May .31.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Tusmadda WC:-Xeerarka tajwiidka Qur’aanka Q.3-aad

 
 


X) Xeerarka miimka reebban

1)  الإخفاء الشفوي: Waa in ay tahay miimka reebban erayga dhamaadkiisa, uuna ku xigo xarafka ba’da, markaasina waxaa lagu qarinayaa miimka reebban ba’da iyadoo lagu aqrinayo codka sanka.

Tusaale: {وهمْ بالآخرة}, {ترميهمْ بحجارة}, {أنتمْ به}.

2) الإدغام الشفوي: Waa in ay tahay erayga u dambeeya miimka reebban uuna ku xigo miim shaqlan, markaasina lagu qabto miimkii reebbanaa kii shaqlanaa oo ay noqdaan hal miim oo labalaaban ” مشددة” oo la muujinayo iyadoo lagu aqrinayo codka sanka.

Tusaale: {في قلوبهم مرض} Waxaad u aqrineysaa: " في قلوبهمّرض."

{جاءكم من}, waxaad u aqrineysaa: " جاءكمِّن" .

{أزواجهم مثل} waxaad u aqrineysaa: " أزواجهمّثل."

3) الإظهار الشفوي: Muujinta dhawaaqa waa inuu noqdaa xarafka miimka reebban ka dib xarfaha alif ba’da waxaan ka ahayn ba’da iyo miimka hal eray ama laba eray.

Aad ayaana loo muujinayaa woowga ama fa’da ka dib, iyadoo miimka iyo woowga isku si loo aqrinayo ayna u dhowdahay sida loo aqrinayo fa’da. 

Tusaale:

{ذلكم خير لكم}، {وإن كنتم على}، {ولكم فيها}، {عليهم ولا الضالين}،

{عليهم فيها}، {ذلكم حكم}.

Kh) Iskuqabashada

1)  إدغام المتماثلين: Waa markay kulmaan labo xaraf oo isku mida bilowgiisu yahay reeb kan labaadna yahay shaqal ayaa lagu qabtaa kan hore midka labaad.

Tusaale:

{ما لكم من}، {من نزّل}، {بل لا}، {ما كانت تعبد}، {اضرب بعصاك}.

{اذهب بكتابي}، {يدرككم}، {إذْ ذَهَبَ}.

Fiirooyin gaar ah:

1)Waa la ogol yahay iskuqabashada iyo muujintaba iyadoo la hakinayo.

Muujinta ayaana la doorbidaa hadalka Eebbe kor ahaaye:

{مَا أَغْنَى عَنِّي مَالِيَه * هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَه} [الحاقة: 28-29]

oo marka la aqrinayo waa la iskuqabtaa " ما لِيهّلَكَ " ama waa la muujiyaa {ماليهْ * هلك} oo waxaa lagu istaagaa ha’da koowaad istaagni fudud adigoon neefsaneyn.

2)Hadduu yahay xarafka koowaad woow ama ya’ uuna ka dambeeyo kuwo la mida oo shaqlan, markaasi la iskuqaban maayo.

Tusaale: {آمنوا وعملوا}، {الذي يوسوس}.

3)Hadduuse yahay kan hore xaraf fudud, oo waa la iskuqabanayaa kuwa isku midka ah.

Tusaale: {والذين آووا ونصروا} oo waxaad u aqrineysaa: "آوَوّ نصروا".

2) إدغام المتجانسين: Waa marka labada xaraf isku qaab loo aqrinayo ayna ku kala duwan yihiin astaanta, waana xarfahan:

B)Ta’da reebban: Waxaa lagu qabanayaa ta’da reebban- iyadoon lagu aqrineyn codka sanka- laba meel: Hadduu noqdo deel ama dha’.

1.ت+ د {أثقلت دعوا} Waxaad u aqrineysaa: " أثقلَتْدَّعَوا." {أجيبتْ دعوتكما} Waxaad u aqrineysaa: " أُجيبَدَّعوتكما"

2.  ت+ ط: {همت طائفتان} Waxaad u aqrineysaa: هَمّطَّائفتان".  {قالت طائفة} Waxaad u aqrineysaa: قالَطَّائفة".

T) الدال الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa deelka reebban –iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib ta’.

Tusaale:

1-د+ ت: {قدْ تَبَين} Waxaad u aqrineysaa:  " قَتَّبين" . Iyo {ومَهّدْتُ} waxaad u aqrineysaa:

" ومَهّتّ. {لقد كِدْت} Waxaad u aqrineysaa: " لقدْكِتَّ ".

J) الباء الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa ba’da reebban miimka ka dambeeya iyadoo lagu aqrinayo codka sanka, hal meel ayaana laga helayaa Qur’aanka waana:

{يا بني اركبْ معنا} [ هو: 42 ] Waxaad u aqrineysaa: " اركمّعنا ".

X) الذال الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa الذال reebban – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib xarafka الظاء:

Tusaale:

1- ذ + ظ: {إذ ظلمتم} Waxaad u aqrineysaa: " إظَّلَمْتم ".

Kh) الثاء الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa الثاء reebban – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib xarafka الذال .

Tusaale:

1- ث + ذ: {يلهثْ ذلك} Waxaad u aqrineysaa: " يلهّذَّلك ".

D) الطاء الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa الطاء reebban – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib xarafka ta’da.

Tusaale:

1- ط+ ت: {أحطّت} Waxaad u aqrineysaa:

" أحَتُّ ". {بسطت}. Waxaad u aqrineysaa: " بسَتّ " {فرطتم}. Waxaad u aqrineysaa: " فرَتّم ".

Fiiro gaar ah: Sideeda ayey ugu ahaaneysaa qaabkan astaanta adkeynta الطاء lagula qabtey, sidaas darteedna waxaa loogu yeeraa iskuqabashada dhiman.

3) إدغام المتقاربين: Hadday isu soo dhawaadaan labo xaraf sida loogu dhawaaqo iyo astaantooda, uuna yahay labadooda kan horeeya mid reebban, waa in lagu qabtaa kan labaad – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – taasina waa labadan qaab.

Tusaale:

1) Laamka ayaa lagu qabanayaa ra’da sida:

{قلْ رب} waxaad u aqrineysaa: " قُرَّب "

2)Qaafka ayaa lagu qabanayaa kaafka sida:

{المْ نخلقْكُم} Waxaad u aqrineysaa:  " نَخْلُكّمْ ".

Waxaa la ogol yahay qaabkan iney ahaato astaanteeda adkeynta qaafka, wuxuuna noqonayaa iskuqabasho dhiman ama waa laga tegayaa astaantan oo wuxuu noqonayaa iskuqabasho dhameystiran.

Waxaana la muujinayaa dhammaan xarfaha reebban kuwaa soon lahayn xeerar u gooni ah markey isku xigaan, waana in la ogaadaa iney tahay in la muujiyo xarfahan soo socda: 

1) ضاد ”Laadka” reebban uu ku xigo طاء ”dha’ sida: {ممن اضطر}.

2) ضاد ”Laadka” reebban uu ku xigo ta’da sida:

{فإذا أفضتم}.

3) ظاء Reebban uu ku xigo ta’da sida:

{سواءٌ علينا أوَعظت}.

4)Deelka reebban uu ku xigo kaafka sida:

{لقدْ كدت}.

La soco qeybta 4-aad

Qore CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa”
ina_warfaa@hotmail.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software