Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Khudbado madaxda Puntland jeediyeen iyo qarax xigay"Cod"

Bosaso 11 March 2009 Waagacusub Media

Saacada kadib mar uu idlaaday kulan ay gudigga nabadgelyadda gobolka barri ku yeesheen hoolka shirarka dowlada hoose ee Magaalada boosaaso ayuu qarax weyn gilgilay 7:45 fiidnimo.
 
Sida uu ku waramay Weriye Cabdi risaaq wuxuu tibaaxay in qaraxa uu ka dhacay kontorool ku dhaw xaruumaha Hay'adaha samafalka ee Puntland.
Qaraxa oo noqonayo kii labaad ee dhaca,maalin kadib waxaa uu walaac geliyay shacabka boosaaso.
Kulan ay ka qeybgaleen Wasiiru doowlaha Amnigga Cabdullaahi Siciid Samatar,Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Ilkajiir,Gudoomiyaha gobolka Barri Mudane Muusse Geelle,Saraakiil sare oo ka tirsan gudigga Nabadgelyadda,waxgaradka,haweenka iyo Masuuliyiin ka socday 16 ka xaafadood ee Magaaladda Boosaaso ayaa lagu gorfeeyay amaan xumida ka sii dareeyso ee Puntland gaar ahaan tan Magaaladda Boosaaso.
Khudbadaha Madaxda iyo Waxgaradka Puntland oo aad u xasaasiya iyo Weriye ku sugan boosaaso oo ka hadlaya qaraxa halkaan ka dhageyso.. ama Download gareeyso
Kulanka ay yeesheen gudigga nabadgelyadda Puntland iyo qeybaha bulshada waxaa dhinac socday go,aamo ku aadan xoojinta nabadgalyada gobolka oo ay soo saareen gudiga nabadgalyada gobolka bari iyo wasiirada amniga iyo arimaha gudaha oo shir ay isugu yimaadeen ku wajahay arrimo ay ka mid yihiin .Tahriibka,hubka sharcidarada ,filmaanta anshi xumida ,keenista iyo ka ganacsiga dharka ciidamada iyo waliba in rugo cusub lagu kordhiyo xaafadaha Magaalada Boosaaso.
Gudiga ayaa sheegay in ganaax lacageed iyo xabsi ay mutaysan doonaan cidii arimahaasi lagu qabto .
Wasiirka amniga Puntland Cabdullahi Siciid Samatar ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay inay u istaagaan sidii looga wada qeybqaadan lahaa amaanka Puntland,wuxuuna si gaara u faray inay la shaqeeyaan Ciidamadda amaanka si loo qabto shaqsiyaadka wada qalqal gelinta.
Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir,Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa isna ka warbixiyay halka ay marayaan wada hadaladii iyaga iyo beelihii ku dagaalamay deegaanka degmada Ufayn.
Wasiirku wuxuu xusay in is afgarad laga gaaray isagoo dhinaca kale tibaaxay in odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Qardhana ay xaliyeen shaqaaqadii dhawaantan ka dhacday.
Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay hoos dhaca ku yimid sarifka balse uu sheegay in sicirka raashinka uusan hoos u dhicin isagoo af ku balanqaaday in maamulkooda ay xoojinayaan hadaladii uu soo saaray wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Cabdulaahi Xirsi Timacadde oo sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii sicirka raashinka iyo bagaashka lasocodsiin wayda sarifka hoos u dhacay .
Drs.Maryan Maxamed Cabdule oo ka socotay 16 ka xaafadood ee magaalada boosaaso ayaa sheegtay in shacabka boosaaso iyo ciidamada aysan wada shaqayn lahayn .taasna ay wax u dhimi karto nabadgalyada waxayna maamulka ku baraarujisay in wada shaqayn baaxad leh la sameeyo .
Puntland gaar ahaan boosaaso weli waxaa ka socda qaraxyo waxaana ujeedada qaswadayaasha la rumeeysan yahay inay tahay sidii samafalayaasha uga bixi lahaayeen.
Maamulka Madaxweyne Faroole inkastoo uu ku booday arrimo xasaasiya sida qaadka oo dad badani ka cunaan Puntland hadana waxgaradku waxay qabaan in cuuryaaminta ganacsiyada yar yar iyo la dagaalanka qaadka ay ka horeeyso wax ka qabashada amni xumida walaaca ku abuurtay bulshadda.
Maamulka cusub ee Faroole waxaa la rumeeysan yahay inuu ku fashilmi karo qorshahiisa qaadka Puntland maadama ay dad badan kaga sii jeedaan.

www.waagacusub.net

www.waagacusub.info

www.dahiralasow.com

Ku xirnoow Waagacusub Media,

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new