April .30.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

 Tusmadda WC:-Xeerarka tajwiidka Qur’aanka 1-aad

 
 


 Qeybta 1-aad.

Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar

B)Qurxinta aqriska التجويد:Ujeedadiisa, diintu waxay ka qabto, hababka lagu baran karo iyo siduu u kala baxo.

Cilmiga tajwiidka waa aqoonta lagu garto sida loogu dhawaaqo erayada Qur’aanka.

Xarfaha oo si quruxsan loo aqriyaa ayaa waxay ahayd qaabkii uu u aqrin jirey Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Ujeedada cilmiga tajwiidka waxay tahay in si wanaagsan loo barto aqrinta Qur’aanka ama waa in laga ilaaliyo carrabka gefka marka la aqrinayo Qur’aanka.

Cilmiga tajwiidka wuxuu yahay in loogu dhawaaqo xaraf kasta siduu yahay, iyo in xarfaha si quruxsan loogu dhawaaqo iyadoon waxba lagu darayn lagana dhimeynin si xunna loogu dhawaaqeyn.

Diintu waxay ka qabto barashada tajwiidka waxaa laga rabaa iney bartaan qaar ka mida muslimiinta فرض كفاية .

Diintu waxay ka qabto ku dhaqankiisa waa ku waajib ku kastaa oo muslin iyo muslimad ah oo yaqaan marka la aqrinayo Qur’aanka. 

Habka loo barto cilmiga tajwiidka waa labo jaad:

1) Inuu ka dhegeysto macalin, waana habkii ay u baran jireen dadkii hore.

2) Inuu u dhegeysto oo uu u saxo macalin.

Waxaana wanaagsan in la kulansado labada hab.

Sidey u kala baxdo aqrinta saxda ah:

1)  التحقيق: Waa in xarfaha loo aqriyo si sax ah, sida shaqalka dheer, hamzada sideeda loo aqriyo, shaqalada oo la dhameystiro, codka sanka ee fudud in sidiisa loogu aqriyo ” الغنة” xaraf kastaa goonidiisa loo aqriyo, xarfahana loo kala saaro iyadoo la hakinayo degdegna jirin, laguna istaago istaagyada la ogol yahay iyo iyadoo la muujiyo xarfaha ama la iskuqabto xarfaha.

2) الحدر: Waa in loo aqriyo si degdeg ku jirto loona aqrinayo xeerarkii tajwiidka waafaqsanaa sida in xarfaha la muujiyo, la iskuqabto, shaqalka gaaban, shaqalka dheer, xarfaha oo sidooda loo aqriyo iyo astaamahooda.

3) التدوير: Waa in loo aqriyo hab dhexdhexaad u ah labadan hab ee kala ah التحقيق iyo الحدر

4) الترتيل: Waa in loo aqriyo Qur’aanka ukaadin, aan degdeg ku jirin, deganaansho iyo in loo aqriyo xaraf kastaa sidiisa, astaamihiisa iyo shaqalada dhaadheer. 

T) Xeerka miimka iyo nuunka labolaaban المشدّدتين

1) Marka la aqrinayo miimka labolaaban waa in la muujiyo codka sanka ” الغنة” muddo qiyaastii labo xaraf ah sida:  أمّا، ثمَّ ، عمّ ، أمّن.

2) Marka la aqrinayo nuunka labolaaban waa in la muujiyo codka sanka muddo qiyaastii labo xaraf ah sida:  إنّ، إنّا، {من الجِنَّة والنّاس} .

J) Xeerka nuunka reebban 

iyo laboshaqlanaha ” التنوين

1) الإظهار الحلقي: Muujinta hunguriga

الإظهار: Waa in loo aqriyo xarafka reebban sidiisa iyadoon la istaageyn, la hakaneyn iyo aan la adkeyneynin.

Xarafyadiisa: Hamzada, ha’da, ceynka, xa’da, geynka iyo kha’da, waana kuwan erayada soo socda kuwa ay ku bilaabanayaan ay yihiin:

( أخي هاك علماً حازهُ غير خاسر ).

Xarfahaan ayaana loo yaqaan xarfaha hunguriga حروف الحلق , maxaa yeelay xarfahaasi dhawaaqooda wuxuu ka imaanayaa xagga hunguriga, sidaas darteed ayaa loogu magac darey xeerka muujinta hunguriga: الإظهار الحلقي.

Sida loogu dhawaaqo: Waxaa la muujinayaa nuunka reebban ama laboshaqlanaha ka hor: (Hamzada, ha’da, ceynka, xa’da, geynka iyo kha’da).

Tusaale:

1- ن+ أ : {مِنْ آيَاتِنَا}، {مَنْ أَرَادَ}، {مَرَّةً أُخْرَى}، {مِلْحٌ أُجَاجٌ}.

2.  ن + هـ: {عَنْهُمْ}، {مِنْهُمْ}، {إِنْ هُمْ}.

3.  ن + ع: {إنْ عُدْنا}، {أنْعَمْتَ}، {يومٌ عَسيرٌ}، {إثْماً عَظيماً}.

1.  ن + ح: {منْ حَوْلِهِمْ}، {شَيءٌ حَفيظٌ} ، {أُسْوَةٌ حَسَنَة}.

2.  ن + غ: {مِنْ غَيْرِ}، {عملٌ غَيْر صالِح}، {منْ عذابٍ غَليظ}.

3.  ن + خ: {مَنْ خَلَقَ}، {كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ}.

2) الإدغام: Iskuqabashada waa ku qabashada nuunka reebban ama labashaqlanaha xaraf ka mida xarfaha iskuqabashada  حروف الإدغام  iyagoo noqonaya xaraf kaliya oo labalaaban, kaas ayaa la yiraahdaa xarafka iskuqabashada.

Xarfaha iskuqabashada ee nuunka waa lix: Waxaana kulmineysa erayga (يرملون).  

Waxay u qeybsantaa iskuqabashada labo qeybood:

La soco taxanaha TAJWIIJKA QUR’AANKA

Qore CabdiRisaaq Maxamed Cilmi  ”ina Warfaa”

Fiiro gaara: Weli lama daabicin kitaabkan

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana

La soo xiriirka qoraha ee ku saabsan kitaabka

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka qoraha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "e-mailkiisa" oo ah:  ina_warfaa@hotmail.com.

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software