qabqablayaashii lahaa raali ka aheyn ayey maleeshiyooyinki
waday amar la'aan Balidoogle u kaxeeysteen,shacabkana
Mogadishu ilaa Bali doogle ayey safaf dhaadheer la galeen
ubaxyo iyo sawirada Cabdi Qasim Salaad Hassan.laakiin
nasiib daro kama faa,iideeysan Abdi qaasim aqoonti uu
Maamulka u lahaa iyo biseeylka dadka Mogadishu u qabeen
xukumad iyo in mar uun arkaan ayagoo u nool sida dunida
dadka jooga u nool yihiin.Sababtuna waxey aheyd waxa uu
isu dhiibay Dr Abdi qaasim ganacsato ka taajirtay foowdada
iyo dowlad la'aanta.
Maadaama Dowladiisa caqabado badani hor yiileen
aqoonsigeeda laguna xiray in hadii dekada iyo Airaporka la
furo kaalma dhaqaale lasiin doono ayuu gacan dhaqaale
marti ugu noqday ganacsato inteeda badan burburki ka hor
aan la aqoon oo micneheedu yahay inta dadka Somalida qaar
wixi horay ay u shaqeeysteen dagaaladii ku waayeen ay
ayagu dagaaladi lacag badan ku heleen, marabo in aan
intaas u dhaafo.
Ganacsatadaas islamarkiiba waxey Madaxweyne Cabdi qaasim
ka dhaadhacsiiyeen in lacag feelsa ah la soo daabaco si
ciidamada Mushaar loogu siiyo,asaguna waa aqbalay ileeyn
wax uu ku bedesho ma haayo waayoo hadii uu amniga sugi
lahaa asagoon baryin ayaga ayuu canshuuraha uga qaadi
lahaa lacagta ay hada ku gaarsiiyeen in Madaxweynihi
ogolaado in xaashooyin falsa ah la sameeyo tabar ku
kordhinta dowladiisa.
Caqabada kale waxay aheyd Ethiopia oo ayadu marna raali ka
aheyn inay Somalia dowlad wax ku ool ah oo ayada ka madax
banaan yeelato kuna soo hubeeysay nimankii dad iyo deegaan
wadageen Cabdi qaasim sidaasi darteed waa ku qasbanaaday
inti uu Ethiopia isu dhiibi lahaa inow tijaarul xarbiga
isu dhiibo War iyo dhamaantiis, dowladii Abdiqaasim looma
dhama ayeey u naf weysay.
Waxaa la abaabulay shirkale oo Ethiopia garwadeen ka
tahay,waxa lasoo dhisay Dastuurkii ay Ethiopia rabtay,Waa
federal oo micnihuusa yahay aan kala tagno,waxaa kalooy
soo dhistay ninki ay rabatay Waa Abdullahi yuusufe.
Waxa kalooy ku mideeysay Dowladaas ragi ayagu intooda
badan Caruurtoodu Jaamacadaha ugu magaca weyn dunida
dhigtaan ayagana sumacad ay dhoowranayaan iyo waxay
dhaleen oo dalka ka joogay aysan jirin,Waana inaad
xasuusnaato ragaas waxa Dowlada loogu daray inay ka hor
yimaadaan dowlada hadii ay hareer marto rabitaanka
Ethiopia,ileen waa u tababaran yihiin sida wax looga
horyimaadee.
Waxa laga ilaalshay hal nin oo Qoryooleeyda kamid ah inuu
banaanka ka joogo dowladaas waayoo waxa la rabay in ayada
leeysku baabasho waayoo hadafka loo dhisay ma aheyn inay
dowlada shaqeeysa noqoto ee waxey aheyd in aan Abdi qaasim
magac dowladeed asaga oo sheeganaya shirarka ka qeyb gelin
ethiopiana la fadhiisan shirarka Afrikaanka taasna waa
lagu guuleestay oo barqacad ayuu Yuusuf ku wareejiyay.
Hadaba waxyar kadib maxaa dhacay,Nimanki ku taqasusay
looma dhamo dowladi ay ka tirsanaayeen lafteeda ayey ku
dayeen oo yiraahdeen Looma dhama,welibana waxaa xusid
mudan nin hogaamiya kooxeedyada ka mida oo aan Wasiir
ahayn ma jirin,waxaana u dheeraa xildhibaan oo ay
gaarsiiyeen markii horeba in dastuuriyaan qofaan
Xildhibaan ahayn Wasiir noqon karin.
