Somalia:Moderate
Islamists declare Jihad against Al-Shabab
By Alasow Clickhere
Somalia:People supports
government in rallies By Alasow Clickhere
Weerarka Warbaahinta iyo Prof Ibi & Weled Cabdalle
Mogadishu 12 March
2009 Waagacusub Media
Dadow ragax soo dhahaay rag iyo dumar soo shiraay haduu
rabash taagan yahay riwaayadan bal ila arkaay. Oday
beeldaaje ah oo u talin jiray beel degta gobolladda
dhexe ayaa reerkisii saddex beelood oo daris wadaag
ay yihiin midba dhinac kasoo weerartay, sidii dhaqanka
Soomalidu ahaa duqowdii beeshaas baa talo isagu timid
si colaadda oogan loo xalliyo, suldaankii reerka u waynaa
ayaa la yiri tali markaas buu wuxuu yiri ”waxaan rabaa
dhowr wiil oon u duceeyo oo halka irid oo noo furan
soo xirta .“ Sidaas ayaa reerkii talo ku qaatay oo iridii
u furayd reerkii deganaa ayey rag ka soo dileen. Tusaalahaa
waxaa u eg weerarka Prof Ibbi ku qaadey saxaafadda xorta
ah waayo dowladani dalka guud ahaan iska daayee degmooyinka
Xamar ma wada xukunto walina ma saldhigan, awoodda kali
ah oo ay leedahay waa afkaartooda oo warbaahintu suuq
geyso, ayaandarro jaalle Ibi ayaa durbadiiba colaad
dhex dhigay dowlada taagta yar iyo afmaal (Suugaanley
& Qalinley)
Somalia:Al-Shabab
claims Mogadishu blast, boycotts Sharia-based cabinet.
12.03.09
Clickhere
Warka Ibi ku andacooday ee ahaa saxaafadda sida hoggaamiye
kooxeedyadii oo kale ha loola diriro marka miisaanka
qanuuniga la saaro waa fal dambiyeed uu maxkamad ku
mutaysanayo, waayo dastuurka xukuumada ayaa qaba in
saxaafaddu xor tahay, markii xeer hoosaadka saxaafadda
la ansixiyo ayaa shaqsigii ama hay’adi danbi gasha maxkamad
la soo taagaya. Hase yeeshee qanuunka dowliga ahi ma
qabo wadar u ciqaabid sidaas darted, Ibi wuxuu garab
marsan yahay dastuurka dowladda uu xilka u hayo ama
xubin ka yahay. Walow aan Ibi u aqaan nin nabadeed oon
ka kalluumaysan dhiiga dadka, doorkisa siyaasadeedna
yahay galaangal iyo ruma rumeeye aan ka dheeran xafiisyadda
madaxda sare, haddana waxaan la yaabay war culeyskaas
leh inuu ku tanaagoodo oo ku dhiirado sidii hogaamiye
kooxeedyadii ha loola diriro, waxay u dhigmaysaa dilka
iyo dhabar ka wareenka sannadahaan ku socday bahda warbaahinta
halla sii kordhiyo, sidaas darteed warka Ibi diintana
waa ku gef, maxaa yeelay Nabigeenii suubana nabadgalyo
iyo naxariis korkiisa ha ahaate wuxuu xadiis ku yiri
”fitnadu waa hurudaa nacladi ha ku dhacdo qofkii huradada
ka kiciya”.
Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif haddii ay garanayaan
weerar lagu qaaday saxaafadda inay tahay tikidh ay u
goosteen fashilkoodii siyaaso, isla habeenkii bay Ibi
ku soo rogi lahaayeen ciqaab anshaxeed iyaguna subaxii
xigtay shir jaraa’id oo raalligalin ah bey qaban lahaayeen,
waayo hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha bixiya dowlad
aan xorriyada saxaafada ogolayn ma taageeran, aqoonsi
rasmi ahna ma siiyaan, waxayse arintu u muuqataa oohintu
orgiga ka wayn oo hadalka Ibi wuxuu daba socdaa oo lagu
taageeray hadalkii ergayga qaramadda midoobay Soomaliya
u qaabilsan Axmed Weled Cabdalle oo ah mu’alifka dowladda
Sharifeyn oo dhowaan yiri ”saxaafadda Soomalida buunbuunisa
xasuuqa aan ciidammada AMISOM sameyn” hadalkaasoo ku
soo beegmay maalin tacsiyeed afartan qof ay ciidammada
AMISOM ku dileen wadada Maka Al Mukarama. Sida laga
dheehan karo hadalka Ibi waa qandaraas daba socda hadalkii
Axmed Weled Cabdalle tiiyoo ay wehliso webka Hiiraan
oo isna maalin kadib soo qoray halla kala diro odayaasha
Hawiye hana lagu baddelo bulshada rayidkaa, sidaas darted
durbaanka la garaacayo n uxurkiisu waa waa yaan la helin
ummaddan la dulmay cid u hadasha oo waraabaha yur ka
tiraah.
Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi ayaa xilligii dowladii
Carte lasoo dhisay isagoo la hadlaya saxaafdda wuxuu
yiri ”dowladaani waa cowro waayo kursi ma dhaxlin, nidaam
ka horreeyay ma dhaxlin, wuxuuna talo kusoo jeediyey
cowro lama faydee waa la asturaa ee saaxafadey yaan
la faydin.” Hadda Ibiyow kali ah waxaa mucaaradnimo
kugu filan iyadoon xabbad lagugu ridin in saxaafaddu
kashifto inta qodob ee axdiga laga jabiyey dadka loo
iftiimiyo mudadii sharciga ahayd ee baarlamanku inay
ku egtahay Setembar 2009 si axdiga gees marsanna in
loo kordhiyey waqtiga, doorashaduna u dhacday musuq
la maldahay isla markaana magaca dowladu aad sheegataan
in uusan dastuurka ku caddayn, waayo dastuurku wuxuu
qorayaa dowlada federaalka Somaaliya, balse waxaad sheegataan
dolwada midnimo qaran o aanla aqoon meel magacaas laga
soo minguuriyey. Dhan kale ka eego dhowrkii todobaad
ee aad jirteen qaladaadka yar yar ee dhacay waxaa ka
mid ah: madaxwayne ka hadlaya awoodii baarlamanku lahaa
ama howshii fulintee raysul wasaaruhu lahaa, wasiiro
nin waliba xayndaabkiisi maamul dhaafay oo adiga Ibi
ahi aad kow ka tahay. Runtii waxaad la mid tihin nin
guri muraayad ah deggan oo dhagxaan tuuraya, sababtoo
ah howsha aad faraha ku haysaan in sidii ukuntii loo
dhowro bay u baahan tahaye in cadow cusub loo abuuro
ma rabto. Haddii saxaafaddu liddi kugu tahay oo ceebahaaga
faagfaagto waa lagu yaabaa oo horaa Salaan Carrabey
u yiri ”afku wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara”
Adigaa ka taliyee hadda suugii mucaardka sarbeebta saxaafada
ku darso.
Prof Ibi weligi wuxuu ku hawanaa caburinta saxaafadda.
Waagii Carte waxaa dhacay rag Ibi hogaaminayo ayaa baarlamanka
geeyay xeer hoosaad lagu caburinayo saxaafadda markii
ergo aan ka mid ahaa oo saaxaafada ka socotay golihii
wasiirada iyo xubno baarlamanka ah ay arrintaasi kala
doodeen ee taladii wanaagsanayd la diiday oo baarlamankii
si aan masuuliyad xambaarsanyn u ansixiyey sharcigii
ayaa saxaafadii xilligaas jirtay waxay go’aansadeen
in war dowladaas ku saabsan aan la sii dayn hal maalin
oo shaqo joojin ahna la sameeyo. Dowladii berigaas jirtey
goortey saddex maalmood adkaysan waysay waxaa la soo
diray ergo uu hor kacayey Cabdikariin Axmed Cali oo
ahaa wasiirka baarlamanka waxaana heshiis lagu gaarey
in madaxwaynuhu sharcigaas dib ugu celiyo baarlamanka
uusana saxiixin saxaafaduna ay cunaqabataynta ka qaado
dowladda. Shaqsiyan walow meherada saxaafada aanan lix
sano ka shaqayn qorshahana aysan iigu jirin inaan mustaqbalka
ka shaqeeyo hadana geesiyaasha hadda shaqada gacanta
ku haya waxaan kula talin lahaa in aysan dowlada cunaqabatayn
waayo warka Ibi ma ahan go’aan wasiiro iyo baarlaman
ka soo baxay, laakiin isaga Ibi ah waa in saxaafadu
cunaqabatayn ku soo rogto oon wax war ah oo uu leehayay
la sii dayn inta laga helayo nidaam u kala garsoora
isaga iyo saxaafadda.
