
Madaxweynaw yaad Madaxweyne u tahay?
Laascaano
02 Fabaury 2009 Waagacusub
Media
Doorashadii Madaxtinimadda Soomaaliya ee ka socotay
Wadanka Jabuui ayaa waxa ay Guushii ku raacday Shiikh
Shariif Shiikh Axmed oo ahaa Hugaamiyaha Ururka Dib
u xoraynta Soomaaliya balse maalinimadii shalay ahayd
Burburay sida uu Madaxweyne Shariif ku sheegay Khudbadii
Caleema saarkiisa, Guushan ayaa kolkii horeba la saadaalinayey
iyadda oo xubnaha Baarlamaanka qayb ka mid ahi ay ahaayeen
ARS-ta uuna hugaamiye u ahaa Shariifku hase-yeeshee
Maslax Maxamed Siyaas Barre ayaa laga filayn marnaba
in uu gaadho kaalinka labaad waxase ay ku tusaysaa in
shacabka Soomaaliyeed ay wali qalbiga ku siihayaan Madaxweyne
Siyaad Barre
Somali
Journalists sends message to the new Somalia president
By
Sunni Said Saleh
Shiikh Sariif Shiikh Axmed waa nin dhalinyaro da'diisuna
waa 42 sano jir waana madaxweynihii ugu yaraa ee Soo
mara Soomaaliya, Shariifku waa nin aan lahayn Aqoon
Maamul oo durugsan, waana Nin Aftahan ah sidoo kalana
is Rogrog siyaasadeed oo badan laga arkay intii uu MaslaxaSiyaasadda
soo fuulay 2004
Madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu Guulo badan ka soo
hooyey Muddo lix bilood ah oo uu Maamulayey inta badan
Gobaladda Soomaaliya wakhtigaas oo uu Gudoomiye u ahaa
Midawgii Maxkamadaha Islaamka waxana Shariifka waagaas
laga bartay in uu yahay Gees Dagaal yahan ah waxana
uu waagaas dhiiri galin weyn siin jiray Dhalinyaradii
u dagaalami jirtay oo uu Dagaaladda qaar la gali jiray
markii ay is hayeen Ururka Argagaxiso la Dirirka
Inta Badan Gobaladii ay Xukumi jirteen Maxkamaduhu una
badnaa Koonfurta Soomaaliya oo ay la dageen Dagaalo
Sokeeye iyo Burcad qawlaysato ah ayaa ay Nabad ku soo
dabaaleen waxana dib u soo noqday isku socodka Gobaladda
ay xukumeen Maxkamaduhu uuna hugaan u ahaa Madaxweyne
Shariif Shiikh Axmed, shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa
ay lixdaa bilood ee Maxkamaduhu jireen ku sheegaan in
ay u dhigan tahay 60 sano
Nabadii iyo Xasiloonidii kaliya kuma aysan ee kayn balse
waxaa ay bilaameen Wada hadal iyo dib u heshiisiin beelaha
Somaaliyeed ee Koonfurta degan iyo waliba Dhaq dhaqaaq
Ganacsi oo xor ah oo ka bilawday K.Soomaaliya inta badana
Dibadd jooga Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho
si ay u maalgashadaan oo kala horarsanayey Suuqyadda
Muqdisho
Ka dib Dagaalkii aan geed ku gabadka lahayn ee ay Itoobiya
ku soo qaaday Maxkamadaha sidoo kalena ay ku qabsatay
inta badan Soomaaliya ayaa sababtay in Shiikh Shariif
iyo Saaxiibadiisaa markaas galaan Duurka Gobaladda Jubooyinka
balse balse Shariifku kuma uusan waarin sida Abu Maansoor
iyo Xasan Turi oo kale, waxaana jirtay talo aan la isla
ogayn in uu Wajeer ku tagay dawladaha Maraykanka iyo
Kenyana isku dhiibay taasina waxa ay sababtay kala shaki
iyo kala fogaansho Urur Diimeedyadii Maxkamadaha ku
bahoobay
Madaxtinimadda Shariifka iyo Xoogaga ka soo
hor Jeeda
Xoogagii la soo hooyey Guulaha aynu kor ku soo sheegnay
maanta waa isku dab iyo baasiin midna midka kale bixin
maayo, Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay isku dhawaayeena
waa qofkii ugu horeeyey ee Mucaaradda, Shiikh Maxamed
Cabdi Umal oo ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed kuwa
ugu Cilmiga badana ayaa dhawaan Magaaladda Nairobi waxa
uu si kulul u dhaliilay Culimadda Joogta jabuuti uuna
ka mid yahay Madaxweyne Shiikh Shariif , Culimadda Soomaaliyeed
badan kooda ayaa Shiikh Shariif u arka in uu yahay Mujrib
weyn oo ku gabanayey Markii hore Diinta Islaamka
Mucaaradda Shariifku kuma koobna oo kaliya Culimadda
Soomaaliyeed ee waxaa kala oo jira Ururadda Hubaysan
ee Diinta sida Alshabaab, Jabiso, Raaskabooniyiin IWM
in ay ka soo horjeedaan Dawladda Shariifka ayna khatar
tahay in uu dagaal culus oo diimeed ay xaaladda Soomaaliyeed
isku rogto, waxaana Guul daraystay Culimadii dhex dhexaadinta
oo aantalo faro ugu jirin sidoo kalana inta badan koonfurta
