
Soomaalida Hayaanka Goormay harsan Doontaa?
Nairobi
13 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Qulqulka aan xadka laheyn ee la
soo dersay dadka Soomaaliyeed in ku dhow Labaatan sano
ayaa weli halkiisa ka sii socda iyadoo sanad kastana
la arkayo qoysas farabadan oo Soomaali ah oo ka sii
firxanaya dagaaladda iyo dhibaatooyinka weli ka aloosan
dalkooda oo marba marka ka dambeysa ay xaaladiisa sii
Murgeyso.
Somalia:Pirate
asset to be frozen
By Dahir Alasow
Hayaanka aan harsiga laheyn ee Soomaalida soo wajahay
intii mudda aheyd waxa uu baday dhibaatooyin nololeed,
iyadoo qaar ka mid ah dadkaasina intii ay ku soo guda
jireen hayaanka dheer ee dhibaato ka baxsadka ah ay
naftoodii ku waayeen, iyadoo qaarkii kale ee samatabaxayna
ay hoy ka dhigteen Dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan,
maantana lagu arki karo dadka soomaaliyeed Shanta qaarood
ee Dunida haba ugu kala badnaadeene.
Marka aad Tagtid Dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuut, Suudaan
iyo Uganda, waxay indhahaagu qabanayaan Soomaali farabadan
oo yar iyo weyn isugu jra oo iyagu ka mid noqday shucuubta
dalalkaasi, islamarkaana joogitaanka dalalkaasi ku soo
kala horeeyay waqtiyo kala duwan, qaar ka mid ahna howlo
ganacsi oo xoogan ku heysta inkastoo Dal aad u Dhalan
ay tahay Dareen ku Joog.
Marka aad damacdid Dadka soomaalida in aad wax ka ogaatid
noloshooda dhabta ah ama aad la sheekeystid intooda
badan marnaba Afkooda kama maqleysid ku noqoshada Dalkoodii
hooyo ama xiisaha arrintaasi ay ku heyso, iyagoo markaa
taa bedelkeeda kaaga sheekeynaya safaro ay doonayaan
inay ugu socdaalaan dalalka Yurub iyo Ameerika, sow
markaa lama oran karo Soomaalida ka soo hayaantay Dalkooda
weli waa Hayaan!.
Dalalkan aynu soo xusnay iyo kuwa kale oo ka tirsan
Eeshiya, Yurub iyo Ameerika ee Soomaalida ay ku badan
tahay ayaa markoodii hore waxa ay ku tageen hayaan dheer
oo ay u soo galeen kagadaal markii Colaadii Sokeeye
dalkoodii uu ka qarxay tan iyo wixii ka dambeeyay Ridistii
Xukuumadii Siyaad Barre.
Qoysaska Soomaaliyeed ee haatan Dalalkaasi martida
ku ah waxay marar qaar la kulmaan dhibaatooyin isugu
jira Dilal, Caga-jugleyn, iyo Masaafuris, dharaar iyo
habeena waa welwel ku nool ah, Ileyn Haybad waxaad ku
leedahay Dhulkaaga Hooyo.
Kaaga darene waxyaabaha cajiibka ah ee dadyowgaasi soomaaliyeed
qurbaha ay kala kulmeen waxaa laga xusi karaa waa iyagoo
marka hore ood wadaag la noqday Mujtamac aan Af, Muuqaal,
Dhaqan iyo diin wadaag toona aheyn, taasoona dhibaato
horleh ku noqotay qoysaskii soomaalida ahaa ee iyagu
hayaanka dheer halkaasi ku gaaray.
Soomaaliya Weli ma nabdoona Rajada dib ugu laabashadeedana
weli ifafaalihiisa ma muuqdo waayo?.. waxaa weli la
dareemayaa xiisado colaadeed oo hor leh, lagana yaabo
taa iyada ah inay u sii jid furto kumaan hor leh oo
ka soo baxsada colaadaha ragaadiyay Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee hayaanka gudaha waxaaba ka sii
daran hayaanka soomaalida qurbo joogta ah ay ku doonayaan
inay ugu sii fogaadaan dalkoodii hooyo Tusaale haddii
aynu u soo qaadano Soomaalida ku sugan Dalalka Itoobiya,
Kenya Iyo Yugandha dhamaantood waa wada socdaal, waxayna
doonayaan inay hayaan ku gaaraan Yurub iyo Ameerika
islamarkaana ay ka dal doorsdadaan Soomaaliya iyo dalalka
la deriska ah ee haatan ay Joogaan.
Balse qaar badan oo Soomaali ah oo ka hayaamay dalkooda
Hooyo ee soomaaliya ayaa Naftoodii ku waayay Dhul oomane
oo saxara ah oo misna lamadegaan ah, iyadoo qaar kale
oo hablo iyo Wiilal u badana iyana badu ay asiibtay
islamarkaana ku hungoobay hamigooda!.
