
Mid maamul raba, , Mid
masuugsan, iyo Mid madax adag (Maxaan ka quustay nabad).
Maqaal
14 Fabaury 2009
Waagacusub Media

Waxaa xasuus gaar ah ii leh aniga iyo inta ila midka ah
ee ku sugnaa guddaha dalka gaar ahaan magaaladda
Muqdisho iyo goboladdii dalka Soomaaliyeed 2006-2007
maamulkii macaanaa ee maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed,
waxaa la yiri “War la qabo xiiso maleh” ma doonayo in
aan ka sheekeeyo taariikhdii wanaagsaneed ee ku koobneed
lixda bilood balse a dadku ku cabiraan in ay la mid
aheed lixdan sanno oo kale, taasoo mahadeyda uu rabbi
S.W.T leeyahay iyo intii dadaalka samaysay ee ku
midoobay maxaakiimtii sharaacadda gaar ahaan madaxdoodii.
Hadaba Maxaakiimtii islaamiga Soomaaliya ayaa iyagu ahaa
kuwo casharo cusub ku soo siyaadiyay buuga taariikhda
lagu qoro ee dalka Soomaaliya iyagoo sameeyay nidaam ay
wanaagiisa dadku dareemeen mudo yar ka dib markii ay
kala eryeen dhiig miirataddii ( Qab qablayaashii dagaal-ka)
ee xiligaa qeyb qeyb u kala daganaa magaaladda
caasimadda ah ee Muqdisho.
Sidoo kale saaxadda siyaasadda dalka Soomaaliya ayay ku
soo biireen markii ugu horeeysay wadaadadii hor boodayay
nidaam-kaas waxaase inta badan dadku ay u heysteen in
culimaddii hogaan-ka u heysay maxaakiimtii shareecadda
uusan hamigoodu aheyn in ay hogaan-ka dalka qabsadaan
waxaana loo heystay kuwo ka damqaday dhibaatadda dalka
soomaaliya gaar ahaan caasimadda muqdisho oo ah halkii
ugu horeysay oo ay ka hana qaadaan.
Maaha in aan uga gol leeyahay in wadaadadu ay mamnuuc ka
tahay in ay xil qabtaan, mana u malaynayo in wax iyaga
kaga wanaagsan uu jiro maamul-ka dowlad-nimo mar haddii
iyagu ay yihiin kuwo wax ka yaqaana DIINTA dadkana ku
kala saari kara shareecadda islaam-ka… tiiyoo umaddeena
Soomaaliyeed ay yihiin kuwo 100% islaam ah.

Xiligii hogaamiye kooxeed-yaddii Muqdisho iyo goboladda
ku dhow dhow ay ku dhaqaaqeen isbahaysi ay ku mideydsan
yihiin oo isagu ahaa mid asha-haado la dirir ahaa ayaa
waxaa soo ifbaxay rag cullumo ah oo iyagu ka dhiidhiyay
sida dhiiranaanta leh (indha adeega ah) ama xishood
la’aanta ah oo ay barqo cad ugu dhawaaqeen bartamaha
magaaladda Muqdisho isbahaysi ceenkaas ah, wadaadaas
ayaa qaarkood maamulayay maxaakiim ay lahaayeen qaar
kamid ah degmooyinka gobol-ka Banaadir kuwaas oo qaab
beelo ku bilaawmay.
Culimaddu markii ay guusha gaareynba waxay ku dhawaaqeen
nidaam gollayaal guddahooda ah waxaana ka mid ahaa
Gollihii Shuuradda oo hogaankiisa loo doortay Sheekh
Xasan daahir Aweys iyo Gollihii Fulinta ee uu
hogaaminayay Madaxweynaha haatan baarlamaan-ku doortay
ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed labaduba waxay kala
maamulayeen maxkamaddii If-ka Xalan iyo maxkamadii
degmadda YAAQSHIID ama ay dadka qaar u yaqaaneen
maxkamaddii SII SII.
Maamul-koodii ay dadku bogaadiyeen ayaa waxaa uu meesha
ka baxay lix bilood kadib guushoodii iyadoo ay noqdeen
kuwo ku kala firxaday guddaha iyo dibadda dalka waxaana
badelkoodii soo galay dowladdii federal-ka ee iyadu
wadatay huwantii Amxaaradda ee xasuuqii lawada xasuusan
yahay ka geystay guddaha dalka Soomaaliya.
Inkastoo ay jireen qaar kamida madaxdii maxaakiimta oo
iyagu kala qeyb qaatay shacabka mujaahidiinta ah ee
Soomaaliyeed dagaal-kii dib u xoreynta dalka ee ka
soconayay magaaladda Muqdisho iyo goboladda dalka
Soomaaliya kaas oo looga soo horjeeday cadowgii
itoobiyaanka ciidamadoodii ayaa hadana waxaa laga war
helay Madaxdii ugu waaweyneed oo ku shiraya ASMARA
caasimadda dalka Eretrea.
Waxay la bohoobeen qaar kamid ahaa dowladdii xiligaa
xoog ahaan u wadatay xabashida oo iyagu ku andacoonayay
Xor baanu ka nahay ama xubnaha baarlamaanka xorta ah oo
ay isugu yeeri jireen, qaar aan qatarta wadanka kala soo
qeyb qaadan shacabka ee iyagu qurbo joog ahaa isla
markaana fursad u arkayay arintaas iyo qeybo kamid ah
bulshadda rayidka ah.

