Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

11 Sano Jirkii Puntland iyo Fursadaha Wali Taagan.

Maqaal  13 March 2009 Waagacusub Media

Hordhac:-

Waxaa cad oo si waadix ah umuuqda habayaraatee 11kii Sano ee ay Puntland Jirtey in aan laga gaarin guulihii Udub dhexaadka u ahaa Dawlad Goboleedka Puntland oo Shacbiga puntland uu isha ku hayey Maamuladii kala duwanaa ee Puntland soo marey, sanadkii 1998 Xiligii Beelaha Walaalaha ah ee Puntland isugu yimaadeen in maamul loo dhanyahay ladhisto, Waxaa cad oo markhaati madoontaa in guushii xiligaas lagaaray oo laga dhabeeyey in maamul ladhiso, iyada oo wixii kadanbeeyey xiligaas uu maamulka Puntland noqday (Sac Bacaad lagu lisay), Hadaba Su’aashu isweydiinta Mudan ayaa ah in shacbiga Puntland loo ifiyo Balanqaad yadii Shacbiga Puntland ay udhigeen Hormuuda yaashii sababta u ahaa Dhidibaha in loo taago Maamulka Puntland ayna Kuqoreen dastuurkii ay xiligaas sameeyeen.
 

  1. In laqaado Afti Dadweyne si shacbiga Puntland meeshuu ubato la isugu raaco iyadoo aftida laga qaadayo Guud ahaan Gobolada Puntland Rabitaankooda siyaasadeedna lagu maamulo (Referendum)
  2. In Lasameeyo Xisbiyo Siyaasadeed si looga gudbo hab qaybsigii Beelaha kudhisnaa ee xiligaas lagama maarmaanka noqda0 oo uu maamulka Puntland ugaaro Dimuqradiyad oo qof walba oo shacbiga puntland kamida uu xisbiguu doono Kubiiri Karo codkiisana siin karo. (Political Parties)
  3. In lasameeyo Gudi doorasho si ay puntland uga dhacdo doorasho xor ah oo cadalad kudhisan iyada oo gudigaas doorashada si wada jir ah loosoo dooranayo (Electoral Commission)
  4.  In Doorasho Xor ah oo dhamaan Qodobadaas aan kor kusoo xusnay ay ku hirgaleyso Laqabto 2001 iyada oo Dhidbaha loo taagay Puntland 1998 xiliga lasiiyey maamulkaas in uu shaqeeyana aheyd Sadex Sano oo qura (all within 3 years; and, , publicly elected, legitimate government of Puntland State was in place by 2001.)


Somalia:Al-Qaeda’s second man seen in Somalia
. Clickhere

Hadaba qodobadaas Kor kuxusan iskabadaa xiligii loogu talagalay in laqabtee maantey ay puntland 11 sano jirsatey Qod kamida ma ka hirgalay Qodobadaas aan kor kusoo xusay? Jawaabta Su’aaashaas waxaan udeynayaa Shacbi weynaha Puntland, Waxaa kaloo Xusuus iga ah oo Qof walba oo puntland ah Markhaati kayahay in Sanad Guuradii 10aad ee kasoo wareegtey Maamul Goboleedka Puntland in dabaal dagyo iyo xusas loosameeyo iskadaaye Maamulkii xiligaas jirey uu hormuudka ka ahaa Cade Muuse uusanba Kawarqabin in ay puntland 10 Sano Jirsatey!!!

Hadaba Maamulka Puntland oo Maantey Kudhisan Qaab beeleed iyo Baarlamaan ka kooban 66 Xubnood oo Beel Walba oo Puntland kamida Saluugsantahay Beelo Kamida puntland-na aysanba Waxba kahelin Waa Baarlamaanka  iyo Xukuumada Hada jirtee iyo kuwii hore ee soo shaqeyn jirey iyada oo maantey Puntland umuuqato Beelihii ugu tunka weynaa in ay Kalsoonidii Kala siilaabanayaan Puntland.

Waxaan shaki kujirin oo qof walba oo puntland ah ogyahay in hadii qaab beeleedka puntland ay kudhisantahay looga gudbo Sinaan cadaalad doorasho xor ah oo halka maantey sadexdii ay xukuumada Puntland ka koobneyd ay kudhisantahy qabiil oo ah Sharci dajiyayaashii (Legislative) Xukuumada (Executive) iyo Garsoorka (Judiciary)

Ay puntland maqaamka ay maantey joogto aysan joogteen ee magaca kaliya ah.