Soomalidu waxay ku mahmaahda “Sadar muuqda su’aal ka
dhan” doorka suxufiga warbaahinta iyo bahda afmaalku
bulshada ku leedahay ama halgankii gumaysi Itoobiya
ee dalka qabsdey lagula diriray ay ku lahaayeen ma ahan
mid sharaxaad aniga iiga baahan balse sida caadadu Soomalidu
tahay halgan kasta waxaa la xaqiraa oo masraxa laga
saara udub dhexaadkii dhaliyey waxaana la abaalmariyaa
kuwii gumaysiga u heesay ama xaqa iyo baadil isku barxay.
Sidaa darteed billadii dahabiga ahayd ee saxaafdu filaysay
ayaa Ibi siiyey taasoo ah in la weeraro waxaanse ragga
meherada gacanta ku haya dhihi lahaa Alle iyo inta wax
garata garoowshiiyo ka suga warka Ibina sidii C/laahi
Fiidow dhaha ”kulayl iyo qabow midna naguma hayo” shirqolladda
maleeganna iyo khataraha soo socda wadajir ugu tabaabushaysta.
Hadaad dib u eegto dareen kicintii abwaanadu ku yeeshen
bulshada, bal eeg SSDF doorka siyaasiyintu qaateen iyo
guubaabadii gabyaa Khaliif Sheekh Maxamud uu ku sameeyay
ayaa isu dhigmay baan dhihi karaa, eeg afartaan erayadan
”nin dudumo u qaylinahayoo daalan baan ahaye” dib u
eeg halgankii hubaysnaa ee gobollada dhexe ka bilowday
ee aakhirkii soo gaarey caasimada doorkii uu gabyaa
Saciid Gacamey ku lahaa dib u xasuuso erayadan ”hadaan
nabada tiirkaan ku xiro loogu tagi wayin” ama “halgan
waan ka haray oo Hawiyaan hilib wadaagnaaye” ama gabaygii
Hadraawi ee ahaa ”hadaanan hadanan“ ee uu ku kiciyey
dadka waqooyi ama gabaygii ama doorka ay ku yeelatay
riwaayadii Land Cruiser ee Cabdi Muxumud dhabar jabinta
dowladii ama gabayadii YamYam ee ahaa “ho hooy geelu
maa dido” nin dhacdooyinkaas yaqaan afmaal iyo qoraa
lama diriro. Dirac waa u waano doqonna yeelkeed.
Gabagabadii qormadan uma qorin sidii suxufigii Uurdoox
markuu lixdameeyadii musuqmaasuqii Jeneral Maxamed Abshir
sameeyay soo bandhigay ee ahaa 71 sarkaal hoose oo derajo
sare loo dallacsiiyey oo uu 49 jufo hoosaadkiisa ka
dhigay oo kale inaan soo bandhigayo fadeexadda uu Ibi
sameeyay, umana soo qorin in nidaamkan ugub aan ku mucaarado
balse ujeedkaygu waa inaan ragga Ibi u horreeyo iraahdo
saxaafadu ma gablamin suxifina wali waa nool yahay ee
saaxiibkay Ibiyow halla mid noqon macalinkii carrabka
la’aa ee Agif yiri ee markii ardaygii Agif yiri garaacay
oo ka raba inuu alif yiraa, dagaal iyo is dil jira saxaafaduna
ma keenin suxufina ma qarin karo dal aadan wad xukumina
kuguma mehrin karo wariyuhu. Gabay Yam Yam tiriyey waxa
ka mid ahaa ”waagii mudnaantiyo wasiir magac ku faanaa
muraayadaha xiran jirey gudbe maal mahaasi” hadda wasiir
amar uu bixiyaa uu shaqeeyo ma jiree adigu mowjado ha
isku furin oo weliba haku riyoon inaad la mid tahay
Maxamed Siyaad Barre oo 1970-yadii jooga. Dowlad kalitalis
ah oo saxaafadda caburisa gabalkeed waa dhacay.
WQ: Maxamed Caanageel
caanageel@hotmail.com
Halkaan
ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new