Waxaa halkaas loogu wanqalay isbahaysiga dib u xoreynta
Dalka Soomaaliya waxaan hogaan loo doortay Sheekh
Shariif halka xubnihii shirkaas ka qeyb galayna ay
qaarkood qeybsadeen jagooyinkii si walbaba waxaa igu cad
cadaa xubnihii wadaadada ama maxaakiimtii islaamiga ahaa.
Wadaadadu sidii la filayay in ku dhawaaqistaas kadib ay
guddaha soo galaan ma aysan yeelin waa madaxdoodiiyee
inkastoo qaar yar oo kamid ahaa balse aanan iyagu culimo
aheyn ay guddaha galeen iyadoo ay ku sugan yihiin
ciidamadda Itoobiya ayaa hadana laga war dhowrayay ku
dhawaaqistii isbahaysiga mise waxaa Xigsaday QILAAF!,
kaasoo sababay kala jab laba garab lakala noqdo.

Mid maamul raba
“Maamul raadis (xil-doon) waxaa uu u xusul duubtay
dhankii beesha caalamka ama madashii u heshiisiinta
dowladda iyo mucaaradka ee jabuuti, kuwaasoo ka soo
helay kursigiisii oo noqday madaxweynaha jamhuuriyadda
Soomaaliya.
“Maanta lama joogo xili dagaal, dowladda midnimadda
qaran halaga soo qeyb galo oo halaga qeyb qaato, wada
hadal ayaan wax walba ku xalinaynaa dhamaan walaalaha
muqaawamadda waxaan ugu wacaynaa miiska wada hadal-ka”
ayuu ka kor yiri kursigii dhiiga badan loo daadiyay ee
dhex yaala madaxtooyadda Muqdisho (villa Somali). (garabka
Jabuuti ee Sheekh Shariif)

Mid masuugsan.
Waxaa uu ahaa garab kamida garabyaddii isbahaysigu u
kala jabay waxuuna si cad u diiday in uu dowladda ayido
isagoo sheegay in shaarkii dowladda kaliya la soo
badashay oo wax walba ay sidoodii hore yihiin, waxuu ku
dhawaaqay urur cusub oo diini ah ama lamid ah midowgii
maxaakiimta isagoo mideeyay qaar kamid ahaa garabyaddii
hubeysnaa.
“Waa dagaal, wax wada hadal la yiraahdo majiraan mana
aqoonsanin dowladda la sheegayo, ilaa kitaab-ka alle
S.W.T dalka lagu xukumayo anagu ma joojin doono dagaal-ka
mana aqbalayno dastuur gaalo” sidaana waxaa yiri kii
Masuug-sanaa ee isagu u muuqda mid waayay kursigaas. (garab-ka
Asmara ee Sheekh Aweys)

Mid madax adag.
Waxa uu ahaa qeyb kamid ah xoogagii mujaahidiinta waxa
uuna u istaagay gooni isagoo fuliya amaro u gaar ah
waxaanu heystaa qeyb kamid ah goboladda dalka Soomaaliya
isagoo leh awood aan la dhayalsan Karin, sidoo kale qeyb
libaax ayuu ka soo qaatay dagaal-kii lagu jabiyay
cadowga itoobiya…
“Xabad .. Xabad .. Xabad..waa xalka kaliya ee dalka
Soomaaliya, walina lama xoreebin, Ciidamadda kale
dalkeena haka baxaan, dadku qaar waa murtad ama gaalo
raac, hala duqeeyo goobo cayiman halala dagaalo dadka
qaarkii, culimadda maslaxaddu dhex dhexaad kama ahan
arinta hanaga aamusaan hadii kale..?!!!” sidaa waxaa
yiri kuwii madax adkaa ee iyagu kamid ahaa mujaahidiinta
( SHABAAB-KA).
Hadaba aqristoow aan ku su’aalee miyaa loo garaabaa
garabkan Jabuuti ee isagu markii uu helay waxa uu
raadinayay nabadda naadinaya, iyadoo ay u god-galeen
qaar badan oo kamid ahaa mujaahidiintii loo sheegay in
la raadinayo si kitaab-ka alle u kor noqdo balse aan
jaggo iyo maamul loo carareen,
Mise waxaa loo garaabayaa kan Asmara ee isagu leh
mabda’a sidaas maaheen ee waa in kitaab-ka la isku
xukumaa, sow maaha kuwii iyagu ASMARA kooxii aan
sheegnay kula shiray misana qaatay jagooyin-kii loo
magacaabay maxay markaas isaga diidi waayeen oo u oran
waayeen xal baanu rabnaa ee xil ma rabno, mise waxay u
muuqataa siyaasad xumo markii ay ku xajisan waayeen ama
kaga qeyb gali waayeen dowladdan in ay leeyihiin gow
maleh gish-na maleh.
Shabaab-ka miyaan dhahnaa wey saxan yihiin, maxay umadda
isaga dhex saaraan, maxay gooni ugu taagan yihiin
maxayse u qaataan go’aani u ah inakastoo eedeemo kuwaas
ka badan loo hayo hadana aniga iyagaaba ila saxan waa
haddii sal fudeed-ka yarka ah ay iska daayaan maadaama
ay leeyihiin hadaf.

