
Isu ekaanshaha Madaxweynayasha Sharif iyo Obama:-"magacoodu
waa isku macne"
Minnesota
08 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Waxaa sharaf iyo amaan iska leh Eebaha aduunka abuuray.
Naxaris iyo Nabadgalyo Ha, ahaato Suubanaheena Mohammed
C.S. W iyo inta wadadiisa qaaday Aamiin aamiin
Waxaa jeclahay inaan dhoor waxyaalood ay isaga midyihiin
labadan madexwene aan magacooda kor kusheegay aan dadweenaha
usoo bandhigo. Waxan kusoo koobi 20 tusalooyin ama sifooyin
waana sidatan:
Ugu horeentii, magacoodu waa isku macne Shariif waxay
utaagan tahay qof sharaf leh Barak is tentamount to
” blessing person ” ama qof sharaf leh madama labo jinsi
oo kala duwan iska dhaleen Obama ayaa sidaa sheegay
Ogoow aqristoow magaca qofka loobixiyo inuu kusifoobo
wanaag iyo sharba. Sh. Sharif Wuxuu dhashay dalka somalia
oo xoraa 1964 halka Obama isna dhashay midab takoorka
kadib 1961. Sh. Sharif waxbarashada wuxuu kubilaabay
madarasad Qur,an oo Mahadaay kutaal Halka Obama isna
madarasad Islami oo Indonisia kutaal waxbarasho ugu
horeesay kuqaatay . Sh. Sharif dugsiga dhexe iyo sare
wuxuu kuqaatay iskuulka ugu fiican xiligiisii Shiek
Ali Sufi halka Obama dugsi sare kuqaatay Hawaii High
School oo ahaa iskuul qaaliyaa oo uu isagu inta badan
sheegay inuu sabab u,ahaa isbedelka noloshiisa. Sh.
Sharif wuxuu kabaxay labo jaamacadood oo kala ah Kordafan
University uu kuqaatay geography and Arabic language
iyo Libiya uu kuqatay law and shareca . Obama wuxuu
isna dhigtay Columbia University and Harvard University
kuna qatay law. Jamacada kordafan wuxuu ahaa Sh. Sharif
shaqsiga ugu firfircoon ajaanib ahaan iyo arday ahaaanba.
Obama wuxuu ahaa ardaygii ugu horeeyey ee madoow oo
madexwene kanoqda Harvard University qeebta Law Review.
Sh. Sharif wuxuu ahaa arday masajidyada kuxiran yaranatiisa
. Obama kaniisada ayuu ilaa yaranatiis kuxirnaa labaduba
diimaha way yaqaaniin. Waana dad qunyar socod ku ah
diinta ay heestaan oo nabad jeceelka waa isaga mid iyo
in wax kasta wada hadal lagu dhameeyo marka hore. Sh.
Sharif shaqadii ugu horeesay jamaca kadib waxay aheed
inuu uqidmeeyo dadyowga jowhar halkaas uu kunoqday garsoore
dadka kala xukuma waxbadana utaray dadka laga awood
roon yahay ee looma ooyaanka taas ayaa sabab u aheed
in xukunkii qowlesataha uu soo eryo madama cadaalad
meesha laga aqoon . Obama wuxuu ahaa community organizer
gobolka Illion oo dadka aayahooda kataliya qaasatan
dadka dan yartaa sharicga ayuu kacaawin jirin madama
Law baranaayey shaqooyinkana waa kacaawin jiray. Sh.
Sharif wuxuu ahaa macalin dugsiga Juba ee degmada Yaaqshiid
kuyala sidoo kale Obama used to be teacher macalinimada
waa fanka ay jecel yihiin labada medexweyne.
In 2002 Sh. Sharif wuxuu qudbad aan caadi aheen kajeediyey
magalada Jowhar kadib markii xilka garsooraha loo doortay
taasoo kusheegay inaysan jirin kala sareen dadyowga
reer jowharna isku sina xukunku uqaban taasoo dadkii
uriyaaqaan waayo kalmadaas cadaaladaa oo kale hortiis
nina ma isticmaali jirin. Obama 2002 wuxuu qudbad heer
sare kajeedisay in Chicago ’s Federal Plaza, oo kaga
soohorjeedo dagalka Iraq. In 2004 Sh. Sharif wuxuu noqday
madaxa sare ee maxkamadaha sii sii ee kutaalay xaafada
aan deganaa halkaas uu qudbad caalami kajeediyey taaso
lamid aheed tii 1994 Sh. Ali dheere kusoo jiitay dadyowga
kunool waqooyiga mogadishu . In 2004 Obama delivered
an electrifying speech to the Democratic Convention.
