Maqaal10 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Qaylo Dhaanta Waa Maxay?
.jpg)
Yaa Reer Hebelooyda Run Ha Moodina
Maalmahan hadallada ka soo yeeraya Garoowe waxa uu xambaarsan
yahay dulucda maahmaahda oraneysa “Caano
waan jeclaa laakiin markay dameerro galeen baan nacay”. Waxaan ula jeedaa, kooxaha horbooda Maamul Goboleedka Puntland
waxa ay leeyihiin waan jecel nahay shirarka dib-u-heshiisiinta
Soomaalida meel walba oo lagu qabtaba (ha noqoto
Kenya ama
Ethiopia), hasa yeeshee waxaan ka deyrinnaa shirarka wada
hadalsiinta Soomaalida markii lagu qabto Djibouti.
Waxaan
la soconnaa maalmahan in warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan
Caalamkaba ay qorayeen qeylo dhaan ka soo yeereysay
Garoowe; taasoo hoosta ka xariiqaysay in aysan
taageereynin dowladda lagu soo dhisay Djibouti, oo lagu
soo doortay madaxweyne Sheekh Shariif. Reer Garoowe waxay
isla dhexmarayaan sheeko xariirta ah
Djibouti waxay
waddo waa qabyaaladeyn (“irirism”), oo weligeed
dhexdhexaad
kama noqon arrimaha ka taagan Soomaaliya. Waxaa kaloo ay leeyihiin
Shirkii Carte iyo kan hadda Sheekh Shariif lagu soo
doortayba waa mid uu ka dambeeyey madaxweynaha Djibouti,
Ismaaciil Cumar Geelle. Sidaa daraadeed, horboodayaasha Puntland waxay na leeyihiin
waa in Daarood meel walba uu joogaa uu ka biyo diido ‘dowlad-gacan-ku-rimiska’
ee Ismaaciil Cumar Geelle.
Bal aan dib u yara jalleecno Sooyaalka “Riwaayadda”
dowlad-u-dhisidda Soomaaliya ay soo martay 18-kii sano ee
u dambeeyey. Taageerayaasha Garoowe, kuwooda ugu taariikh
yahansan aanba iraahdee, waxay mar walba xusaan in Mudane
Ismaaciil Cumar Geele uu sannadkii 2000-ka uu
Djibouti (magaalada
Carta) ku soo farsameeyey ama dhoodhoobay dowlad “irir”
ah; haddana uu sannadkan mid kale oo la mid ah taasi uu ku
mashquulsan yahay farshaxankeedii oo hadda gabogabo maraya.
Haddaba, tii Carta waa aynu ka dharagsan nahay meeshii ay ku
dambeysay iyo fashilkii ku habsaday, oo madaxweynihii
Puntland ee waagaas, Cabdullaahi Yusuf, waa tii uu ka biyo
diiday, diidayna inuu u aqoonsado Cabdiqaasin Salaad inuu
yahay madaxweynaha Federal-ka Soomaaliya. Waagaasi, waxay
reer Puntland ku hadaaqayeen hadallo rajo go’ ay ku
dheehan tahay ee la mid ah qaylo dhaanta maalmahan ka soo
burqanaya Maamulka Garoowe.
Xaqiiqdu waxay tahay, marka caadifadda iyo ‘tolbeelayda’ aynu
dhinac iskaga leexinno, mid ka duwan ganuunaca iyo
saluugmada ka soo yeeray Maamulka Puntland. Qaylo dhaanta
waxay salka ku haysaa sad-bursi ama jago-raadis
jiffo-hoosaad aanan ka quusan caqliga ah “Cad
yahow ama ku cunay ama ku ciideeyey”.
Waxaan taasi uga gol leeyahay, waawareydan “Yaa Daaroodeey”
waa shaxdii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) oo
shaarka soo badalatay; kuna gorgortameysa magaca iyo
sadkii beelaha dega Waqooyi Bari oo dhan – iyada oo aan
ognahay wax qeybsiga Soomaalidu inuu ahaa in muddo ahba
mid qabiil ku saleysan (4.5 Rule) ee aanu ahayn mid
deegaan.