Madax adeega ula jeedo si kale lamina mid ihi dadka
oranaya ISLAAMIYIIN ama XAG-JIR oo xaq ayay u leeyihiin
in ay jiraan dhan ama aan iraahdo dhanka sunnada
nabigeena Muxamad S.W.C dhamaana waan wada nahay
islaamiyiin qofna laguma ceebeen karo.
Waa la yaabay dadka qaar ayaa hore u ogaa ahdaafta
hogaankii maxaakiimta islaam-ka, bini’aadamkuna kama
suulo baahi iyo u hanqal-taag aduun isagoo hawadda hadba
raac raacaya ilaa midka uu illaah mootiyo mooyee,
Maxaakiimtu ayaa isugu jiray kuwo hankoodu sidaas yahay.
Waxaan soo xasuustaa xiligii ay mideysnaayeen ee
magaaladda Muqdisho ka talin jireen iyo mar marka qaar
waxa is daba mari jiray, waana maalmihii la ogaaday in
aysan shaqo isku leheen oo ay wada han leeyihiin anigase
waxaan kamid ahaa ardaydii gobol-ka banaadir ee ku
faraxsaneed culimadda u soo baxday dalka maantase waxaan
is weydiinayaa su’aalo ay ka mid yihiin:-
Maxaa loola dagaalamay hogaamiye-kooxeedyaddii mar
haddii sidooda oo kale la isku qilaafayo.?
Maxaa loo diiday in dowladda lala heshiiyo shirkii
Khartuum mar haddii lala midoobayo?
Maxaa loola dagaalamay oo dalka cadowgii itoobiya looga
saaray mar haddii umaddu nabad ku soo laabanayn?
Maxaa loogu sheegi jiray dadka in kitaab-ka illaah la
isku xukumi doono mar haddii datuur la qaadanayo?
Maxaa culimo la isaga kaaya dhigay oo qamiis cad iyo
cimaamad loo qaatay mar Suit (garabaati) la xiran
yaqaano?
Maxaa waxbarashaddii iyo nolashii caadiga aheed naloogu
diiday mar haddii hamigu uu ahaa Kursi kaliya?
Maxaa wali dalku u dagi la’yahay Mar haddii wixii la
rabay la helay?
Waxaan aniga ka daalay aqrinta wararka ka imaanay dalka
Soomaaliya, waxaan quus ka taaganahay in aan dib u arko
dalkeygii oo nabad ah inkastoo naxariista rabbi aan laga
quusan, hadana anigu maahi mid indhaha ku kala qaaday
ama ku caqliyeystay dalkiisa oo nabadi ay ka jirto,
rajaddii ugu dambeysay ee eheed raggii kitaabka noo
asheegay in la isku xukumi doono ee inoo ahaa
macalimiinta iyo culumaa’udiinka waa taas isu badashay
in ay gacmaha la galaan siyaasad qalafsan iyo iyagoo sed
bursi iyo sahan colaadeed oo dhexdooda ah bilaabay,
Alloow umuuraha sahal oo nin daacad ah iyo mid daalim ah
deeq-daada ha u simin, allow xaqa soo da daji oo
dalkeena iyo dadkeena sii nabad waarta aamiin, waxaanse
kula talin lahaa wadaadadii maanta wali wax ka qabasho
ayay leedahay arintiinu inta aysan farahiina ka bixin
oon la idinka dhex faa’iideysan caqligiina kaashadda oo
cilmiga uu illaah idin siiyay ku camal fala kana fogaada
dhiig data iyo in dalkii aad dulliga ka saarteen dib ugu
celisaan.
Fiiro gaar ah:-
waxaa la lahaa lama hadli karo oo waa la is dilayaa,
wariye-yaal badan ayaa afkooda u dhintay lamana yaqaan
waxa dilay, haatan cadowgii wuu baxay walina waa la
dilayaa af-maalkii lama yaqaan sabab, hadaba haddii wax
iga soo gaaraan arinta qoraal-kan daraadeed sadax-da aan
soo sheegay waxba lagama su'aali doono.
W/diyaariyay
cabdifitaax Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new