Taasoo noqotay qudbadii ugu fiicneedq qarniga 21 aad.
In 2005 obama wuxuu noqday xidig kadib dorashadii ladoortay
dhamaadkii 2004. in 2005 Sh. Sharif wuxuu noqday madaxa
midowga maxaakimta UIC. In 2006 Obama wuxuu cadeeyey
inuu kamid yahay musharixiita madexweni nimada 2008.
in 2006 Sh. Sharif wuxuu hantay maamulka dalka intiisa
badan from Galmudug state through Galdaduud to kismaayo
47% dhuka soomaaliya oo dhan. 2007 obama iyo Hillary
Clinton waxay ahaayeeen kuwa ugu cadcad musharixiinta
democratic halka Sh. Sharif iyo Sh. Hasan dahir ahaayeen
kuwa ugu cadcad midowga maxaakimta iyo isbeheesiga dib
uxoreenta dalka . 2008 tartatka xisbiga demogradic waxaa
kuguulestay Obama halka isbeheesga dib uxoreenta garabka
Sh. Sharif dibada iyo xiriirka caalamiga kuguulestay.
Isla 2008 Obama wuxuu noday madexwehii USA . Halka sharif
noday musharaxa quraa ee dib uxoreenta taasuu kuguulestay
isna. In 2009 Obama wuxuu kufaristay kursiga madexnimada.
Sh. Sharif isna wuxuu 2009 kufaristay kursiga somalia
. Labaduba waxay heleen aqlabiyad aad uweyn aan horay
musharax kahoreeyey helin.
Sh. Sharif waa madexwenihii ugu da,da yaraa ee somalia
soomara wuxuu kaloo kamid yihiin kuwa ugu da,da yar
madexwenayasha Africa . Obama waa madexwenihii ugu horeeyey
ee madow ah. Sh. Sharif waa codkar iyo hadal yaqaan
sidii marxuum Siyaad Barre. Obama waa hadal yaqaan sida
Bill Clinton. Ogow aqristow Sh. Sharif labo caroor kaliyaa
ayuu lahaa xiligii aan ogaa. Obama labo caruur kaliyuu
leeyahay. Sh. Sharif iyo Obama waxay aad iyo aad isaga
shabahana dulqaadka ceyda iyo canbaareenta dadka kasoo
horjeeda ama latartamaayo kuhadlaan midkoodna wax xun
afkiisa kama soobixin intay ku kala jireen jihaadka
iyo doorashada. Sh. Sharif aabihiis waa caalim weyn
Sh. Ahmed. Obama aabihiis waa aqoon yahan oo waxbarashuu
uyimid U.S. A Hadaba waxaa yaabaa labadan madexwene
siday iskugu dhaw yihiin taariiq ahaan taasoo rajeen
inay dalalkooda isbedel weyn kamuujiyaan. Waxay kaloo
isaga mid yihiin labada madexwene waxaa kamidaa labaduba
waxay kayimadeen East Africa waana isku sinji xamiiti.
Waxan Eabe awooda sare leh uga rajeen in dhulka aabayaalkood
nabdoonaado.
NB: tusalooyinkan waxay ku saleysan yihiin Xaqiiq iyo
baaritaan buuxo wax ka badbadinaa kuma jiraan.
Haduu Alle ogolaado waxaan kaloo soo qori doonaa caqabadaha
hortaagan 2 dan madexweyne iyo waxa dadka doortay kasugayaan.
Waxa kaloo kahadli doonaa Arimaha dadka diidan Sh. Sharif
ay salka kuhayaan. Waxaan kaloo si gooni uga hadli doonaa
sababta Sh. Sharif ubulaaaley iyo cida uduceesay ee
inuu xidig 14aad noqdo Ilaahna ka aqbalay taasoo joogay
meeshii loogu duceeyey xiligaas.

Name: Taqi B. Hassan
Degree: BBA Biztek University -
Resident: Minneapolis , U. S.A
Tell: 612-644 1817
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new