Somalia:Moderate
Islamists declare Jihad against Al-Shabab
By Alasow Clickhere
Somalia:People supports
government in rallies By Alasow Clickhere
Weriye Cagayare oo
warbixin ka soo diray Baardheere.
Baardheere
11 March
2009 Waagacusub Media
Xaaladda degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa degan
kadib markii uu shalay galankii dambe uu dagaal ku
dhexmaray ciidamada Al Shabaab iyo kuwa kale oo
taabacsan Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, inkastoo
khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay galab uu sii
kordhayo.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhaawacmay inkabadan 8
ruux oo ay kamid yihiin haween iyo dad rayida oo aan
waxba galabsan, ayadoo ay u ildaran tahay haweenay uur
lahayd oo xabadi ay haleeshay xiliga uu dagaalku
soconayay.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa loo
qaaday dhinaca degmada Diinsoor ee goboka Baay halkaasoo
lagu dabiibayo maadaama degmada Baardheere aysan lahayn
rug caafimaad oo dabooli karta baahida bukaanada.
Sarkaal u hadlay Ururka Al Shabaab ayaa qiray in nin
kamid askartooda uu ku dhintay dagaalka kaasoo u
nafwaayay dhaawac halis ah oo soo gaaray.
Taliyaha saldhiga booliska degmada Baardheere ee
Alshabaab Abuu Shureyn oo lahadlay saxaafada ayaa
sheegay in ay la waregeen goobihii lagu dagaalamay
iyagoo dhinaca kalena sheegay in ay qaadeen amar deg deg
ah oo fiidnimadii xalay ay ku soo rogeen Magaalada
Baardheere ee gobolka Gedo.
Goobaha Ganacsiga, iyo suuqyada ayaa dib u furmay ayadoo
isku socodka dadkuna uu caadi ku soo laabtay kuwaas oo u
xirmay dagaalkii u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ahlu Sunna
Waljamaaca.
Amaanka degmada Baardheere ayaa maalmihii la soo dhaafay
waxa uu ahaa mid uu muran xoogan ka taagnaa taasoo ka
dhalatay kadib markii Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ay
ku adkeysteen in ay xusayaan munaasabadda dhalashada
Nabigeena Muxamed NNKH halka Xoogaga Ururka Al Shabaab
ay iyana diidanaayeen iyagoo marar badana amar ka soo
saaray in munaasabad noocan oo kale ah lagu qabto
Masaajida iyo gobaha kale ee magaalada Baardheere ay
mamnuuc tahay.
Si kastaba ha ahatee odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa haatan waxa ay
ku howlanyihiin sidii loo qaboojin lahaa dagaalada ka
soo cusboonaaday Magaalada iyagoo baaq nabadeed u
jeediyay dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.
Shaqaaqooyinkan ayaa ku soo beegmaya xili Inta badan
dalka Somalia laga xusay dhalshada nababigeena waxa uuna
dagalkani noqonayaa inta la ogyahay kii ugu horeeyay ee
ka dhaca goob munaasabadaasi lagu qabanayay.
Mr.
Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (C/f Cagayare)
+2525 0 986554
+254 (0) 722474596
Cagayare17@hotmail.com
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new