Mucaradnimo la yaab maahan dunida laakiin waxa layaab
noqotay Wasiiro,Xildhibaano ah hadana Mucaarad ah,dadka
qaar waxay isweydiiyeen nimanku ma waxay rabaan in
maareeyanimo loogu daro Xildhibaan nimada iyo Wasiir
nimada ileen waxkaloo u dhiman lama yaqaane maxaa yeelay
gar ayey ahaan lahayd ay iska casilaan xilka eey hayaan
dabeetana ay Mucaaradaan ayagoo ku mucaaradaaya wax qalada
oo aysan dadweynaha u sheegi karin .
Looma dhamo ragii USC-da u badnaa waxey la gaartay dowlad
ay ayagu soo dhisteen oo ayagu gacantooda ku soo qoreen
cid kasta oo ka mid noqoneeysa marka naftooda laga bilaabo
inay dhahaan looma dhamo!!?
Isweydiintu waxay tahay "Hada xagee maree looma dhamo"
Rag dhalinyara u badan oo wadaada sheeganaya ayaa alle ku
saliday reer looma dhamo mid ay bada gelsheen iyo mid ay
beriga banaan ku raacdeeyeen ayey ka dhigeen.
kadib xukunkii ay xaafad xaafadaha u kala qoqobteen ayey
hal maamul oo inta badan koofurta Somalia wada gaaray ka
dhigeen, dadkii waa nastay qof walibana waxey fursad u
heshay wixii xoog looga heystay inay si cadaalad ah u
hesho xataa waxa hantidoodi u dacwooday ilma Mohamed
Siyaad Barre oo looga qaaday dadki hantidooda
kaheystay,laakiin waxa sunada alle ka mid ah waxkasta oo
buuxsamaa inay dhaxoobaan. waxa kaloo kamida in qof
meelkasta kufiican aanow jirin.
Markii ay intaas oo hoowla qabteen oo dekedda iyo Garoonka
xirnaa xataa fureen,waxaa ka dhex bilaawday isbar bar yaac
iyo in aan amarka hal meel laga wada qaadan,Waxaan
xusuustaa Jaad ayaa la gubay,Waa wax fiican diin ahaan iyo
dhaqaala ahaanba laakiin diinta islaamku waxey qabtaa
qofka wax xun sameeynaaya in aad marka hore u digto ugana
nasteexeeysid ficiladiisa xun,hadii uu diido si cadna aad
marsiisid waxay shareecada Islaamka qabto.
Qeeynuunka gaaladu ku dhaqanto xitaa wuxuu qabaa in
fulinta iyo sharciga la hormarsho sharciga.laakiin in
fulinta laga bilaabo meel qabtaahu majirto.
Waxaa dhacday,galab ayaa jaad ka soo degay garoonka
Mogadishu waxaa yimid nin Masuuliyiintii Maxkamadaha ka
mida ayadoo ninkale oo masuuliyiintaas kamida amray in la
gubo qaadka.
kii yimid waxa uu yiri la gubi maa laakiin waa loo digaa
in mardanbe la keenin,kii kalena waxa uu ku adkeeystay waa
lagubaa dabeetana xaaladii aad ayey u xumaatay,waxeyna
gaartay meel aanan hada qoraalkeeyga ku sheegeeyn laakiin
ugu danbeeynti waa lagubay
Taasi waxey ku tusee in wax nadaama oo leesku raacsanaa
aan wax lagu maamuleeyn marka laga soo tago in shareecda
islaamka dalka lagu maamulo
Calaakuli xaal waxa kale oo la og yahay dagaalki baydhabo
lagu qaaday in aan tala mideeysan lagu qaadin
Isku soo duub nuxurku ,Waatii Ethiopia wadanka
qabsatay,Masuuliyiintii Maxkamaduhuna inta badan waa kuwa
Asmara isugu tegay,muda kadib waa tii la dhisay urur loogu
magacdaray dib u xoreeyn waxyar kadib waxaa bilaabatay waa
ridoobay Kelmedi hore ee looma dhama mid ka culus baa dig
soo tiri,maxaa yeelay waa gaaleeysiin oo maaha wax sahlan,La
soco qeybta sedexaad ee Qormada si aad u ogaato dulucda
sheekada.

W/Q Siyaasigga
Abdullahi Sheekh Hassan
Mareeye@hotmail.com
London-Uk
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new