Sooyaalkii “Waran Ismood-yada”
Bishii December 30, 1990 ayaa ururka USC (United Somali
Congress) dagaal lagu hoobta oo lagu ridayey dowladda ka
dhex bilaabay magaalada Muqdisho. Ururka USC oo ay isku
bahaysteen beel-weynta Hawiye, degaan ahaanna ku xoog
badan Muqdisho iyo hareeraheeda, waxa ay ku guuleysteen in
ay bil gudaheed ka fara maroojistaan Xukuumaddii Siyaad
Barre gacan ku haynta magaalada Muqdisho. Maxaasa ka
dambeeyey xukun maroorsigan?
Ururka USC waxa uu ahaa
kan ugu da’da
yar saddexda urur ee ugu horreeyey ee ku jabhadeeya
Xukuumaddii Siyaad Barre. Labada kale oo kale ahaa SSDF
oo la aasaasay 1979 iyo SNM (Somali National Movement).
USC waxaa aasaasay
Cali Maxamed
Wardhiigley,
sannadkii 1988, kuna aasaasay magaalda Rome. Cali
Wardhiigley oo muddo saddex sano (1984-1987) ahaa
guddoomiye ku-xigeenka ururka SNM ayaa laga soo eryey
ururkan, maadaama uu ahaa urur hadafkiisu iyo
udub-dhexaadkiisu yahay beesha Isaaq. Caradii uu ka soo
qaaday SNM ayaa sabab u noqotay in USC abuuranto. Hase
ahaate, waxaa SNM ku haray kooxo dhalasho ahaan ka soo
jeeda beesha Hawiye, gaar ahaan Habar Gidir.
Cali Wardhiigley waxa uu geeryooday April 1990, waxaana
durbadiiba hoggaanka USC loo magaacabay
Dr. Ismaaciil Jumcaale Cosoble.
Ayaandarro se, Ismaaciil Jimcaale waxaa uu isagana
geeryooday labo bil ka dib (July 1990). Waxaa markaa ka
dib hoggaanka USC la wareegay waxa loogu yeeray “Guddiga
Fulinta” ee USC, oo ay ka mid ahaayeen
Cali
Mahdi, Xuseen Xaaji Bod, Axmed Maxamed Darmaan, iyo
Maxamed Nur Galaal. Hoggaanka guddigan ayaa u horseeday ururka USC inuu u xuubsiibto
urur qori caaraddiis wax ku raadiya (guerrilla force).
Waxaa iyana xasuus mudan in sannadkii 1990-ka uu soo ifbaxay
garab kale ee ururka USC, uuna horboodayey
General
Maxamed Faarax Caydiid.
Garabkan USC ayaa heshiis iskaashi dhinac walba ah la
galay ururada SNM iyo SPM (Somali Patriotic Movement) –
waloow heshiiskaasi uu noqday mid hal bacaad lagu lisay ka
dhigan.
Markii Siyaad Barre uu ka baxay Muqdisho, dhammaadkii January
1991, waxaa durbadiiba loollan siyaasadeed iyo mid ciidan
oo gacan-ka-hadal ah iskaga horyimid labada garab ee USC,
oo ay kala hoggaaminayeen
Cali Mahdi iyo
Caydiid. Bilo gudaheed waxaa lagu dilay Muqdisho shacab
kor u dhaafaya 5,000, boqolaal kunna way ka carartay.
Meeshii laga filayey in hadafka USC uu noqdo mid
xukun-doon ama isbadel-doon ah, waxaa maleeshiyadii USC ay
ku dhaqaaqeen xasuuq ku saleysan isir nacayb. Waxaa si
xun loogu gumaaday Muqdishu iyo nawaaxigeedba dad shacab
ah oo aan waxba galabsan, kana soo jeeda bahweynta Daarood.
Xikmaddii iyo hadafkii USC oo dhan waxay isugu biyo
shubatay maahmaahda ah “Nacas
waran sitaa, waran buu ismoodaa”.
Hawo iyo Hoos Galbeedba Midna lama Gaaro
Horaa loo yiri hawo iyo hoos galbeed midna lama gaaro e, aynu
falanqeyno damaca saldanad-doonka ah iyo dhacdooyinka soo
taxanaha ee ururka SSDF, oo hayb ahaan ka soo jeeda dad ku
abtirsada beesha Majeerteen ee deegaanada Waqooyi Bari (haddana
loo yaqaan Puntland). Bishii January 1991 bilowgeedii, oo
ahayd waqti dadka ku abtirsada beesha Daarood lagu
ugaarsanyey Muqdisho, ayaa waxaa wareysi siiyeey BBC,
laanteeda
Focus On Africa,
Dr Xasan Cali
Mire, oo
markaa ka mid ahaa hoggaanka Sare ee SSDF. Dr Xasan Cali
Mire waxa uu si caddaan ah u sheegay in ay isku hadaf
yihiin USC, ciidankiisana ay ka garab dagaalamayaan kuwa
USC, si ay u dhammeystiraan xukuumaddii Siyaad Barre. [
Halkan ka Akhri
].