Soomaaliyana iyaga ayaa gacanta ku haya Xildhibaanadda
iyo Madaxweyne Sharifna sida ay u tagaan baaba adag
Puntland iyo Somaliland
Labadan Maamul ee is xiga waxa ay ku dhawaaqeen in aysan
taageersanayn waxa ka soo baxa Shirka Jabuuti sidoo
kalana aysan Cidba u dirsanayn, Puntland waxaa ka soo
jeeday Madaxweynihii iscasiley Cabdilaahi Yuusuf Axmed
sababihii uu isku casiley ee ay Nuur Cadde isku maan
dhaafeena waxaa ka mid ahaa Shirka Jabuuti oo uu u arkayey
hal Beeli in ay wadato, waxaana adag sida Maamulka Cusub
ee Puntland oo uu dardaar adag uga tagay Madaxweyne
Yuusuf ay u hugaansaaan Madaxtinimadda Shiikh Shariif
Somalia:President
Sharif arrives in Ethiopia for African Union Summit
By Dahir Alasow
Somaliland waxa ay sheegatay mar hore in ay ka go'day
Soomaaliya inteeda kale sidoo kalan waxa ka socda Koonfurta
iyo Puntland aysan u oolin mar Madaxweyne Riyaale la
weydiiyey Shirka Jabuutina iyo mas'uuliyiinta jooga
in uu la kulmay, waxa uu sheegay hadii Somaliya yeela
to hal Madaxweyne oo ay u wada dhantahay in ay la hadlayaan
balse inta isbarbaryaaca dhibaatadda badan jirto aysan
shirarkooda iyo wada hadalkoodaba u oolin
Siyaasadda Dibadda ee Madaxweyne Shiikh Shariif
Siyaadda Arimaha Gudaha ee Madaxweynaha Cusub waa taas
aynu ka soo sheegaynay balse Siyaasadiisa Dibadda ayaa
ah mid uu taageero balaadhan ka haysto ka dib tanaasulaad
badan oo uu beesha Caalamka u sameeyey ayna ka mid tahay
balse waa Madaxweynihii ugu horeeyey Aduunka oo aan
Caleema saarkii hal madaxweynana uusan ka soo qayb galin
abid,Madaxweyne Shiikh Shariif waa nin ay beesha Caalamka
ku kalsoon tahay ahna qunyar socod laakiin Gudaha dalka
Soomaaliya taageeradiisu waa ay sii tirtirmaysaa, sida
uu ula dhaqmo Wadamadda Dariska ahna waxa ku xidhan
kalsoonida uu ka helo Kooxaha Hubaysan
Dawladda Itoobiya oo ah Dalkii ku soo duulay Soomaaliya,
shacabka soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin Xukuumadda
Melez aysan Diyaar u ahay Dawladda Soomaaliyeed oo dhalata,
Dawladda Masar iyo Eleteriya oo markii horeba taageero
balaadhansiiyey Shariifka ayaa waxa ay taageeradoodu
ku xidhan tahay sida uu Itoobiya u la dhaqmo
Siyaasadii Arimaha Dibadda ee Shiikh Shariif waa mid
aad u waangsan hadii uusan wax xidhiidh sokeeya ah la
yeelan Dawladda Itoobiya waxaana macquul ah in uu Taageero
balaadhan ka helo Xoogaga hubaysan qudhooda balse Cadaadiska
Melez iyo soo dhaweynta uu durba muujiyey waxa ay tahay
Qar iska xoor
Maxaaa La gudbon Madaxweyne Shiikh Shariif
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa horyaal
Amuro Adag oo waa weyn una baahan in sida ugu dhakhsiyaha
badan loo taabo galiyo, Shiikh Shariif Shiikh Axmed
waxaa loo doortay in uu dalka Soomaaliya oo ay ka taagan
yihiin Dhibaatooyin Bini Aadaminimo iyo waliba Amaan
daro, Kooxaysi in uu Mideeyo hal dalna ka soo saaro
oo xasiloon
Xoog iyo is maquunis hadii la isku qabsan karo Itoobiya
ayaa Cabdilaahi Yuusuf Dalka u qaban lahayd balse Talaabadda
ugu Haboon waxa ay tahay in uu Tanaasulaad iyo is qancin
la yimaado si qolyaha ka soo horjeeda ay soo dhaweyn
uga helaan,
Magacaabista Raysulwasaare Soomaaliyeed oo bulshadda
kalsooni ku leh, sida uu ku sheegay Khudbadiisii Caleemasaarka
Mr Shariif waxa uu ku tilmaamay Raysulwaasare Tayo leh
in uu soo magacaabi doono, Raysulwasaaraha iyo Xukuumadda
uu soo dhisi dooni sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu
dhadhamaan aysana noqon kuwa hore ugu cusbaa amase aan
wax qabad hore lahayn
Aabuuridda Ciidamado Soomaaliyeed oo tayo leh sugana
Amniga Soomaaliya sidoo kalena hela Baahiyaha ay u baahnaayeen
ayaa looga bixi karaa dhibka jira, Soomaaliya maanta
uma baahna Ciimadami shisheeya waxana ay Abuurayaan
Dagaaloa iyo Mashaakilaad hore waana in uu Madaxweynuhu
ka saaraa kuwa hadeer jooga si uu taageero uga helo
shacabka Soomaaliyeed
W/Q
Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com
cmkahtal@hotmail.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new