
La`dilyayee Maloo Digay? By Mbarre
Fiyoore
Qormo12 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Uurkaadu wuxuu laba rogmayaa markii uu Walaal kuu dhow
kugu weeciyo Waranka adigoo markaa wax walaahow ah aadan
ka qabin, runtii waa dareen aad fahmin kartid Aqristow
adigoo ah Saxafi Saafi u ah Dadkiisa Muslimiinta wada ah
Cadowgii soo jireenka ahaana markii uu caraabay Salaan
wacan iyo Saadaal qeyr leh Soomaaliyeey hanta yiri
halagu Surgooyo sow Saxiir maahan.
Warfidiyeenadeena waa kuwii Halganka kasoo qeyb qaatay
iyagoo in badan oo Baraarursan lehna ay ahaayeen kuwii
tabin jiray Gumaadka Cadowga geysanayo kasoo in badan ay
isku dayeen Abasiiniya iyo kuwii u ahaa Tooshka in ay
Albaab Qufuleh ku xiraan Saxaafada hanaqaadka ah,
xiligaa waxaa dhaayaha ku wada heynay in qaar badan la
xiray kuwa la Jirdilay qaarna waayeen Naftoodii
macaaneyd halka kuwa kasoo haray ee ah halyeeyada Nool
ee bisil aysana Saxafadooda ku dhisneyn Af Qabiil iyo
Arwaax Doqonimo ay Shafka udhigteen in ay tagaan meel
kasta oo uu ka dhaco Gumaad ama duqeyn iyagoo Aduunka
ubaahinayey Sawirada Isir tirka iyo Wararkooda ku
lifaaqan.
Saxafiyiintena waa kuwii ka reebay hadalada Tariikhda
madow galay ee Shisheeya Kalkaalka laga hayo, waxaan ku
weydiiyey aqriyow Marxuumkiii ay Dileen Gacmaha Dahsoon
ee Cadowga Wariye Mahad Cilmi Allaha unaxariistee kasoo
ifka ubaneeyey Maatidii uu Afka ku Difaaci jiray Xaqooda
miyaan Maanta Alle maba qadarinee Mindideena u quuri
laheyn xiligaan guusha helnay oo aan ka bogsaneyno
Nabaradii Injirey, waliba ogow isagoo aan loo digin
miyuusan Marxuum Siciid Tahliil sidaa aheyn iyo inta
kale ee aan u hanjabno Maalinkasta.
Miyey kula sahlan tahay inta fara ku tiriska ah ee
Afkooda iyo Qalinkooda ugu xusul duubtay in ay ka
dhiidhiyaan Wayaano Injirey iyo Waladadeedii inagu
habsatay in loo quuraa Dil,hanjabaad, iskaba dayee in
midaa loo quurayee waxey mudan yihiin inta la isugu
keeno meel in midba heerkuu Diinta iyo Dalkaba u
difaacay laga abaal mariyo Bilad Geesina Garabka loogu
xiro, hadeyse kula tahay in ay yihiin Warfidiyenadeena
kuwa aan Qiima ku fadhig ogow jaahilnimaa ku biday
sidaase in ay yihiin Tiirka Gobonimada, ogow midkadan
Qalbiga Oodan in Dal uusan jiri karin haduusan heysan
kuwa Iibiya Himilada Shacabkooda Difaacana marka ay
Ciriiri galaan la waayana Harka.
Waxey kula ahaatay Dhagar qabahan la hadlayow Wariyuhu
wuu hadlaayee Aamusi, oo kuma Wereystee Aamusi,oo waa
Agoonee Aamusi, ogow bulshadaad ka aragtay tasoo Huruda
oo aan ogaan Wiilkeeda Samaha jecel iyadoo xitaa hal
Mudaaharaad aan isugu iman markii ay Dhagar qabayasha
Dileen Marxuum Saciid Tahliil, hadey kacdoomi lahayeen
ka qeylin lahayeen Dilkii Marxuum Xasan mayow ee Afgooyo
lagu Feentay, hadey u istaagi lahayeen inta baaqiga ah
ee Nool Cabsina hareysay,hadey intii horey loo Dilay ka
guban lahayeen sida Marxuumiinta kala ah Abshir Cali
Gabre, Duniyo, Nasteex Daahir, iyo qaar badan oo
saaxiibadey ah Aakhirana u hayaamay waxaa markaa Qufulmi
lahaa Albaabka Sharta, Dhagar qabuhuna wuu baran lahaa
in Saxafiga Soomaliyeed ay Waardiya adag ka yihiin
Shacabkiisa.
Taa badalkeeda waxaa Shacbiweynuhu ku sagootiyaa
Wariyhii la Dilaaba Tacsi Idaacad iyo Talo Fadhiid ah,
waxey ka hadlaan Waxgarku Warbaahinada sii deynaynaya u
Baroorashada Wariyaha dhintay, waxey ku ekaataa Tacsidaa
Guud ahaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed, Makaroofankii iyo
Rikoorkiisii warqabka, waxaa xaqiiqa ah in baahi joogto
ah loo qabo Warka uu ku keeno si halisa oo Naf nac ah
Runtiina aan ka walwalo marka aan Idaacadaha ka
dhageysto Saxafi kasoo waramaya Jiida Dagaalka Bishiina
qaata Lacag yar oo aan u qalmin inta uu marayo balse ay
kaga weyn tahay Mihnadiisa Warfidiyeenimo, yaase u og
aan is weydiiyee wuxuu uhayo Shacabka,waa maya,
yeelkadiis,isagaa iska dhintay Wariyuhu.
Runtii maxey iga dhibi laheyd hadii loo digo oo
loo sheego waxa lala maagan yahay oo la`yiraahdo sidaa
daa ama sidaa filo, taa badalkeedu waa isagii oo aan
Walbahaar qabin sheeko Halaasina iska wata, moodayna in
Shacabkiisu Jecel yahay walibana dhex mushaaxaya
Bartanka Bakaare isagiiyoo ay dhexdana u xiran tahay
qofkastana arkaya in uu yahay Saciid Tahliil oo ay la
socdaan Warfidiyeno kale oo Mash huura, waxaase taa
badalay sida uu iisheegay mid kamida Saxafiyiintii la
socotay oo uu isagu ugu hadal danbeyey Marxuum Siciid
tahliil in iyagoo qabar daara Xabado ay ku bilaabeen Rag
hubeysan, waxaanse la fajacay sida dadku u
wada`daawanayeen Dilkiisa iyadoo aysan cidna wax ka
qaban balse Su`aasha taagani waxey tahay Marxuum Wariye
Saciid Tahliil La`dilyayee Ma`loo Digay?

Mohamed Barre Haji "Fiyoore"
Qorraa iyo Saxafi Somaliyeed
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new