Isgarabtaagga USC oo ay muujiyeen hoggaanka SSDF, waxa ay USC
u fasiratay halhayskii ahaa “Dibiyahow, dan baan cawska ku siistaa”.
Hoggaanka Sare ee USC innaba ma muujin u dhaga nuglaan
hadallada ka soo yeeraya SSDF, oo waxay maleeshiyadoodii
si arxan la’aan ah u wateen dhacii, boobkii, kufsigii, iyo
gumaadkii ay ku hayeen maatadii ee ka fursan weysay inay
ka qaxaan magaalada. Kaba sii daran e, USC waxay ku
dhawaaqday dhammaadkii January 1991, dowlad uu madaxweyne
ka yahay
Cali Mahdi (Hawiye), ra’iisal waasare na loo magacaabay Cumar
Carte Qaalib (Isaaq).
Ilayn horaa loo yiri
dadqal looma gurguurto, xaluulashadii ay SSDF ugu socotay in ay saldanad-wadaag la
suubsato USC jilbo murux waxaan ahayn
kama qaadin.
Waxaa durbadiiba afka furtay Dr Xasan
Cali Mire
oo u sheegay warbaahinta BBC in lagu deg degay dhisidda
Xukuumadda [
Halkan Akhri
]. Dabcan waxa uu ula jeeday wareysigaasi in uu farriin
ugu gudbiyo USC in jagada ra’iisal wasaaraha ay xaq u
lahaayeen SSDF; ha yeeshee Cali Mahdi dheg jalaq uma siin
saluugmadii ka soo yeertay hoggaanka SSDF. Ka dar oo dibi
dhal waxaa ku noqday dowladdii cusbayd ee Ra’iisal Wasaare
Cumar Carte oo markii xilka loo dhiibayba, laba maalmood
ka dib, uu BBC kaga cabaaday hadal dad badani ay ka
qoslisiisay ama dhabanna hayn ku noqotay. Taasoo ahayd,
isaga oo ka codsaday qof walba oo Soomaali ah meel walba
uu joogaba in hubka uu soo wareejiyo; laguna soo wareejiyo
jabhadaha SNM, USC, iyo SPM. Waxaad moodaa in Cumar Carte
uu majaxaabin hoose ku waday dowladdiisa oo uusan daacad
ka ahayn xasilinta dalka. Rajadii
Cali Mahdi
waxaa god dheer ku sii riday oo caqabad wax ku ool ah ku
noqday garabka USC ee Caydiid horboodayey. Taas ayaana
kalliftay in shirkii
Djibouti 1991 qasab ka dhigtay in abaabulkiisa uuba bilowdo bishii February.
Hawadii SSDF dib ayeey u soo noolatay, waxaa shir soconayey
Feb 14-19 isugu yimid Galkacyo 97 xubnood oo ka tirsanaa
ururkaasi. Waxaana ka soo qeyb galay shirkaasi Maxamaed
Abshir Muse oo ahaa hoggaamiyaha SSDF, isla markaana ahaa
Wasiirka Qorsheynta iyo Dooxada Jubba ee dowladdi
fadhiidka noqotay ee
Cali Mahdi.
Shirkaasi waxaa lagu gorfeeyey sidii la isugu diyaarin
lahaa shirka weyn ee Djibouti lagu qaban doono, iyo sidii
ururkaasi u hanan lahaa labada jago ugu sarreeyso middood.
Gogolxaarkii
Djibouti
Conference 1991
Waxaa kaloo iyadana dardar hor leh gashay madaxweynaha
Djibouti, Xasan Guleed Aptidoon, iyo wiilka uu adeerka u
yahay, Ismaaciil Cumar Geelle, oo markaa ahaa
Chief Staff/chef
de cabinet kii Xafiiska Madaxweynaha. Labadan nin waxay u baqooleen
dhammaadkii bishii April ee sannadkaas carriga Maraykanka;
iyagoo si taxadar leh u diyaar garoobaya, fasaxna ka soo
qaadanaya
Washington, si ay u abaabulaan shirweynahaasi dib-u-heshiisiinta
Soomaalida.
