june .30.2008 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

Maxaa sabab u ah hoos u dhaca Guurka geyiga Soomaalida?

 
 


Daraasad cusub

Daraasad cusub oo ku saabsan sababaha dhaliyay hoos-u-dhaca Guurka dhulka Soomaalidu degto, oo ay dhawaan sameeyeen qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeisa, ayaa markii ugu horeysay daah-furtay sababaha keenay hoos u dhaca Guurka Soomaalida.

Daraasad cusub oo koobaysa dhammaan dhulka Soomaalidu degto, sida Soomaaliya, Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida Kenya, waxa lagu muujiyay farqiga u dhexeeyay 20 sannadood ka hor Guurkii Soomaalida iyo ka waqtigan.

Gebagebadii Cilmi-baadhistan cusub ee ay sameeyeen ardaydu, waxa shaxdan ka hoos ku qoran ka diyaariyay Guddoomiyaha Guddida arday ee Daraasad sameeyay,

Cabdirashiid Xariir Sh. Muxumed.

Wadanka
 

20 sano ka hor

Guurka waqtigan

Heerka hoos-u-dhaca

Tirada Guur-doonka

Xaddiga Xaasleyda

Soomaaliya

90%

48%

42%

60%

20%

Somaliland

-------

37%

53%

55%

18.5%

Jabuuti

60%

23%

37%

39%

15.7%

Kilalka Shanaad

92%

57%

35%

60%

22%

Somali-kenya

75%

65%

10%

50%

25.3%

 Sababaha Hoos-u-dhaca:

Inta badan sababaha keenay hoos u dhaca Guurka Soomaalidu way ka duwan yihiin, marka loo eego hab nololeedkooda.

Tusaale ahaa; Koonfurta Soomaaliya, heerka hoose ee dhaqaalaha waxaa u dheer xaalada kacsan ee colaadeed. Hase yeeshee, waxa laga wada siman yahay dhinaca haynta dhaqaalaha oo ah sababta koowaad ee keentay xaddiga hoos u dhaca Guurka.

Falanqayn dheer ka dib, sababaha kale ee ka qayb qaatay hoos-u-dhaca Guurka waxaa ka mid ah;

  1. Dhaqaale xumo baahsan
  2. Hab-dhaqanka Guurka oo isbedel ku yimid
  3. Kor u kac ku yimi qiimaha Guurka.
  4. Hiyi-kac laxaad leh oo ku yimi dhalinyarada

Heerarkii Daraasada:

Kadib markii aanu siyaabo kala duwan ula xidhiidhnay, una waraysanay in ka badan 500 oo qof, dhammaantoodna ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa noo suurtogashay soosaarida Daraasadan midho dhalkeedu yahay shaxdaa kor ku xusan.

Xog ururinta Daraasadan waxaa laga soo ururiyay dhammaan geyiga Soomaalida, waxayna socotay muddo saddex bilood ah.

Waxaa kale oo qayb ka ah kulamo iyo dooodo dhexmaray qaar ka mid ah ardayda Jaamicadda.

Mahadnaq:

Mahadnaqa Allaha noo suurtogaliyay Daraasada ka dib, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa dhammaan dadkii ka qayb-qaatay muddadii ay  socotay.

Sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa Guddida ardayda Jaamacadda Hargeisa ee waqtiga ku bixiyay Cilmi-baadhistan.


Guddoomiyaha Guddida ardayda Daraasadda samaysay;
Cabdirashiid Xariir Sh. Muxumed
E-mail: maaxato@hotmail.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software