Hadduu xaalku sidan yahay oo Soomaalida kuwooda ku
sugan Gudaha dalka haddii aysan haysan nabad ay ku sii
joogi karaan dalkooda, qalbiguna uu kaga jiro hayaanka
ay qoysaskooda iyo Asxaabtooda kaga tageen Dalka Sow
ma dhici karto inay sidii Saaxiibadood ay sameeyeen
oo kale in ay Iyaguna sameeyaan??.... Qulqulka dadka
soomaaliyeed la soo dersay Sanooyinkan dambe inkastoo
ay u sabab tahay Nabad la’aanta Ka jirta Dalka hadana
Sow lama oran karo kama marna Qalbiga dadka soomaaliyeed
oo gigilay Dibad Jacel.
Waxaaa iyana isa soo tarayay Sanooyinkan dambe Socdaal
dheer oo la soo dersay Kumanaan qoys oo Soomaali ah
oo iyagu qoxooti ku ahaa Wadamada Yurubta Galbeed gaar
ahaan Iskandaneefiyaanka, Wadamadda Jarmalka iyo Netherlands
qoysaska ku dhaqan ee Soomaaliyeed ayaa doonaya inay
halkaasi isaga hayaamaan iyagoo markanaa si aad ah ugu
qulqulaya carriga Ingiriiska, Qoysaskaas oo u badan
hooyooyin iyo caruur iyo waliba dhalinyaro Muruqmaal
ah, iyagoo intooda badana la sheegayo inay degeen Goboladda
Dhexe Wadanka ( East and West Midlands).
Qulqulka Qoysaska Soomaaliyeed ayaa isagu bilaabmay
horaantii 2002-dii oo aheyd markii sida weyn loo dareemay
Soomaalida Muhaajiriinta ah ee Wadan ka Wadan, taasoo
markaasi kuu cadeynaysa in Soomaalida ka hayaantay dalkoodi
ay yihiin Weli Hayaan!.
Waxaa kaloo iyana jira Qoysas iyo waliba dhalinyaro
iyaguna ka soo hayaamaya Dalalka New-Zealand, Australia
iyo Waqooyiga America, taasoo iyaduna ay kuu sii cadaynayso
in Soomaalida dib u soo dagaysa Uk aanay ka imanayn
oo kaliya Yurubta Galbeed balse ay ka soo hayaamayaan
qaarado kala duwan.
hadii aan ku soo laabto Mawduuceeni ahaa Soomaalida
ka soo hayaantay Dalkoodii Wali Hayaan, halkii ay tagaana
waa ka sii hayaan sow lama ornan karo waa arrin taagan
oo dhamaan Soomaalida Qurbo Joogta ah iyo kuwa ku sugan
gudaha dalka uu Qalbigoodu Gilay Wadan ka wadan ama
si kale hadaan u iraahdo (Dal ka car, ama Buufis).
Iyadoo Dadka Soomaaliyeed ay ku caan baxeen Reer Guuraanimadda
iyo u hayaanka kolba meel ay isku qanciyaan inay masaafo
ku gaaraan ayaa Mudooyinkan dambe waxaa dadka soomaliada
u caado noqotay in naftooda ay ku biimeeyaan bad iyo
Berri Lamadegaan ah iyadoo markaana sida laga wada dheregsan
yahay kumaan Soomaali Muhaajiraan ah ay naftoodii ku
waayeen!.
Sikasataba ha ahaatee Soomaalida hayaanka kuwooda samatabaxay
waxay Socdaal ku gaareen Shanta qaaradood ee Aduunka,
iyadoo xitaa laga bartay Jasiirado aan laga aqoon Afrikada
Madow iyadoo aynu oran karo arrintani waxa sababay Daganaansho
la'aanta Siyaasadeed ee weli ka taagan dhulkooda Hooyo,
iyadoo dadka Soomaaliyeed ee ka soo hayaamay Dalkooda
weli ay yihiin hayaan, ayaa waxaan rabaa inaad maanka
ku haysid Su’aasha ah Soomaalida hayaanka ah Goormay
harsan Doontaa??!.
Ugu dambayntii waxaan u rajaynayaa Mujtamaca Soomaaliyeed
ee ku jira hayaanka iyo Geediga aan dhamaadka lahayn
ee ay iskaga kala gooshaya Qaaradaha Aduunka inuu Dalkoodii
Hooyo u xasiliyo nabad iyo xasilooni ay dib ugu guuraana
uu Siiyo. Insha'Allaah.
W/Q: C/qaadir Cilmi Ciise “Honest”
ccchonest@hotmail.com
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new