Kulankii Gogolxaarka ahaa ayaa
Djibouti ka
dhacay June 5-11. Afarta Jabhadood ee kala ah SSDF, SPM,
USC, iyo SDM (Somali Democratic Movement) ayaa ku soo
xaadiray halkaasi. Saddexda qodob ay isku afgarteen waxa
uu ahaa in 1) shirweyn la isugu yimaado bil ka dib; 2)
xabad joojin deg deg ah la suubiyo; iyo 3) in la dardar
geliyo sidii Siyaad Barre loo soo qaban lahaa, ama dalka
looga saari lahaa inta shirweynaha soo socda aan la gaarin.
Waxaa kaloo xusid mudan, inta aan la gaarin shirweynahaasi
lagu hanweynaa in Xasan Guuleed Aptidoon iyo wiilka uu
adeerka u yahay ay talo hor leh ku dhalatay. Waxay is
tuseen in Jabhad ay u suubiyaan lafta Ciise ee ay ka
dhasheen ee dega Waqooyiga Soomaaliya (Mamasaan Ciise).
Waxa ay abuureen urur cusub, uguna magaca dareen urur
xoreeynta
Djibouti ahaan
jiray ee USF (United Somali Front), madaxna uga dhigaan,
Cabdiraxmaan Ducaale Cali
– waloow ururka uu si toos ah uga amar qaato Ismaaciil
Cumar Geelle. Dhaqaalihii lagu kicin lahaa ururkaasina
waxaa u sii sahlay sadaqadii adduunweynaha ugu tala galay
shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida. Bishii July
bilowgeeda ayeey ahayd markii uu Ismaaciil Cumar Geelle u
socdaalay Paris, halkaasi oo uu ka soo helay dhiirrigelin
iyo lacag lagu kala furdaamiyo shirweynaha. Waxaana Cumar
Geelle runtii ka soo farxiyey madaxweynaha France,
Francois
Mitterand,
oo gacan furnaatiisa sababtay in Cumar Geelle isagoo si
waalan u dhoolla cadeynaya uu ka soo dego madaarka
Djibouti ee
Ambouli
International Airport.
Djibouti
Conference (July 15-20, 1991)
Xuddunta maqaalka oo runtii ah u kuurgelidda waxyaabaha dhacay
ama ka soo baxay shirkan ayaa waxaan isku dayi inaan idiin
iftiimiyo qeybta libaax ay ka qaadatay SSDF inuu qabsoomo
shirkan, oo caqabada farabadan hortaagnaayeen. Tan ugu
xoog badanna ay ahayd mid salka ku haysa sharciyeenta
go’aamada ka soo bixi kara shirkani.
Marka sharci ahaan loo hadlo, sidee baa dowlad ay u dhisi
karaan lixda jabhadood ee meeshaas isugu yimid, mar haddii
madaxweynihii dalka Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, uu
dalkii (Gedo) joogo, sheeganaya weli inuu madaxweyne ka
yahay dalka?
Waxaa xal u helay caqabaddan jabhadda SSDF, iyada oo ay soo
jeedisay talada ah in 21-kii sano ee Xukuumadda Siyaad
Barre ayba sharcidarro ahayd – maadaama uu inqilaab dalka
ku qabsaday! Sidaa darteed ayeey yiraahdeen, waxaanu
keeni shirka ku-simihii madaxweyne, hayeyna jagadaasi shan
cisho (October 15-21, 1969). Waxa uu ahaa ku-simahaasi (constitutional
interm president), mudane
Sheekh
Mukhtaar Maxamed Xuseen,
ahaana Ra’iisal Baarlamaankii 1967-1969. Wuxuuna ku soo
fadhiistay shirkaasi sida in uu yahay madaxweynaha
sharciga ee dalka; sidaasna Siyaad Barre looga maarmay.
Ahmiyadda ay lahayd shirkaasi darteed, waxaa xitaa
kursigii shir-guddoonka (chairman) lagu soo fadhiisiyey
madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, mudane
Aden
Cabdulle Cusmaan.
oo runtii markaa xanuunsanaa.

