
Hogaan Qun yar u
socod ah Hantay Siyaasadda Somaliya By Weriyad Shukri
Sharaf
Qormo
02 Fabaury 2009 Waagacusub Media
Aduunka waxaa ka dhaca maalin walba is badalo kala duwan
oo cusub sida ay isu badalaan maalinta iyo habeenka waxa
shalay so if baxay siyaasad waji cusub oo aad looga dhur
sugayey sanadkan cusub .
Somalia:President Sharif arrives in Ethiopia for African
Union Summit By Dahir Alasow
Nuxurka hordhaca qormadeyda waa in aan muujiyaa
isbadalka dimuqraadiga ah ee ku soo kordhey siyaasadda
soomaaliya iyadoo hadalheynta ugu badan ee dadka
soomaalida ay hadal hayeen ay aheyd sida ay u dhacdey
doorashada madaxweynaha Somaaliya lagu soo gabagabeeyey
dalka Jabuti.
Shariif Sheekh Axmed Waa 44-sano jir ku dhashay Gobalka
Shabelada dhexe isla markaana ku bar barbaaray gobalkasi,
waxbarasha-diisa hoose dhexe kuna soo qaatay isla
Gobalka Shabelada Dhexe Waxuna Jaamacado ka dhigtay
Wadamada Suudaan iyo Liibiya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waa nin qun yar socod ah
Siyasadiisa sida la tilmaamo wuxuu la soo shaqeeyey
dhowr hogaan oo kala duwan isagoo siyaada soo galey
markii uu la shaqa bilaawey maamulkii siyaasada ee
gobolka shabeelada dhexe ee uu madaxda ka ahaa maxamed
cumar xabeeb maxamed dheere, inkastoo markii danbe uu
isaga soo tagey kadib markii maxamed dheere ay isku
qabteen arimo dhinaca Gobalka maadaama uu ka ahaa
maamulkaasi guddoomiyaha maxkamada sare
Waxaa lagu xasuustaa hogaanka sare ee Maxkamadaha
Islaamiga Somaliya, isagoo ka mid ahaa hogaamiyayaashii
ugu cad-cadaa ee ka shaqeeyey muddo lix bil kaliya in
kastoo nabad lagu diirsaday laga dareemay hadana waxey
jirtay waqti yar o kooban.
waxey bilaaban ama ku dhaqaqeen maxkamada islaamiga so
rogaan amaro aan dadku u baran amaba cadeysan sida
bandowgii Muqdisho, xayiraadka qaadka, la iibsho iyo
iyagoo dadka u diiday iney Shanemiyonka tagaan waa
Shaneemoyinka filimada lagu daawado.
waxey si fudud ku kasbadeen kalsoonidi shacabka oo so
dhaweyey so if baxoodi kadib markii ay fureen wadooyinki
kala xirnaa halbowlayasha dhaqalaha sida Airporka iyo
dekada muqdisho ,laakin waxa ka hor yimid mushakilaad
markii ay bilabeen iney ku dulaan gobolo iyo dagmoyin ka
mid ah dalka somaliya oo ay xoog ku qabsadeen .
sal fudeydka maxkamadaha waxa ka mid ahaa iney u han
jabaan dalalka deriska ah sida Ithopia oo beydhaba ee
reer galbeedka hor bodayen oo taagero xoog leh la garab
taagneyd dowlada DFKMS oo markasi daganeyd gobalka
Bay.taasi waxey so dadajisay in Ithopia cidamo fara
badan ay uso dirto somaliya iyadoo qiil ka dhiganeysa
haan jabaadi Maxkamadaha iyo iyo khilaaf so kala dhex
galay xubnihii maxkamadaha Islaamiga marki dambe
ciidamada dowlada iyo kuwa itobiya ayaa kasaaray awooda
maxkadaha halka dowlada marki dambe ay uso guurtay
magaalada Muqdisho in kasto barlamanka u baaqi ku ahaa,
magaalada beydhaba .
Sheequ Siyasadiisa maahan inu dagaal dhaco ee waa in
wada hadal wax lagu dhameeyo si loogu fogaado caqabado
hor leh shacabka soomaalida so wajaha waxeyna taasi
cadaatey kadib markii wada hadaladii ay lagaleen dowlada
federaalka ayna suura galiyeen in itoobiya ay dalka ka
baxaan waliba door taan hogaan cusub dimuqraadiga ah oo
lo dhan yahay .
Madaxweyne Shariif sheekh Axmed 30 bishii Janaayo
Baarlamanka isku dhafka ah u doortay madaxtinimada
Somaliya muddada 5ta sano e socota
isla maarkana cod aqlabiyad ahi ku helay ilaa 293 cod
wareegi ugu dambeyey ee dorashada isagoo kaga guuleystay
aqlabiyad aad u sareysa murashax
Maslax Maxmed Siyad Barre oo ay loolamayeen ayaa helay
126 cod o qura halka laba codna ay halawday ama bilaash
noqotay iyadoo ay Codeyeen 421 xildhibaan sida u
Xaqijiyey Godoonki hore ee Barlamaanka
Sheekh Aadan Maxmed Nuur iyo guddi loo xilsaaray
doorashadasi ka dhacday wadanka Jabuuti amaba aan
indhaheena ku aragnay .
Guddoomiya garabka Asmara ee Isbaheysiga dib uxureynta
Sheekh Xassan Daahir Aweys si cad uga soo horjestay
xilka cusub ee lo doortay ,isbadalka siyaasadda Somaliya
ku yimid
Madaxweynaha Cusub: Shariif Sh. Axmed waxu leeyahay
tageero badan gudaha iyo dibadda,Sheekhu wa nin saxada
siyasadda ku cusub oo aan boogo hore lahayn, sidaasi
darteed waxaan u rajayneynaa in rabbi u fududeeyo hawsha
adag ee loo xilsaaray, waxan leenahay ha noqdo kii isu
soo duma walaalaha kala irdhoobey, oo ku kala dadsan
dunida dacaladeeda, sidana waxa ku talo bixiyey qurba
joog fara badan badan.sida Maxmed Januune oo jooga
London.
waxaa hor yaalo Caqabado faro badan kuwaas ay ugu
horeeyaan muqaawamada ee kala ah dhinaca Asmara ee uu
horey ugu mid ahaan jirey iyo dhinaca Shabaabka oo ka
mida ah ururada Mareykanka uu ku darey liiska
argagaxisada aduunka, in kastoo u yahay Shaqsi is badal
doon ah hankiisa Siyaasadeed uu aad u sareeyo , dadka
Somalida waxey rumeysan yihiin in dhibka Somaliya uu wax
qaban karo gabagabadii qormadeyda waxan kuso koobayaah,
Mudane Madaxweyne Waad mutaeysate magacaa ha jiro waxa
laga sugaba adoo nabada ka shaqeya in kasto carabka ku
dhufatay markii lagu doortay .
in Islamka si qaldan lo adeegsado aysan jirin doonin,
xilbaad qaaday nin xilqaaday eed qaadyee dadkana ay
qataan baaqa Nabadda
Hogaan kasto wey u imaneeh farsada ee hala dhowro aayaha
shacabka dhibaatada 16sano jirsatay oo ku dhameystay
qilaafyo siyasadeed walow mid Diimeed aan hore dalka
loga baran ay hada kusoo korortay is qab-qabsiga
siyasaded
Qore Shukri Sharaf
Email:shukrisharafs@hotmail.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new