Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

WAXEY II DIIDAN YIHIIN XAQEYGA By Khalid

Marko 03 Fabaury 2009 Waagacusub Media


inta badan markaan aqriyo web-siteyada soomaaliya iyo warbaahintoodaba waxaa iiga soo baxa niyad jab aad u weyn, waxaan u haystay dadka websiteyada wax ku soo qora iney yihiin kuwii ugu fikirka fiicnaa ama ugu yaraan kuwii wax qori karay ama wax aqrin karay ee la rabay iney umada indho ama horseed u noqdaan.

Somalia: State-building and Somali political transiton after conflict By Dr. Khalif M. Duale
Kadib markii aan dagaal adag la galnay isticmaarkii wadanka ku soo duulay ilaahna uu nagu garab galay sidaan isaga saari leheyn isma laheyn waxaa la arki doonaa labo qof oo soomaali ah oo isqabsata ee waxa iga dhaadhaacsaneyd in umadani la tusay dhibaatada uu leeyahay tafaraaruqa iyo kala daadsanaanta waxeyna dib u raadin doontaa midnimadoodii iyo wadajirkoodii si ay meel uga soo wada jeestaan dhisida dhulkooda iyo hanaankii ay ula soo qaadi lahaayeen umadaha kale ee aduunka ka jira.
Umada walba oo aduunkaan ku nool waxaa ay leedahay dowlad ilaalisa danahiisa ka warqabta rabitaankiisa ogeysiisa waajibka lagu leeyahay u ogol xaqa uu leeyahay ka fikirta mustaqbalkiisa siyaasadeed, aqooneed, caafimaadeed u sahasha adeega guud ee uu u baahan yahay sida korontada, biyaha, adeega caafimaadka, wadooyinka iyo iwm hadaba aan isweydiinee anaga hadaan nahay soomaali ma ka caqli xunahay dadyahowga kale ee aduunka nagula nool kuwaasi oo dhamaantood leh dowlado ay ku faafaan.
Inta badan jiilka soo koraya ma uusan arkin wax dowlad la yiraahdo oo waxuu ku kala indho qaaday iyadoo fowdo iyo far isku fiiq lagu jiro sidaasi daraadeed marna ma oga qiimaha ay dowlad xaqaaga ilaalisa ay leedahay, balse inta ka soo baxday wadanka ee timid wadamada kale ee caalamka markiiba waxey ogaanayaan qiimaha ay leedahay dowlada iyo sida loo yaso shakhsiyadiisa soomaalinimo isagoo weliba xuquuq badan ku waaya maadaama uusan laheyn dowlad.
Inta wadanka ka soo baxday ee nolol raadiska aheyd ama waxbarasho raadiska aheyd markiiba waxey dareemaan iney ka yimideen meel aysan nololi ka jirin, waxaa intaasi u sii dheer iyaga oolagu yaso maadaama ay soomaali yihiin qofwalbana markaasi ayuu dareemaa dhibka haysta, hadii kuwii wadanka joogay uu haysto dhib ah in maalin walba xabad iyo madfac joogto ah laga dul ridayo kuwa dibada jooga waxaa haysta dhib ah iyaga oo la heyb sooco maadaama ay soomaali yihiin.oo mararka qaar xataa waxaad ka xishooneysaa inaad soomaali sheegato maadaama aan astaan u nahay fowdo, dil, kufsi, isku dhaxyaac, kala danbeyn la,aan, gaajo, cudur iyo wax walba oo xun oo ay umadi leedahay.
Hadba hada waan xuroownay ee yaa noo diidan inaan helno xaqeena ah inaad dowlad dhisano, dadka qaar waxaad u maleysaa iney dib ugu laabteen isqabqabsigii siyaasadeed ee jira gumeysiga ka hor iyagoo weliba wadaadnimo sheeganaya, waxii loo dagaalamay ma aheyn in aad adiga xukun gaarto ee waxey aheyd in dalka dowlad loo helo ilaalisa gumeysigana la iska saaro, qof walba oo wadaada ka mid ah waxuu taagan yahay waxaan u baahanahay dowlad islaami ah hadaba maxaa diidaya in dowlad islaami ah hada la dhisto maadaama fursadeedii la hayo, tusaale ahaan shirka ka socday jabuuti ee hada madaxweynaha lagu doortay waxaa xubanaha islaamiyiinta ee isbaheysiga laga siiyey 270 xildhibaan halkaasi sow kaagama muuqato in madaxweynaha iyo inta badan xubnaha baarlamaanka ay islaamiyiin yihiin mise wax kale ayaa kuu muuqda oo mindida ayaa kuu sii afeysan si aad adiga xukunka u gaarto, war ilaahay ka cabso.
