Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

"Madaxweyne Shariif ma dhabaa inuu heysto dhalasho Mareykana"Run Mise Ku tirikuteen

Maqaal  09 Fabaury 2009 Waagacusub Media


Waxay aheyd maalintii khamiistii ee ay taariikhdu ku beegneyd 05/02/2009 markii aniga oo maraya faras magaalaha qaahira ee la yiraahdo Taxriir aan sidii caadada ii aheydba aan sandaq jara’idka lagu iibiyo qaatay wargeyska todobaadlaha ah ee ay soo saarto Hey’ada Wararka ee Al-ahram ( Ahram Weekly, English Edition No.933).

Waxa aan dareensanassa in saxafiga Jamaal Nakruuma oo arimaha Afrika aad uga faalooda uusan hilmaami doonin in uu wax ka qoro dowlada ka ka dhalatay heshiiskii Jbuuit iyo madaxweynaheeda cusub Shariif Sheekh Axmed, durbadiibada waxaan rogay bogga arimaha caalamka oo uu durbaba iiga soo muuqday sawirka madaxweynaha cusub.

Waxaan ku boobsiiyey aqris si aan u ogaado wax uu Nakruuma ka qoray Soomaaliya xiligaan kala guurka ah , laakiin waxaan aqriskii joojiyey oo si amakaak lehna u u eegay markii aan dul imid Jumlad ka hadlaysay waxa uu yahay shariif oo uu ku yiri Nakruuma , “shariif waxa uu heystaa dhalashada wadanka mareykanka”, dib ayaan maskaxda uga baarbaaray warkaan sax ahaanshihiisa laakiin anigoo sidii u yaaban, jawaabna la’ ayaan sabtidii daawaday Dr.Cumar Iimaan (oo ka maqnaa wadanka soomaaliya labadii sano ee jihaadka) kaas oo Kanaalka Carabiga ku hadla ee AlJasiira ka leh “itoobiyaan ayaa wadanka soomaaliya weli xoog ku heysta dartiis ayaan jihaadkii socday u sii wadaynaa , dowlada cusub ahna waxa ay dab dhilif u tahay Itoobiya , anigoo sidii u jahwareersan ayaan hadana ka daawaday BBcda laanta Carabiga

Sh. Xasan Mahdi,oo isagana xilligii muqaawamadu ay naftooda u huraysay la dagaalanka itoobiyaanka, marastuna ay ku samreysay xasuuqa ay itoobiyaanku u geysanayeen xoreynta dalka dartiis, nala joogay halkaan (Qaahira), oo leh Jihaadka waa uu sii soconayaa, markaas baan iri, tolow dadka waxaan ku hadlaya ma soomaalida baysan dad wax fahmi kara u heysan mise Cadan baa laga heesayaa.

Sidaas ugama harine markii aan tagay sariirteydii oo ciil iyo caloolyow aan la gam’i waayey ayaan inta istaagay cod dheer ku iri sidii iyadoo soomaaliyoo dhan ay I maqlayso “war hooy soomaaliyeey ogaada Shariif waa hogaamiyihii muqaawamada ee keenay, ilaahay fadligiis kadib, in itoobiya baxdo,mareykankuna uu siyaasadiisii soomaaliya bedelo ugu yaraan xiligaan aan hada ku jirno, soo qaatayna mansabkii gaaladu u adeegsan jirtay burburinta dalka iyo diinta, ee taageera nidaamkan cusub, ka saxa wixii qaldan, kana celiya cidii duminaysa” .

Guntii iyo gunaanadkii waxaa haboon in dadka soomaaliyeed ay iyagu aayahooda ka tashadaan kuna kadsoomin hadalada dadka u shaqeynaya danaha gaarka ama kuwa shisheeye ayna cod dheer ugu sheegaan, in soomaalidu ay iyadu leedahay xaqa kala doorashada nabada iyo dagaalka iyadoo eegaysa danta diinta iyo dalka xiliga ay iyagu doonaan.

W/D Cabdixafiid Xasan Shaaciye
Economist and Head of Somali Unit of American University in Cairo


Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new