
Maxaa loo dilay
wariye Siciid Tahliil Axmed? (Faalo
uu qoray Saxafiga albashiir)
Maqaal.
05 Fabaury 2009 Waagacusub
Media
Waxa ay aheyd dhacdo naxdin leh murugo iyo argagax
badana ku reebtay guud ahaan suxufiyiinta soomaaliyeed
falkii ka dhacay suuqa bakaaraha ee lagu dilay mid ka
mid ah saxafiyiintii ugu magaca dheeraa dalkeena.
ASOJ blames
Al-Shabab on journalist’s killing.
Scoure:Waagacusub Media
Wariye siciid Tahliil Axmed oo ahaa khabiir
saxaafadeed oo mudo dhowr iyo labaatan sano ah kusoo
jiray masraxa saxaafada waxa uu dilkii bareerka ahaa ee
loogeystay shalay ka dhigan yahay iyadoo salka laga
gooyay oo uu haatan meel aad u yar iska heysto geedkii
baxayay ee saxaafada xorta ah.
Marxuum siciid tahliil uma horeeyo saxafi la dilo balse
waxa uu kaga duwan yahay qaabka uu udhacay dilkiisa
waayo suxufiyiintii hore iyagoo howlahooda wata ama meel
iska maraya ayaa gaadmo lagu dili jiray ama qarax loo
dhigijiray balse siciid tahliil inta loo yeertay baa
hadana iyadoo ay dadkii uyeertay qaarkood lasocdaan si
bareer ah loo toogtay.
Yaa dilay Wariye Siciid Tahliil?
Inkastoo oo aan wali si sax ah loo cadeyn dadka dilkan
ka danbeeyay isla markaana aanba lasugeen in ay qolo
sheegato fal dambiyeedkaasi ayaa hadana mushtamaca
soomaaliyeed badankiis waxa ay farta ku godayaan kooxda
Alshabaab, waa dhab waana xaqiiq in qofna uusan aqbali
karin alshabaab oo la ogyahay awooda ay maanta
kuleeyihiin gudaha dalka baa wariyayaal ay
saraakiishoodii lasocdaan laba nin oo bastoolado wata
inta soo weerareen midna kala dhexbaxeen oo dileen
kadibna baxsadeen (waxaa la dhihi karaa ragii alshabaab
ee kaartadan soo abaabulay ma aheyn kuwa qibrad u leh
howlahaas marka la fiiriyo sida ay fal dambiyeedka
ufuliyeen oo ku cadeynaya) dad badan ayaana dhacdada bar
bar dhigay in ay uqaab egtahay tii dhowr sano ka hor
sidaan oo kale loogu dilay wariye ajnabi ah oo
duubanayay banaanbax ka socday fagaaraha tarabuunka oo
iyadoo mas'uuliyiintii maxaakiimta iyo ciidamadoodii oo
dhooban lagu dhextoogtay aanan la qabay qofkii dilka
geystay arintaas oo dadka badankii farta ku fiiqayeen
gudahooda.
Miskiin saxaafada soomaalida
Marka war udana ay baahiso waalagu farxaa, marka loo
baahdo waaloo yeertaa oo warbaa loodhiibtaa hadana
faafisaa, markii ay sii deyso war aan dantooda ku jirina
waala dilaa, markii ladilana tacsibaa loo diraa oo waxaa
loo sheegaa in laga xunyahay dilka loo geystay.
Dhacdo aan la yaabay
Subaxbaan waxaa mobailkiisa ka wacay mid ka mid
wariyayaasha muqdisho ku sugan xiligii ay sida ba'an
magaalada uga socdeen dagaaladii udhexeeyay ciidamadii
itoobiya iyo muqawimada, wariyahan oo aanan magaciisa
sheegeyn waxa uu markaa madaxa wararka ka ahaa mid ka
mid ah idaacadaha ugu waaweyn ee muqdisho ku yaala oo
aan wararka udiri jiray waxa uuna ahaa nin aad howlkar
ah oo badanaa isoo waci jiray wararkana iga qaban jiray,
subaxaa anigoo doonaya in aan warsiiyo ayuu markuu iga
qabtay taleefanka waxa uu igu yiri bashiiroow idaacad
iska daaye xalay gurigeyga uma hooyan oo xaafad kalaa
dhuumasho ku joogaa markaan weydiiyay sababtana waxa uu
iisheegay in la doonayo inla dilo oo mid ka mid ah
kooxaha islaamiyiinta ay doon doonayaan oo dhowr mar oo
horana ay taleefanka ugu hanjabeen shalayna ay isagoo ka
maqan xarunta idaacada oo qado tagay ay xarunta
yimaadeen ayna weydiiyeen shaqaalihii idaacada cabaarna
ay ku sugayeen ilinka idaacada isna uu si qarsoodi ah uu
taleefanka uga soo wacay mid ka mid ah shaqaalihii
xiligaas idaacada kusugnaa oo ku yiri haku soo laaban
idaacada waalagugu sugayaaye oo uu qadadii ka cararay.
