Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Mid maamul raba, , Mid masuugsan, iyo Mid madax adag (Maxaan ka quustay nabad).

Maqaal 14 Fabaury 2009 Waagacusub Media


Waxaa xasuus gaar ah ii leh aniga iyo inta ila midka ah ee ku sugnaa guddaha dalka gaar ahaan magaaladda Muqdisho iyo goboladdii dalka Soomaaliyeed 2006-2007 maamulkii macaanaa ee maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed, waxaa la yiri “War la qabo xiiso maleh” ma doonayo in aan ka sheekeeyo taariikhdii wanaagsaneed ee ku koobneed lixda bilood balse a dadku ku cabiraan in ay la mid aheed lixdan sanno oo kale, taasoo mahadeyda uu rabbi S.W.T leeyahay iyo intii dadaalka samaysay ee ku midoobay maxaakiimtii sharaacadda gaar ahaan madaxdoodii.

Hadaba Maxaakiimtii islaamiga Soomaaliya ayaa iyagu ahaa kuwo casharo cusub ku soo siyaadiyay buuga taariikhda lagu qoro ee dalka Soomaaliya iyagoo sameeyay nidaam ay wanaagiisa dadku dareemeen mudo yar ka dib markii ay kala eryeen dhiig miirataddii ( Qab qablayaashii dagaal-ka) ee xiligaa qeyb qeyb u kala daganaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale saaxadda siyaasadda dalka Soomaaliya ayay ku soo biireen markii ugu horeeysay wadaadadii hor boodayay nidaam-kaas waxaase inta badan dadku ay u heysteen in culimaddii hogaan-ka u heysay maxaakiimtii shareecadda uusan hamigoodu aheyn in ay hogaan-ka dalka qabsadaan waxaana loo heystay kuwo ka damqaday dhibaatadda dalka soomaaliya gaar ahaan caasimadda muqdisho oo ah halkii ugu horeysay oo ay ka hana qaadaan.

Maaha in aan uga gol leeyahay in wadaadadu ay mamnuuc ka tahay in ay xil qabtaan, mana u malaynayo in wax iyaga kaga wanaagsan uu jiro maamul-ka dowlad-nimo mar haddii iyagu ay yihiin kuwo wax ka yaqaana DIINTA dadkana ku kala saari kara shareecadda islaam-ka… tiiyoo umaddeena Soomaaliyeed ay yihiin kuwo 100% islaam ah.


Xiligii hogaamiye kooxeed-yaddii Muqdisho iyo goboladda ku dhow dhow ay ku dhaqaaqeen isbahaysi ay ku mideydsan yihiin oo isagu ahaa mid asha-haado la dirir ahaa ayaa waxaa soo ifbaxay rag cullumo ah oo iyagu ka dhiidhiyay sida dhiiranaanta leh (indha adeega ah) ama xishood la’aanta ah oo ay barqo cad ugu dhawaaqeen bartamaha magaaladda Muqdisho isbahaysi ceenkaas ah, wadaadaas ayaa qaarkood maamulayay maxaakiim ay lahaayeen qaar kamid ah degmooyinka gobol-ka Banaadir kuwaas oo qaab beelo ku bilaawmay.

Culimaddu markii ay guusha gaareynba waxay ku dhawaaqeen nidaam gollayaal guddahooda ah waxaana ka mid ahaa Gollihii Shuuradda oo hogaankiisa loo doortay Sheekh Xasan daahir Aweys iyo Gollihii Fulinta ee uu hogaaminayay Madaxweynaha haatan baarlamaan-ku doortay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed labaduba waxay kala maamulayeen maxkamaddii If-ka Xalan iyo maxkamadii degmadda YAAQSHIID ama ay dadka qaar u yaqaaneen maxkamaddii SII SII.

Maamul-koodii ay dadku bogaadiyeen ayaa waxaa uu meesha ka baxay lix bilood kadib guushoodii iyadoo ay noqdeen kuwo ku kala firxaday guddaha iyo dibadda dalka waxaana badelkoodii soo galay dowladdii federal-ka ee iyadu wadatay huwantii Amxaaradda ee xasuuqii lawada xasuusan yahay ka geystay guddaha dalka Soomaaliya.

Inkastoo ay jireen qaar kamida madaxdii maxaakiimta oo iyagu kala qeyb qaatay shacabka mujaahidiinta ah ee Soomaaliyeed dagaal-kii dib u xoreynta dalka ee ka soconayay magaaladda Muqdisho iyo goboladda dalka Soomaaliya kaas oo looga soo horjeeday cadowgii itoobiyaanka ciidamadoodii ayaa hadana waxaa laga war helay Madaxdii ugu waaweyneed oo ku shiraya ASMARA caasimadda dalka Eretrea.