Marti sharaf aan innaba caadi ahayn ayaa ka soo qeyb
gashay shirkaasi. Magaalada Djibouti
hotel-ladii
qol ka bannaanaa ma jirin, meel xitaa ay weriyayaashii
seexdaan ayaa la waayey. Kenya waxa ka yimid wafdi ka
kooban 60, Ugandhana 40. Lix iyo toban dal oo kalena
wafuud ayey soo dirsatay, oo ay ka mid yihiin Yemen,
Germany, Ethiopia, France, USA, iyo Soviet Union (USSR).
Hay’adaha Caalamiga oo ay ka mid yihiin: OAU, UN, EU, iyo
Arab League intaba xaadir ayeey ku ahaayeen shirkan.
Xitaa safiirka Italy u fadhiyey Soomaaliya (hasa yeeshee
markan
Nairobi deganaa),
Mario
Sicca,
faraha ayuu kula jiray ka mira dhalinta shirkani.
Bal aan yara fiirino shirka sidaa loo buun buuniyey waxa ka
soo baxay. Shirka waxa ugu horreyntii laga mamnuucay in
ay waaxyaha ama beelaha ay Soomaalida ka kooban tahay oo
dhan ay ka soo qeyb galaan. Tusaale ahaan, waxa madasha
shirka laga celiyey odoyaal ka socday beesha Mareexaan,
Warsangeli, iyo Dhulbahante, oo markaasi lagu sifeeyey
waxay ugu yeereen “haraagii Siyaad Barre”. Dhinacyadii la
heshiisiinayey oo dhan waxa isugu soo dhurteen lix
jabhadood
(USC, SSDF, SPM, SDM, USF, SDA),
oo ay ku jirto jabhaddii Cumar Geelle!
Markii gorgortan iyo awood-qeybsiga siyaasadeed loo guda galay,
waxaaa durbadiiba is-gaashaan-buursaday afarta jabhadood
ee kale ah USC (Hawiye), SDM (Digil Mirifle), SDA (Samaroon),
iyo USF (Ciise); taasoo qasab ka dhigtay in labada
jabhadood ee siyaasad ahaan aan la istusin, SSDF iyo SPM,
ay Daaroodnimo ku xulufoobaan. Maadaama shaxda miiska la
soo dhigay ay noqotay
4 vs 2,
waxaa meeshaasi si sahlan u qaatay jagada madaxweynanimo
Cali Mahdi Maxamaed (USC).
SSDF meeshaa kuma harin e, waxay haddana xusul-duub u gashay
sidii ay ku hanan lahayd jagada labaad ee ahaa ra’iisal
wasaare; iyo sidii ay u soo xero gashan lahaayeen
wasaaradaha muhiimka ah ee ku soo aada beesha Daaroodka.
Cali Mahdi oo hantay jagadii madaxweyne waxa uu durbadiiba
caddeeyey in Cumar Carte Qaalib, kana soo jeeda beesha
Dir, Isaaq, uu u noqon doono Ra’iisal Wasaare. Waxaa
halkaasi cirka isku shareeray hammigii laga lahaa in
nabadi ay ka aslaxanto koonfurta Soomaaliya. Safiirka
Talyaaniga ee Soomaaliya,
Mario Sicca,
ayaa qaaday olole aad u weyn oo uu ku doonayey in nin ka
soo jeeda beesha Majeerteen (SSDF) laga dhigo Ra’iisal
Wasaaraha dalka. Isaga oo ku doodayey in jabhadda SNM oo
runtii masasha beesha Isaaq aanan shirkaasi joogin.
Nasiib darro se Cali Mahdi iyo dowladda Djiboutiba dhag
jalaq uma siin cudurdaarka ay la yimaadeen Safiirka iyo
SSDF.
Arrintu kud ka guur oo qanjo u guur ayey noqotay markii loo
guda galay qeybsiga Golaha Wasiirada. Waxaa markiiba
miiska la soo dhigay
33
wasaaradood
oo loo arkay markaa kuwa culus oo aad u muuhiimsan, loona
qeybsado si waafaqsan dheelitir-qabiil (clan-balance).
