Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Cadaalad maaha+ looma dhama+Waa ridoobay

Mogadishu 11 Fabaury 2009 Waagacusub Media


waxey ila tahay qofkasta oo Somalia oo miirqaba si sax ahna u fikira in ow is weydiinayo goorma ayaa dalki hooyo nabad noqon doonaa?
Mashaakilka Somalia inta aan anigu xusuusto waxow ka soo bilaawday Cadaalad maaha kadibna waxa sidaas la wada geliyay laabta dadka Somaliyeed,oo qaatay inaysan dowladii Kacaanka 21 sano cadaalad ahayn.
Waxbaa ka jira in cadaalad daro jirtay xiligii kacaanku dalka maamulaayay laakiin ku dheeraa maa sida ay cadaalad xumadaasi aheyd maxaa yeelay Somaalidu waxey ku maahmaahdaa warla qaabahi xiisa male sidaasi darteed waxan ka qaadanaa Cadaalad maaha ayaa lagu dagaal galay!!
Somalida inta badan lama xumeeyn in la rido dowladaas cadaalad darada lagu eedeeyay laakiin waxey sugayeen in dowlad ka fiican lagu bedelo balse rajadu ma ahayn, umana fadhin hadeey ugu yaraato wax ka liita.
Waxan xasuustaa Wareeysi Weriye ka tirsan BCC Somali uu 1990-kii la yeeshay Osman Ahmad Roble ,waxaana Suaalahiisii ka mid ahayd"Osmaan waadiga dadka dagaalka ku abaabulaya sida aan ognahay Xamar daara ayaa kuugu yaala soow daarahaagu burburimaayaan"? "wuxuu ku jawaabay inti dowladaani joogi laheyd ha iska bur buraano waa la dhisi doonaa"


Su'aashii labaad waxay eheed sow garoonka iyo dekedu xirmi maayaan? waxow ku jawaabay si caadifadi ka muuqato "Adeer awalna dad gooftii ayey ahaayeen,hadii ay xirmaana dadka goofta leh ayaa beeran doono"
dabcan sidaasi kama wedine waxan isleeyahay naceeyb uu xukunkaas u qabay ayuu waxkasta dhinaca xun uga fiiranaayay
laakiin sidii ayeey noqotay daarihi Osmaan waa burbureen Dekedii iyo Garoonkiina meelo xayawaanku daaqa ayey ahaayeen 17 sano.
Runtii dadka badankiisu waxey qabeen wixii bur buraa ha bur bureen laakiin Dowladaani dowlad dhaanta ha dhalato waloow qaar qabay intanina bur burto midkalena aan dib loo dhisin hadii aaney ayaga iyo reerkooda sideey doonaan ka yeeleeyn


Markii xukumadi laga awood roonaaday waxa la dhisay Xukumad magaca xukumad ka ah laakiin aan laga tashan dhismeheda oo Ali Mahdi Madax looga dhigay hadaba maxaa xigay?
Waxaa xigay "Looma dhama"


Waa tii labadi oday ee markaas hawiyaha ugu damac waalneed isku farasaareen,Waa Ceydiid iyo Ali ilaa ay gaartay Marxuuma Ceydiid asagoo weli Mogadishu kafaltamaaya kunaf waayo.

Somalia:combined forces launch security missions in the capital By Dahir Alasow
Inkastoo Ceydiid dhintay Ali fursad uma noqon waayoo halki ow islahaa kuwiu Ceydiid ka dhintay adigaa xakumi doona wexeyba dhalisay kuwi ow Ceydiid ku cabsii jiray ee Muduloodka ahaa in qaarkood yiraahdaan,adeer Ceydiid waa dhintay adna iska tag waayoo hadaladii Ali Muduloodka kubaar laxowsan jiray waxa kamid ahaa anigu lacagna waan heeystaa oo waad ogthiin kursina uma baahni laakiin waxaan oo dhib ah waxan u gelaa in aan Ceydiid idinka difaaco waayoo asaga iyo beeshiisa Madarkicis waxey rabaan inay Xamar idinka saaraan hadana Cadale idinka saaraan dabeeta kuwa Galkacyo iyo Hobyo degan la dejiyo Cadale iyo Ceeldheer iyi Jowhar waxa aan meeshaan u joogaana waa sidaas hadii aad qeeylada iga badisiina diyaarada ayaan u yeeranaa waan iska tegaa kadibna intaas ayaa dhecee.
Markaa ayaa la tuugi jiray ar Caliyahoow hanaga tegin weliba wadaada cida u duraantaa ay ku hanjabi jireen inay habaarayaan qofki Ali ka horyimaad laakiin inkasta oo nin ay cadow isku ahaayeen uu ka dhintay kama faa'iidin sidi asagu uu filaayay ee waxey ku keentay in rag hoostiisa ka dhashaan sida Yalaxoow iyo Maxamed dheere iyo rag kale oo badan ilaa marki danbe isaga tagey Mogadishu


Hadaba looma dhamo meeshaas ayeey kasoo bilaabatay,wixi ay soo socotaba,Ismaaciil Omar Geelle ayaa shir abaabulay shirki intii uu socday ayaa lagu bilaabay looma dhamo,hadii leesku dayay ragi looma dhamo lahaa in lagu martiqaado oo la yiri imaada si loogu dhamaado shirka waa diideen

Somalia:combined forces launch security missions in the capital By Dahir Alasow

Sikastaba shirki Dowlad ayaa lagu soo dhisay qabqablayaashi dagaalka ee USC-du dhashay ayagoo xaafadaha Xamar kala heesta ayaa waxa u yimid nin ka tirsaanaa Xukumadi ay la dagaaleen maadaama ayagu dhinacna u socon aadna moodu inay wixii ay u dagaalamayeen ay heleen waayoo waxey isaga faraxsanaayeen nin waliba inay xaafadiisa isbaaradu u taalo laakiin hadii xaafadiisa mid kale oon beeshiisa aheeyn ku soo xadgudbo waxaa caadi ahayd inow qoryaha waaweeyn iyo kuwa yarayarba la soo baxo
Sidoo kale wexey raali ku ahaayeen in aan dekeda iyo airporka la furin
Sikastaba Wasiirki hore ee kacaanka ka tirsanaa 20kii sano waxow yimid asagoo kafaaiideeystay is heeysadkooda waayoo asagu marka xukumadiisa la ridaayay waxan shaki kujirin siyaasad ow damco iska daaye xataa naftiisa ayaa qatar ku jirtay,La soco qeybta labaad ee Qormada si aad u ogaato dulucda sheekada.


W/Q Siyaasigga
Abdullahi Sheekh Hassan
Mareeye@hotmail.com
London-Uk

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new