Waxay la bohoobeen qaar kamid ahaa dowladdii xiligaa xoog ahaan u wadatay xabashida oo iyagu ku andacoonayay Xor baanu ka nahay ama xubnaha baarlamaanka xorta ah oo ay isugu yeeri jireen, qaar aan qatarta wadanka kala soo qeyb qaadan shacabka ee iyagu qurbo joog ahaa isla markaana fursad u arkayay arintaas iyo qeybo kamid ah bulshadda rayidka ah.


Waxaa halkaas loogu wanqalay isbahaysiga dib u xoreynta Dalka Soomaaliya waxaan hogaan loo doortay Sheekh Shariif halka xubnihii shirkaas ka qeyb galayna ay qaarkood qeybsadeen jagooyinkii si walbaba waxaa igu cad cadaa xubnihii wadaadada ama maxaakiimtii islaamiga ahaa.

Wadaadadu sidii la filayay in ku dhawaaqistaas kadib ay guddaha soo galaan ma aysan yeelin waa madaxdoodiiyee inkastoo qaar yar oo kamid ahaa balse aanan iyagu culimo aheyn ay guddaha galeen iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamadda Itoobiya ayaa hadana laga war dhowrayay ku dhawaaqistii isbahaysiga mise waxaa Xigsaday QILAAF!, kaasoo sababay kala jab laba garab lakala noqdo.


Mid maamul raba


“Maamul raadis (xil-doon) waxaa uu u xusul duubtay dhankii beesha caalamka ama madashii u heshiisiinta dowladda iyo mucaaradka ee jabuuti, kuwaasoo ka soo helay kursigiisii oo noqday madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Maanta lama joogo xili dagaal, dowladda midnimadda qaran halaga soo qeyb galo oo halaga qeyb qaato, wada hadal ayaan wax walba ku xalinaynaa dhamaan walaalaha muqaawamadda waxaan ugu wacaynaa miiska wada hadal-ka” ayuu ka kor yiri kursigii dhiiga badan loo daadiyay ee dhex yaala madaxtooyadda Muqdisho (villa Somali). (garabka Jabuuti ee Sheekh Shariif)


Mid masuugsan.


Waxaa uu ahaa garab kamida garabyaddii isbahaysigu u kala jabay waxuuna si cad u diiday in uu dowladda ayido isagoo sheegay in shaarkii dowladda kaliya la soo badashay oo wax walba ay sidoodii hore yihiin, waxuu ku dhawaaqay urur cusub oo diini ah ama lamid ah midowgii maxaakiimta isagoo mideeyay qaar kamid ahaa garabyaddii hubeysnaa.

“Waa dagaal, wax wada hadal la yiraahdo majiraan mana aqoonsanin dowladda la sheegayo, ilaa kitaab-ka alle S.W.T dalka lagu xukumayo anagu ma joojin doono dagaal-ka mana aqbalayno dastuur gaalo” sidaana waxaa yiri kii Masuug-sanaa ee isagu u muuqda mid waayay kursigaas. (garab-ka Asmara ee Sheekh Aweys)


Mid madax adag.


Waxa uu ahaa qeyb kamid ah xoogagii mujaahidiinta waxa uuna u istaagay gooni isagoo fuliya amaro u gaar ah waxaanu heystaa qeyb kamid ah goboladda dalka Soomaaliya isagoo leh awood aan la dhayalsan Karin, sidoo kale qeyb libaax ayuu ka soo qaatay dagaal-kii lagu jabiyay cadowga itoobiya…

“Xabad .. Xabad .. Xabad..waa xalka kaliya ee dalka Soomaaliya, walina lama xoreebin, Ciidamadda kale dalkeena haka baxaan, dadku qaar waa murtad ama gaalo raac, hala duqeeyo goobo cayiman halala dagaalo dadka qaarkii, culimadda maslaxaddu dhex dhexaad kama ahan arinta hanaga aamusaan hadii kale..?!!!” sidaa waxaa yiri kuwii madax adkaa ee iyagu kamid ahaa mujaahidiinta
( SHABAAB-KA).

Hadaba aqristoow aan ku su’aalee miyaa loo garaabaa garabkan Jabuuti ee isagu markii uu helay waxa uu raadinayay nabadda naadinaya, iyadoo ay u god-galeen qaar badan oo kamid ahaa mujaahidiintii loo sheegay in la raadinayo si kitaab-ka alle u kor noqdo balse aan jaggo iyo maamul loo carareen,

Mise waxaa loo garaabayaa kan Asmara ee isagu leh mabda’a sidaas maaheen ee waa in kitaab-ka la isku xukumaa, sow maaha kuwii iyagu ASMARA kooxii aan

sheegnay kula shiray misana qaatay jagooyin-kii loo magacaabay maxay markaas isaga diidi waayeen oo u oran waayeen xal baanu rabnaa ee xil ma rabno, mise waxay u muuqataa siyaasad xumo markii ay ku xajisan waayeen ama kaga qeyb gali waayeen dowladdan in ay leeyihiin gow maleh gish-na maleh.