Wixii la is jiid jiidaba, illeen waa meel is-xulufeysi aan
isla ekeen ay joogaan e, waxaa mar kale gacan sarreeyey
USC iyo xulufadeeda. Waloow guud ahaan in ku dhawaad ah
80 wasaaradood la qeybsaday, aan yara fiirinno, shaxda
33-da wasaaradood ee muhiimka ahaa sida loo qeybsaday :
|
Beelaha |
Tirada Wasaaradaha |
|
Hawiye |
13 |
|
Daarood |
8 |
|
Digil Mirifle |
6 |
|
Isaaq |
4 |
|
Samaroon |
1 |
|
Ciise |
1 |
|
Tirada Guud |
33 |
Markii Daaroodkii kale ay wareysteen SSDF waxa ku kallifaya in
ay awood-qeybsiga noocaas ay aqbalaan, waxay marmarsiiyo
ka dhigteen in dowladdan ay ku meel gaar tahay (labo sano),
laakiin ay guulo ka soo hoyeen qeybo kale oo ay ka mid
yihiin in shirka isku waafaqay, ayeey yiraahdeen, in dalka
lagu dhaqo nidaamka dastuuriga ah ee jiray 1961-1969; iyo
weliba in xildhibaanada ay noqonayaan tirade tii 1960s, oo
ahayd 123 xildibaan ( 82 koonfur ah iyo 41 waqooyi ah ).
Markii intaa ay ku wargeliyeen beeshii Daarood, ayeey SSDF
ugu qeybisay 8-dii wasaaradood, oo ay mooday inay si tacab
ah ku soo dhicisay, sidan hoose:
|
Daarood |
Tirada Wasaaradaha |
|
Majeerteen |
4 |
|
Ogaden |
2 |
|
Dhulbahante |
1 |
|
Warsangeli |
1 |
|
Tirada Guud |
8 |
Sida ku cad shaxda kore, waxaa cadkii Daarood
50% qaatay Majeerteen. Bal aan yara fiirinno magacyada Golaha
Wasiirrada iyo Wasaaradaha ay sheegteen in ay xil ka
hayeen (adinka oo aan qoslin!) ee sannadkii 1991.
Interim President...........................Cali
Mahdi Maxamed
(Appointed January 29, 1991, sworn in August 18, 1991)
INTERIM GOVERNMENT (Formed
October 02,
1991)
Interim Prime Minister......................Cumar Carte Qaalib
MINISTERS:
Agriculture..............................Maxamed Sheekh
Guuleed
Air and Land Transport......................Cabdi Xasan
Cawaale
Animal Husbandry and Range..................Saalim Caliyow
Ibrow
Arab and African Cooperation................Xuseen Mahdi
Cameey
Commerce................................Maxamed Jaamac
Afballaar
Constitution and Unity........................Cabdi Muse Mayow
Defence......................................Musa Islaan
Faarax
Education..............................Ibraahin Sheekh Maxamed
Finance........................................Cilmi Faarax
Nur
Fisheries.................................Cusmaan Maxamed
Faarax
Foreign Affairs............................. Maxamed Cali
Xaamud
General Administration...................Xuseen Ceelaabe
Faahiye
Government and Parliamentary Relations...Maxamed Salaad Axmed
Health......................................Cabdi Caydiid
Xiirey
Higher Education and Research...................Maxamed Axmed
Industry...................................Cabdiraxmaan
Ducaale
Information..............................Xuseen Sheekh Axmed
Interior................................Maxamed Qanyare Afrax
Juba Valley
Development.................Maxamed Sheekh Xasan
Justice............................................Muumin
Cumar
Labour and Social Affairs................Maxamed Xuseen Caddow
Logistics..................................Maxamed Cali
Caliyow
Mineral and Water Resources.............Cabdiraxmaan Cusmaan
Raage
Marine Transport and Ports..................Maxamed Nur Iley
Petroleum and Electricity...................Bashiir Cali
Salaad (Bashiir Bililiqo)
Planning..................................Maxamed Qodax Barre
Post and Telecommunications............Cabdulqaadir Sheekh
Cilmi
Public Works and Housing...................Cabdi Cabdulle
