Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Shamsudiin Band Iyo Dalaalo Oo Nairobi ku Dabaaldagay. +Sawiro

Nairobi- 10 March 2009 Waagacusub Media


Xaflad balaaran oo lagu xusayay maalinta haween weynaha aduunka ayaa haweenka Dalaalo iyo kooxda Musicada ee Shamsudiin Band ay ku qabsadeen xarunta shirarka caalamiga ah ee dalka kenya ee (KICC), taasoo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan.
 


Xaflada oo ku bilaabatay heeso madadaalo ah oo ay soo bandhigeen kooxda Shamsudiin Band intii aysan qudbaduhu bilaaban ayaa waxaa halkaa ka soo qeybgalayaasha ku madadaaliyay faniin ay ka mid ahaayeen Mahamuud Goox Qarboosh, Hassan Cagaaran , Maama Shamsu Cali Macalin, Muslimo Khasim Hilowle.iyo fanaaniin kale


Xaflada 8-da March ee lagu xuso maalinta haweenka aduunk ayaa waxaa qaban qaabadeeda lahaa shamso cali macalin , Madiin Amir iyo Dahabo ayaa waxaa gabagabdii ka soo qeybgalay raiisul wasaare ku xigeenka hana wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka Prof Ibbi oo goobta ka jeediyay qudbada iyo fariin uu ka waday madaxweyen shariif.

Wuxuu prof Ibbi sheegay in haweenka ay dowladiisu siisay muhiimadii ugu weyneyd ee ay dowladihii somalia soo maray aysan siin. Isagoo taasi ku fasiray in markii ugu horeysay taariikhda somalia ay dowladda somalia wasiiro buuxa ka noqdeen 3-haween ah halka ay sugayaan wasiiro ku xigeen.

Ibbi wuxuu intaa ku daray in doorka haweenka ee aysan dowladuusi dafiri karin oo ay muhiima 1-aad ay siineyso, sidii ay maamulka dowladeeda ugu dhex muuqan lahaayeen iyo in talada wadanka laga qeybgaliyo.


Sidoo kaloo dadkii ka hadalay waxaa ka mid ahaa munaasabada 8 maarso khadiijo Mayow oo sidoo kalana ka mid ahaan jirtay wariyayaashii idaacada Radio Muqdisho, ayaa waxey sheegtay in haweenku dhan waliba ay ku xaqiran yihiin, waxey sheegtay in haweenka somalidu ay u isticmaalaan oo kaliyaha iney guriga u joogto.

Waxey sheegtay in iyadoo markii horeba ay somalidu xaqiri jireen haweenka ay dowladiisan jidkii sii qaaday markii la siiyayay haweenka 36 wasiir halka ay raga laga siiyay 514 waxey sheegtay in taasi aysan cadaadal aheyn, waxey sheegtay oo kale in 2 haween ah safiiro laga dhaigay oo waliba mid aan la hubin.


Sanadkaan waxaa hal ku dhiga dabaal-daga maalinta haweenka aduunka gaara haan somalia laga dhigay ciribtirka xadgudubka haweenka somaliya , halka hal-ku dhiga aduunka laga dhigay sidii ay u midoobi lahaayeen raga iyo haaweenka aduunka.


Inkastoo wadamo ka mid ah ay isku raaceen in haaweenka loo asteeyo maalin u gooni ah 1910-kii hadana aduunka oo dhan wuxuu isku raacay 1975 in 8 maarso loo aqoonsado maalinta haweenka aduunka taasoo ay ku dhawaaqday ururka qaramada midoowbay.


Heeso iyo riwaayado lagu madadaalinayay ka soo qeybgalayaashii munaasabadaasi ayaa waxaa halkaasi ku soo bandhigay fanaaniinta kooxda Shamsudiin Band.

Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports Journalists
P.O BOX-15352-00100 Nairobi
Phone-+254-721-424242



Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new