Shabaab-ka miyaan dhahnaa wey saxan yihiin, maxay umadda isaga dhex saaraan, maxay gooni ugu taagan yihiin maxayse u qaataan go’aani u ah inakastoo eedeemo kuwaas ka badan loo hayo hadana aniga iyagaaba ila saxan waa haddii sal fudeed-ka yarka ah ay iska daayaan maadaama ay leeyihiin hadaf.


Madax adeega ula jeedo si kale lamina mid ihi dadka oranaya ISLAAMIYIIN ama XAG-JIR oo xaq ayay u leeyihiin in ay jiraan dhan ama aan iraahdo dhanka sunnada nabigeena Muxamad S.W.C dhamaana waan wada nahay islaamiyiin qofna laguma ceebeen karo.

Waa la yaabay dadka qaar ayaa hore u ogaa ahdaafta hogaankii maxaakiimta islaam-ka, bini’aadamkuna kama suulo baahi iyo u hanqal-taag aduun isagoo hawadda hadba raac raacaya ilaa midka uu illaah mootiyo mooyee, Maxaakiimtu ayaa isugu jiray kuwo hankoodu sidaas yahay.

Waxaan soo xasuustaa xiligii ay mideysnaayeen ee magaaladda Muqdisho ka talin jireen iyo mar marka qaar waxa is daba mari jiray, waana maalmihii la ogaaday in aysan shaqo isku leheen oo ay wada han leeyihiin anigase waxaan kamid ahaa ardaydii gobol-ka banaadir ee ku faraxsaneed culimadda u soo baxday dalka maantase waxaan is weydiinayaa su’aalo ay ka mid yihiin:-

Maxaa loola dagaalamay hogaamiye-kooxeedyaddii mar haddii sidooda oo kale la isku qilaafayo.?

Maxaa loo diiday in dowladda lala heshiiyo shirkii Khartuum mar haddii lala midoobayo?

Maxaa loola dagaalamay oo dalka cadowgii itoobiya looga saaray mar haddii umaddu nabad ku soo laabanayn?

Maxaa loogu sheegi jiray dadka in kitaab-ka illaah la isku xukumi doono mar haddii datuur la qaadanayo?

Maxaa culimo la isaga kaaya dhigay oo qamiis cad iyo cimaamad loo qaatay mar Suit (garabaati) la xiran yaqaano?

Maxaa waxbarashaddii iyo nolashii caadiga aheed naloogu diiday mar haddii hamigu uu ahaa Kursi kaliya?

Maxaa wali dalku u dagi la’yahay Mar haddii wixii la rabay la helay?

Waxaan aniga ka daalay aqrinta wararka ka imaanay dalka Soomaaliya, waxaan quus ka taaganahay in aan dib u arko dalkeygii oo nabad ah inkastoo naxariista rabbi aan laga quusan, hadana anigu maahi mid indhaha ku kala qaaday ama ku caqliyeystay dalkiisa oo nabadi ay ka jirto, rajaddii ugu dambeysay ee eheed raggii kitaabka noo asheegay in la isku xukumi doono ee inoo ahaa macalimiinta iyo culumaa’udiinka waa taas isu badashay in ay gacmaha la galaan siyaasad qalafsan iyo iyagoo sed bursi iyo sahan colaadeed oo dhexdooda ah bilaabay,

Alloow umuuraha sahal oo nin daacad ah iyo mid daalim ah deeq-daada ha u simin, allow xaqa soo da daji oo dalkeena iyo dadkeena sii nabad waarta aamiin, waxaanse kula talin lahaa wadaadadii maanta wali wax ka qabasho ayay leedahay arintiinu inta aysan farahiina ka bixin oon la idinka dhex faa’iideysan caqligiina kaashadda oo cilmiga uu illaah idin siiyay ku camal fala kana fogaada dhiig data iyo in dalkii aad dulliga ka saarteen dib ugu celisaan.

Fiiro gaar ah:- waxaa la lahaa lama hadli karo oo waa la is dilayaa, wariye-yaal badan ayaa afkooda u dhintay lamana yaqaan waxa dilay, haatan cadowgii wuu baxay walina waa la dilayaa af-maalkii lama yaqaan sabab, hadaba haddii wax iga soo gaaraan arinta qoraal-kan daraadeed sadax-da aan soo sheegay waxba lagama su'aali doono.

W/diyaariyay cabdifitaax Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com


Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new