
Guusha Shariif Sheekh iyo Qormada Weriye Abdullahi
Jamac
Holland 01
Fabaury 2009 Waagacusub Media
Guusha Sheekh Shariif oo Bog cusub u furtey
Siyaasada iyo Shacabka Somalia
Hadii aan qoraalkeyga ku bilaawo waxa iiga baxey doorashii
Jabuuti ee codka aqlabiyada ahaa uu ku qaatey Sheeq
Shariif kursigii madaxweynenimda soomaaliya waxaan dhihi
karaa waxa ay aheyd doorasho soo gabagabeysey bog hore
islamarkaasna furtey bog cusub taas oo macnaheeda uu
yahey in la heley waxa caalamka iyo soomaalidaba ay
wada doonayeen muda badan sababtoo ah caalamka waxa
ay doonayeen mudooyinkaanba qof ay ka iibinkaraan soomaalida
oo taageera weyn ku dheh leh bulshada dandareysan islamarkaasna
ah qof aqoon weyn u leh dhinaca diinta islaamka iyo
ku dhaqankeedaba inkastoo ay ku tilmaamaan in ay muhiim
tahey in qofkaas uu yahey qof qunyar socod ah waayo
dalka soomaaliya ayaa maanta waxa uu marayaa marxalad
adag oo ay buuxdhaafiyeen rabshado ku saleysan dhinaca
diinta.

Hadaba si looga soo gudbo bogii hore ee maamulada soomaalida
ay caanka ku ahaayeen oo ahaa in maamulada ama dowladaha
kumeelgaarka ah ee loo soo dhiso soomaalida in madax
loogu dhigo rag muda badan siyaasada ku soo jirey oo
aanan ku cusbeyn dhegaha dadka, da,ahaana aad u weyn
waxa laga filan karana ay aad u yaraayeen ayaa waxaa
hada la garowsadey in loo baahan yahey rag da,yar oo
garan kara dhibaatada dhinaca diinta ah ee jirta iyo
sida xal loogu heli karo, halka siyaasiyiintii hore
badankood ayba qabeen in wadaadada aysan aheenba in
ay siyaasada soo galaan igoo dhihi jirey waa in ay ku
ekaadaan misaajidada iyo in ay duceeyaan oo kaliya.
Somalia: Profile
of Somalia's new president By Dahir
Alasow
Marka waxaan dhihi karnaa doorashii madaxweynaha cusub
sheeq shariif sheeq axmed waxa ay soo afjartey bogii
hore ee soo furnaa mudada badan waxeyna bilowdey bog
cusub oo ku saleysan in wadaada laga qeyb qaliyo siyaasada
isla markaasna lala macaamilo dhamaan garabyada hubka
sita ee soomalida ah hadii ay yihiin wadaado ama kooxo
is abaabuley oo maleeshiyooyin ah si loo samata bixiyo
shacabka iyadoo la ilaalinayo danaha iyo macaamilka
shacabka soomaaliyeed kala dhexeeya gaar ahaan dowladaha
dariska la ah guud ahaan caalamka oo dhan.
Hadaba qofka ay wada doonayeen soomaalida iyo beesha
caalamkaba waxaa noqdey Madaxweyne Sheeq Shariif Sheeq
Axmed waayo gudaha dalka soomaaliya taageera weyn ayuu
ku dhex leeyahey beesha caalamkana waxa ay u aragtey
in uu yahey qofka kaliya ee ku xiriirin kara shacabka
soomaaliyeed in uu yahey sidaas darteed waxaa u suuragashey
in baarlamaankii ugu badnaa ebed ee ay yeeshaan soomaalida
uu si aqlabiyad ah u siiyey codkiisa si uu u noqdo madaweynaha
ay ku wada qanacsan yihiin soomaalida iyo beesha caalamkaba.
Maxaa laga dhowrayaa in uu qabto?
Marka laga soo tago guusha uu soo xanbaarsadey ee ka
dhigtey Madaxweynaha xiligan ay leeyihiin umada soomaaliyeed
waxaa jira howlo aad u fara badan oo u wada baahan in
laga bilaawo dhulka kuwaas oo midkasta oo ka mid ahna
ay u baahan tahey in loo wajaho si taxadar, aqoon iyo
waayaragtinima ku dhisan iyadoo waliba ay lagama maarmaan
tahey daacadnimo iyo wadaniyad in la muujiyo si loogu
guuleysto howlahaas oo dhan waayo dalka uu madaxweynaha
u noqdey waa dal u u burburey amaan ahaan, dhaqaalahaan,
bulsha ahaan iyo xitaa dhaqan ahaan, marka in dib loo
soo celeyo dhamaan waaxyahaas oo dhan ma ahan wax sahlan
mida ugu adag ee fashilka degdega ah keeni kartana waa
soo celinka amaanka iyo kala danbeynta.
