Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Siyaaradii Sheekh Cali Maye oo Marko lagu dhigay iyo Khawaarijta oo isku dayey inay joojiyaan.

Marko 03 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Waxaa shalay magaalada Marka ee xarunta gobolka shabellada hoose lagu soo gabagabeeyey siyaaradii waligii weynaa ee Shiikh cali maye RC .

Siyaarada oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u badan oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalka soomaaliya , ayaa waxa shaly ay ka dhacday magaaladaasi ayadoo banaanbaxii dikriga iyo dhafarkuba si habsami lahi u dhaceen .

Dadka oo ay kamuuqatay dareen diimeed , oo hadana ku labisan Dharka cad cad ee (Libaasu taqwa ) ayaa waxa ay si qeyb qeyb ah u booqdeen qabriga shiikha iyo amwaada kale ee shiikha aktiisa ku aasan , waxa ayna halkaasi ugu duceeyeen Shhika iyo waliba ahlu-qubuurta mu'miniinta ah oo idil , kadibna waxa ay u soo dhaqaaqeen banaanbaxa siyaarada caalimkaasi weyn , ayagoo safaf dhaadheer ku jira oo ku qowlaya (LAA ILAAHA ILLA LAAHU ,MUXAMMADU RASUULU LLAAH ) .

Somalia: State-building and Somali political transiton after conflict By Dr. Khalif M. Duale

Waayeel iyo caruur , looma kala harin siyaarada shiikh cali maye RC , waxaana halkaasi lagu bixiyay sadaqo fara badan oo badanaa ay bixinayeen shacabka reer marka oo marti loo ahaa .

Banaanbixii markii uu gabagaboobay ayaa , waxaa duceeyey culumadii waaweyneed ee ka soo qeybgashay siyarada , waxayna dadka somaliyeed ilaah uga baryeen in uu dhibaatada ka kor qaado , nabadna siiyo , waxaa kaloo la dhigay Dhafarkii siyaarta , oo waaga loogu diiray , socdayna ilaa salaad subaxii.

Shiikh cali maye RC , waxa uu ahaaa caalim weyn oo diinta dadka bari jiray , isagoo aqrinjiray qeybaha kala duwan ee cilmiga sida tafsiirka qur'aanka,axaadiis nabiga NNKH iyo qeybaha kala duwan ee Culuumta diiniga ah , allaha naxariistii janaad ha siiyee shiikh cali maye RC waxa uu ku Aasanyahay magaalada xeebeedka Marka , ayadoo sanad walbana halkaasi lagu xuso shiikha lagana sheekeeyo wax tarkii uu soomalida u laaa xilligii uu shiikhu noolaa iyo qeybtii libaaxa lahayd ee uu faafinta diinta ka soo qaatay , isagoo baal dahab ah ka galay dadweynaha islaamka ah ee solomaaliyeed ,madama oo diinta barijiray .

Sikastoy ahaataba , Siyaarada ayaa si heersare ah u dhacday , ayadoo ay jirto digniino iyo hanjabaado ka imaanayey dhinaca Al-shabaab oo ayagu heysta magalada Marka iyo guud ahaan gobolkaasi , balse waxaa taasi maya yiri oo dhagaha ka furaystay Culumaaudiinka ahlu-sunna wal-jamaaca ee gobolkaasi , haddi ay al-shabaab isku dayi lahaayeen in ay ku xadgudbaan Culumada gobolkasi , waxa shaki ku jirin in lays fara saari lahaa , ayadoo la ogyahay in al-shabaab aysan markaan lahayn quwad ay isaga dhiciyaan culumada ahlusunna wal-jamaacah oo ayagu kala wareegey inta badan gobolada Galgaduud iyo Mudug .
W/Q: Ahmed Mahdi Mohammed (Khadar)
Tel: +256-777050100
Email: axmedmbc@hotmail.com and axmedmbc@yahoo.com
Kampala-Uganda

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new