
Doorashada Sheikh Shariif Sheikh Axmed maxaa
laga fili karaa?
London 01
Fabaury 2009 Waagacusub Media
Waxaannu ogsoonnahay in sababtii duullanka loogu soo
qaaday dalka Soomaaliya oo ay kusoo galeen ciidamada
cadawga Itoobiya magaalada Muqdishow Bishii Disember
2006,iney ahayd saddex arrimood:
1-In laga hortago iney Soomaaliya ka dhalato dawlad
Islaami ah oo si buuxda ugu dhaqanta kitaabka ALLE.

Somalia: Profile
of Somalia's new president By Dahir
Alasow
2. In Somalia aysan is-raacin oo maamullo iyo gobollo
madaxbannaan loo qaybiyo(building blocks).Ayadoo loo
arkay in shareecada Islaamku tahay waxa keliya oo qabaa’ilka
Soomaalida mideyn kara.
3.Beesha caalamka oo ka cabsi qabta in dawlad Soomaaliyeed
oo xoog leh ay dhul u sheegato Kenya iyo Ethiopia,arrinkaas
oo ururka midowga Africa uu la qabo,weliba marka lagu
daro waddamada carbeed qaarkood.
Maanta waxaa ALLE mahaddiisa iyadoo laga guuleystay
cadawgii dalka soo galay oo si foolxun loo jabiyey,inkastoo
uu Dibu-heshiisiinta Jibouti uu ku ceeb qarsanayey(face
saving).Waxaa aan haynnaa in la doortay hoggaamiyihii
Maxaakiimta Islaamiga ee ay Ethiopia ka tuurtay jagadiisii,taasoo
marka loo fasiro dibloomaasiyada caalamka muujinaysa
iney qirteen iney ku khaldanaayeen duullaanki lagu soo
qaaday Somalia,sidaas awgeedna ay u furan tahay shacabka
Soomaaliyeed in magdhaw uu weydiisto khasaarihii naf
iyo maalba lahaa ee loo geystay,iyo tacaddiyadii xuquuqda
aadamiga ee laga galay intaba.
Maxaa la gudboon Madaxweynaha DKMG Sheikh Shariif?
Sheikh Shariif waxaa loo doortay mansabkii ugu sarreeyey
ee dawladda Somalia,kaasoo uu isaga qudhiisu dadaal
weyn usoo galay sidii uu ku gaari lahaa.Haeseyeeshee,waxaa
Sheikha hortaal laba amuurood oo waaweyn,kuwaasoo imtixaan
ku ah sidii uu u maareyn lahaa,waxayna kala yihiin:
1-Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed,oo doonaya in si
buuxda loo qaato Kitaabka ALLE,laguna dhaqmo shareecada
Islaamka,taasoo uu markiisii horeba lagu bartay.
2-Beesha caalamka oo shareecada Islaamka ka soo horjeeda,haddii
uu qaatana laga yaabo iney ka baddelaan Wadaad Qunyarsocod
ah kuna beddelaan Wadaad Xagjir ah.
Maxaa la gudboon mujaahidiintii kasoo horjeesatay
heshiiska Jabuuti?
Haddii markii horeba hadafka loo dagaallamayey ahaa
in cadawga dalka qabsaday laga saaro,diinta ALLE kor
laga dhigo,waxay ila tahay in sabab loo dagaallamaa
aysan meesha oollin,mar haddii dawlada KMG ah ay qaadato
shareecada Islaamka.Sidaas awgeed,ayaa laga sugayaa
in mujaahidiintu ay ka qayb qataan hirgelinta dawladdii
loo dagaallamayey,loogana dambeeyo culummada sida iyo
qaabka ugu habboon ee shareecada Islaamka loo fulin
karo..
Guusha ama guuldarrada dawladda KMG ah ee Sheikh Shariif
hoggaaminayo waxay ku xiran tahay sida uu arrintaas
ula tacaalo,waxaanse ugu ducaynaynaa in ILAAHAY tubta
toosan ku duwo.
Qore.
Abdullahi Jama(Binadam)
Binadam43@googlemail.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new