Fursadaha wali taagan

Fursadaha Wali taagan oo Maamulka hada jiro laga rabo in uu fuliyo isaga oo ka waano qaadanaya Maamuladii kahoreeyey Cadaaladna Shacbiga Puntland ugu shaqeeyo hadii ay taasi dhacdana Waxaa Markhaati cad ah in hadii uu qodobada Kor aan kusoo xusay uu kadhabeeyo maamulka hada jira ay taariikhda Puntland ka galidoonto Maqaam dahab ah oo shacbiga puntland aysan waligood Hilmaameyn, Hadaba Talooyinka iyo Fursadaha Dahabigaa ee Maamulkaan Lagarabo In uu fuliyo waa Sida tan:-

Ø      Isbedel (Change) dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalah,Amniga, Garsoorka iyo Arrimaha Bulshada

Ø      In uu shaqo galiyo (New Generations) Dhalinyarada kartida leh oo isbedelka horseedi kara ee dalka iyo Dad kuba ubaahanyihiin iyaga oo lagu xulanayo aqoontooda ee aan lagu xulan beesha ay kadhasheen

Ø      In uusan Maamulka hada jira siin wax fursad ah kuwii 10-ka sano puntland ushaqeynayey oo uu keeno (Group of Change) Koox isbadal iyo hormar horseedi karta una shaqeeya si isku duubnaasho ah (Team Work)

Ø      Soo Celinta Ku dhaqanka Sharciga iyo ixtiraamkiisa(respect and rule of Law) ·

Ø      Kor uqaadida iyo kobcinta kaalinta dumarka ee dhinac kasta iyadoo laga duulayo dhaqanka wanaagsan ixtiraamka , cadaalada iyo wax wada qabsiga isla markaasna la xurmaynayo diinta islaamka.(promotion of women's role in politics).

Qodobadaas aan kor ku xusay waxay horseedi doonaan hadii maamulka hada jira uu kadhabeeyo  waxay keenayaan Kudhaqanka Sharciga (Rule of Law) iyo hirgelinta nidaam Dawladnimo wanag kusaleysan (Good Governance) taas oo ku abuureysa qof walba oo kamida shacbiga puntland kalsooni buuxda (Self Confidence) aniga oo aaminsan in maamulka hada jira uu yahay kii ku haboonaa oo kasoo bixi kara hawlaha culus aan kor kusoo xusnay.

Gunaanad iyo Waano

Waxaan ku gunaanadayaa Qormadeydan yar in Shacbiga Puntland uu ahaado Mid marwalba isku duuban lana shaqeeya Dawladiisa Sababtoo ah somalidaa waxay ku maah maahdaa (Dawlad la’aan Dawlad Xun baa dhaanta) sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Maamulka hada jira in Danaha Shacbiga Puntland uu ka hormariyo Danwalba oo cay doonto ha ahaatee iyadoo laga tusaalo qaadanayo Dhibaatooyinka kajira hareeraha Puntland iyo Dawladii Federalka aheyd ee uu Hugaaminayey Abdilahi Yusuf Ahmed oo cilmi badan iyo Tusaale badan ugu filan shacbiga Puntland ka hormarista danahooda ay ka hormariyeen Dano kale oo wax faaiidaa haba yaraatee aysan ugu jirin, Waxaana Maamulka Puntland mar labaad kula dardaarmayaa Shacbiga Wanaaga badan Nabada jecel hormarka jecel ee puntland sida aad ugu dhaarateen ugaarsiiya Doorashooyin xor ah oo ka gudbiya lama dhaafaankaan Qabiilka kudhisan ee maalinba maalinka kadanbeysa Puntland Kalsoonideedii Shacbigu sii yaraanayo.

Waad Mahadsantihiin

Fiiro gaar ah:-

Qoraalkaan wixii aan khalday nafteyda yar iyo sheydaan baa iska leh waxaan saxayna Alle ayey mahadaas usugnaatey


Mohamed Wali Macallin Yasin Sh Xirsi

(BBA professional)
BBA=Bachelor of Business Administration)
Hyderabad India

Email mmacalliny@yahoo.ca
Cell phone 919985434002

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new