Boqor (Jini Boqor)
Rehabilitation and Settlement............Maxamed Ibrahim
Cigaal
Religious Affairs..............................Cali
Nur Sheekh
Rural Development..............................Ismaaciil Bullaale
Tourism and Wildlife......................Maxamed Cabdi Xasan
Youth and Sports........................Maxamed Xasan Dawaare
Minister of State
In the Presidency............Cawad Xaaji Yusuf
In the Prime Minister's Office...................Cabdiraxmaan
Cilmi Cigaal
Agriculture .........................Cabdullaahi Sheekh
Cali
Arab and African Cooperation......................Xuseen Sayid
Awoun
Education.............................Cabdi Khalid Sheekh
Xasan
Finance and Treasury…….. Maxamed Qasim
Foreign Affairs………………Cabdullahi Sheekh Ismaaciil
Health…………………………Nur Cilmi Cusmaan
Interior………………………..Axmed Xaashi Maxamed
Justice………………………..Cabdullaahi Xaaji Cabdiraxmaan
Land and Air Transport…….Cali
Aden Xuseen (Cali
Margous)
Planning……………………….Waceys
Rehabilitation and Settlement……Cabdulqaadir Cabdi Maxamed
Supply and Logistics……………….Shariif Zen Abu Imankiyow
Governor, Central Bank…………….Cali Cabdi Camalow
Jabhadda SSDF oo runtii ahayd midda ugu da’da weyne kooxaha
Soomaaliyeed ee qoriga u qaatay inay la dagaalamaan
Xukuumadda Siyaad Barre, waxay sannadkii 1991 kala kulmeen
shirkani waa arrin cashar u noqon kartay, hadday baraan
dhashoodii iyo taageerayaashoodiiba. Waxaan maqli jiray
Baahiyi waxay kuu geysaa nin kuu daran e,
runtii casharka Djbouti lagu soo siiyey 1991 kama aysan
faa’iideysan. Shirkan Djibouti 1991, waxaa
saxiixayaashoodii oo dhan (lixda jabhadood) la geeyey
Mecca
si loogu soo dhaariyo inay ka daacad yihiin heshiiskaasi.
Magacyada saxiixay shirka Djibouti waa kuwan:
|
Jabhadda |
Saxiixaha |
Beesha |
|
SSDF/DFSS |
Muse Islaan Faarax |
Majeerteen |
|
USC |
Cumar Xaashi Aden |
Xawaadle/Hawiye |
|
SDM |
Cumar (Maalin) Xaamud |
Digil Mirifle |
|
SPM |
Cabdi Muse |
Absame |
|
USF |
C/raxmaan Ducaale Cali |
Ciise |
|
SDA |
Max'ed (Dahir) Faarax |
Samaroon |

Duddumo in la dugsado iyo in la dareensado layskumo helo
ayaa
horay loo yiri e, madaxweynaha Puntland ee hadda,
Cabdiraxmaan Faroole, markii uu ku dhawaaqay inuu u taagan
yahay musharraxnimada Puntland (August 2008) waxa uu
resume-giisa
(waxtarkiisa taariikheed) hanbaroorin uga dhigay in uu
wasiir ka ahaa dowladdii Cali Mahdi ee Djibouti lagu soo
dhisay 1991. [
Akhri Halkan
].
Mar haddii Faroole uu ka dhigtay
reference
(tixraac wax-qabad) dowladdii Djibouti lagu soo dhisay oo
aan ognahay waxtarkeedii iyo sad-bursigii USC-da hiil iyo
hoo ba Djibouti la garab taagneyd, maxaa ku kalliffay
hadda in uu afka furto, kuna doodo in Djibouti wax lagu
soo dhoodhoobayo ay tahay “irirism”? Qaylo dhaanta ka soo
yeereysa maanta Garoowe ee ah “Yaa Daaroodeey!” ma xaq
baa? Ma ka run baa Garoowe waawareeydan? Mise wax kale
ayaa ku hoos jirta sawaxankan ka soo yeeraya Garoowe?
Faroolow, sow taad horey u yeeshay, Waawareydu Waa Maxay?
Horaa reer Xamarku ugu maahmaaheen
Haddii Qaylo
Wax Dhisayso, Dameerka Qayladiisaa Daaro Noo Dhisi Lahayd. Saa darteed aan uga haro falanqeyntan qeylo dhaanta ka soo
yeereysa Garoowe in ay la mid tahay tuutihii Cadde Muse uu
gashtay dhammaadkii 2007, markii isaga oo cabaadaya uu
wacad ku maray in uu Laascaanood muddo bil gudaheeda uu
gacanta ku dhigi doono!
Xirsi Barkhad (Barkhad Dhagaweyne)
goorsansheeg@gmail.com
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new