Dadbaa ku andacooda in habka 4.5 ee wax lagu qeybiyey uu yahay dulmi hadaba adiga maxaa badiil ah oo aad haysaa ilaa beel walba iney iska dhax aragto hanaanka siyaasada ee soomaaliya ayey rabtaaye, waxa iska cad in kuwani ay noo diidan yihiin xaqeena oo ah inaan dowlad helno.
Hadii aad dulmi diidahay soo gal dowlada oo markaasi waxii dulmi ah ee jira halkasi ka sheeg adiga codkaaga la maqlayo hadii kale waxaan kuu aragnaa inaad xaqeena diidan tahay oo ah inaan dowlad helno,
Raga qaar waxey ku doodayaan in dastuurka dowlada uu yahay mid cilmaani ah kuwaasi xataa ma yaqaanaan micnaha cilmaaniyada iyo waxa loola jeedo, dastuurka dowlada midnimo qaran ee hada lagu soo dhisay wadanka jabuuti waxaa saldhig u ah kitaabka quraanka ah iyo sunada nabigeena c.sw, wax walba oo ka soo horjeedana waa waxba kama jiraan sida ku cad dastuurka balse waxaa iyaga u muuqda waxyaabo kale oo xeer hoosaad ah, hadaba aan is weydiinee xeer hoosaadka baarlamaanka iyo shareecada islaamka ma iska hor imaanayaan, nabiga csw markii uu yimid magaalada madiina waxaa uu sameeyey wathiiqad loogu magac daray tii madiina hadaba dad meel ku wada nool ama wada shaqeynaya waxaa lama huraan ah iney leeyihiin xeer hoosaad kala haga oo aan ka hor imaaneyn kitaabka quraanka ah iyo sunada nabiga.csw.
Tusaale ahaan xeer hoosaadka waxaa ka mid hadii madaxweynahay uu is casilo ama uu dhinto waxaa lama huraan ah in baarlamaanka ay mudo 30 cisho gudahood ah ku soo doortaan madaxweyne, aan ku weydiiyee akhriste qodobkaani shareecada islaamka ee uu ka hor imaanayo bal ii sheeg hadii ay jirto.
m/weynaha waa inuu r/wasaare ku soo doortaa mudo 30 cisho gudahood ah ayaa xeerarkaasi ka mid ay dowlada leedahay ayna u dhaarteen madaxda iney ilaaliyaan hadaba waxaad ii sheegtaa qodobkaasi sharciga islaamka ee uu ka hor imaanayo. War aan ilaah ka cabsano cinaadka iyo madax adeegana aan iska dhaafno ee ha noo diidina xaqeena.
Ugu danbeyn aniga waxey ila tahay in dowlada la taageero rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, caamo iyo culumo, kii dalka jooga iyo kii dibada jooga sababtoo waxaan u baahanahay dowlad qaxeena ilaalisa. Aduunka dhan dowlado ayuu leeyahay maxaa inaga noo diiday?
Dowlada khalad waa yeelan kartaa laakiin waxaa haboon in khaladkaasi aan khalad kale lagu sixin oo aan dowlad xabad lagala hor tagin balse loo dhimriyo waxii khalad ah ee ay leedahayna loo sheego sixidiisana lagala shaqeeyo, waxii wanaag ah lagu garab istaago waxii xumaan ahna gacanta laga qabto. (unsur akhaaka daaliman ow madluuman),
Dal walba dadkiisa ayaa dhista ee aan dhisano dalkeena qurbaha qurux ma yaalo kuwa gudaha joogana waaba u jeednaa meeshay ka taagan tahay.
w/qoray khaalid Maxamuud Macalin.
Khaalid14@hotmail.com

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new