Wariyahaasi maalintaas ayaa ugu danbeysay idaacada oo uu
ka shaqeeyo oo wuu iska dhaafay waxa kaliya ee lagu
heystay oo nafsadiisa dhana loo dhaafin rabayna waxa ay
aheyd wareysi uu ka qaaday mid ka mid ah mas'uuliyiinta
kooxdaasi oo waxa ay yiraahdeen waxaad weydiisay su'aalo
adag markaana waxaad kasoo horjeedaa mabda'eena, waxaan
runtii subaxaasi aad ula yaabay argagaxa kamuuqday
saaxiibkey oo runtii ahaa nin aan ku ogaa geesinimo
saa'id oo aan aniga iyo isaga howlo saxaafadeed aan
ugasoo wada shaqeynay meelo aad udhib badan oo
halisteeda laheyd waxa uuna igu yiri albashiiroow xamar
kaad ogeyd maaha hadii amuu madfac kugu dhacaa ama xabad
wiifto ah ay kula tagtaa aad ogeyd maanta inta lagu soo
waco oo laguu sheego in lagu dilayo baa si bareer ah
laguugu imaan oo laguu dilayaa waana sida lagu sameeyay
suxufiyiin badan oo lagu laayay muqdisho iyo magaalooyin
kale oo soomaaliya ahba oo uu ugu danbeeyo haatan Alle
ha unaxariistee Siciid tahliil Axmed.
Maxaa
loo bartilmameedsaday wariye Tahliil ?
Waxa uu udhintay Mabda'iisa wanaagsanaa iyo isbadalka
muuqda ee ay ku talaabsadeen idaacadaha muqdisho, waa
markii ugu horeysay ee inta la xasuusto oo ay qaab
mideysan uwada shaqeeyaan idaacadaha muqdisho ayna ku
heshiiyaan in haatan xooga lasaaro arimaha danta
shacabka iyo dib uheshiisiinta isla markaana aysan
idaacaduhu waqti danbe isaga lumin shaqsi nabadiid ah
iyo mid doonaya in uu isi soocaan bixiyo isagoo
idaacadaha u adeegsanaya in uu ku aflagaadeeyo mas'uul
ka sareeya iyo barnaamij ay shacabku la dhacsan yihiin
waxa ayna idaacaduhu dalbadeen in qofkii doonaya in uu
idaacadaha warsiiyo uu banaanka iskeeno iyadoo
barnaamijyada qaarkood aan si live ah loo sii deyneyn oo
laduubayo si loo turxaan bixiyo, Arimahaas oo dhan oo ay
maalmahan ku diirsadeen dadka soomaaliyeed ee wararka
aan dhagaha urooneyn ka maqli jiray idaacadaha waxaa
ragii horseedka ka ahaa ka mid ahaa Wariye siciid
tahliil axmed waana taas mida loo bartilmaameedsaday
iyagoo iska dhaadhiciyay in uu udub dhexaad u yahay
saxaafada muqdisho oo ay isku dhex dhaceyso hadii laga
siibo isla markaana cabsi ay ugu shaqeynayaan inta kale.
Maxaa la
gudboon suxufiyiinta ku harsan gudaha wadanka gaar ahaan
muqdisho?.
Suxufiyiinta ku sugan gudaha dalka waxaan usoo
jeedinayaa in ay gacmaha isqabsadaan aysana ogolaan
talaabooyinka ladoonayo in lagu ogoleysiiyo dilalka
lagula kacayo waana in ay howsha sida hagaagsan ee ay
hada uwadaan usii wadaan ilaa intey karikaraan iyagoo
aan qaadaneyn talaabooyinka sanduleyska ah ee ay wadaan
kooxaha qaarkood waana in ay ku shaqeeyaan danta
shacabka daalan ee ay diifta ka muuqato.
Kooxaha dilaya saxafiyiinta
Kooxahan kooxdey doonaan ha ahaadeene ha ogaadaan in ay
yihiin kuwa jar jaraya qeybo ka mid ah jirkooda isla
markaana ay yihiin saxafiyiinta kuwa ka shaqeynaya danta
umadda soomaaliyeed iyo dantoodaba niyadana haku hayaan
wariyayaasha ay maanta dilayaan in ay yihiin kuwii
shacabka u hiilinayay, dhibaatada loo geysanayo
sheegayay, baahida heysa soo bandhigayay, Gargaarka
loogu dhiibo gaarsiinayay, ayna mudnaayeen in maalin un
loo abaal gudo balse uu nasiibkoodu noqday in ay iyaga
ugu abaal gudaan xabado ay madaxa iyo laabta kaga
garaacaan.

Bashiir Maxamed Warsame (Albashiir)
albashiir88@hotmail.com
Somalia ha noolaato.Halkaan
ka dhageyso magacaabista
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new