Hadii aan si gaar ah u taabto waxyaabaha looga fadhiyo
in si degdeg ah uu u sameeyo waxa ugu horeeya soo dhisida
gole xukuumadeed oo dheelitiran oo ay ka wada muuqdaan
dhamaan beelaha soomaalida iyo dhamaan garabyada ku
lug leh siyaasada, marka waxaa su,aal ay ka taagan tahey
golaha xukuumada ma waxey noqonayaan kuwa tirahaan aad
u badan ileen baarlamaankaba waa tan tiradiisa xadka
laga bixiyee mise sidii hore ayey noqonayan kuwa tira
ahan yar? waa meelaha ugu horeeya ee qilaafka uu ka
bilaawan karo.
Waxyaabaha kale ee laga sugayo sida ugu dhaqsiyaha
badan waxaa ka mid ah soo celinta amaanka dalka gaar
ahaan caasimada, iyadoo aan la socono in gudaha dalka
ay awood badan ku leeyihiin islaamiyiinta diidan ciidamada
ajaaniibta ah ee lagu heshiiyey in nabada ay ku taageeraan
dowlada midnimda qaran ee sheeqa uu madaxweynaha u noqdey.
waxaa kaloo ka mid ah dib u soo celinta shacabka tirada
badan ee ku dhaqan magaalada muqdisho daafaheeda iyo
in si degdeg ah ay jawaab ugu bixiso dowlada baahida
dadka ay u qabaan ka bixinta qalbiyadooda aamin darada
ay ka qabaan dowlada, arintaan waxaan ula jeedaa in
aysan ka difaaci karin cida dhibateyneysa shacabka ileen
waxa ay arki jireen dowlad iyadaba u baahneyd in la
difaaco oo ku tiirsaneyd ciidamo ajanabi ah.
Maxaa caqabad ah oo ka hor imaan kara ?
Aniga sida ay ila tahey waxaa ugu weyn caqabadaha qabsan
kara dowladaan uu madaxweynaha ka yahey sheeq shariif
waa laba arimood oo ka daran caqabad kasta ee ka hor
imaan kara waxeyna kala yihiin:-
1-Wada shaqeynta uu la yeelanaayo beesha caalamka waayo
sida aan la socono madaxweyne sheeq shariif wey ku cusub
tahey in uu la macaamilo beesha caalamka waxa ay ku
doorteena waxa ay u arkaan inuu yahey wadaad qunyar
socod ah oo wax ay isla meel dhigi karaan marka waxaan
ka cabsanaa in sida ay wax meel iskula dhigayaan in
ay noqoto si ka duwan sida ay la tahey beesha caalmka
oo sheeq shariif ay isku fahmi waayaan meela badan kadibna
dowladaas ay u arkaan tii C/qaasim oo kale sidaasna
ay taageeradeeda ugu gaabiyaan.
2-Mida labaadna waa sida uu u qancin karo wadaadada
asxaabtiisa ahaa ee nidaamkii maxaakiimta ay ka wada
tirsanaan jireen oo maanta u kala baxey dhowr qeybood
oo kala ah Garabka Asmara oo aasaaskoodii uu wax ku
lahaa hadana u arka in uu qiyaamey oo balantii uu ugu
baxey iyo Alshabaab iyadoo waliba Ahlu sunana ay ka
mid noqdeen garabyada hubeysan.
Ugu danbeyn waxaan ku talinayaa in uu marwalba qiimeeyo
wada tashiga uu la yeelanaayo raga rug cadaaga siyaasadeed
iyo dhinaca maamulka ahba kuwaas oo badankood ka mid
ah dowlada, hadii uu waxwalba ku saleeyo la tashi uu
la yeelanaayo raga daacada ah ee talada wanaagsan waxaan
aaminsanahey in uu ka soo baxaayo xilka culus ee loo
doortey, waxaana ilaah ugu rajeynaa in uu u fududeeyo
gudashada waajibaadka loo doortey
W/Q Abdullahi Jama.
Exiled Somali Journalist.
Middlebrug-Nederlands.
cadawe20@hotmail.com
cadawe20@yahoo.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new