January .30.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

BARBAARTA SOOMAALIYEED IYO BUUFISKA

 
 


 
Waxaa dhab ah BUFISKA in maantay u maraayo heerkii igu sareeyay marka loo eego xiliyadii hore,waaxaad arkaysaa markaa tagto meelaha dhalinyarada iskugu yimadaan, sida maqayadaha lagu shaaxo in inta badan dhalinyaradu ay ka shakaysanaayaan buufiska, qarkood ayaa dhahayaan "waxaa i haayo buufis xun habeenadaan ma seexdo waayo magaaladaan waa nacay waa iga hor -timid iyo hadala kale oo aad u farabadan".
 
Dhalinyarada buufiska
 
Dhalinyarada bufiska qabto inta badan waa saaxiibo oo waxay jacelyihiin in ay ka shakaystaan mara walbo bufiska mana jeclo qof an bufis qabin in ay la shakaystaan marka waydiiso oo aad dhahdo maxaa dadka kale shakadoodada u diidaysaan, waxay jawaab kaga dhigayaan "dadka ma yaqaniin macnaha buufiska waxaan loo joogin ay ku galinayaan sida siyaasad , wax barasho, iyo niyad jab jogta ah marka horaa loo yiri (shinbirba shinbirkiisu la duulaa)
 
Waxyaba igu yabka badan oo aad ku arkayso dhalinyaradaan ayaa waxaa ka mid ah in ay is tusaan qariiradaha calamka ayagoo dhahaya suuriya way ku dhagantahay turkiga ama ruushka waxuu xaduud la leyahay filand,maraka qaar ayaa waxaad u malaynasaa inay yihiin qabiiro ku taqasusay juquraafiga sida ay u yaqaniin wadamada xadadka leh iyo kuwa badaha u dhaxeyaan,waxaa intaasi dheer ayagoo yaqaano inta lagu qaato sharciga wadamada yurub iyo waliba sida ay isku dhiibi lahayen marka ay tagan yurub.
 
Waa maxay buufis ?
 
Bufiska,waa marka uu qofku raboodo in uu dhoofo ama ka tago meel uu horay u joogay nacane masha ow joogi jiray, halka dhalinyarada qaarna ay ku macneyeen in bufisku oo lamid yahay jacelka sida qofka wax jacel uu urabo in qofka u jacelyahay u helo ayuu bufiskane uu u rabaa in helo halka uu u buufsanyahay.
 
Malisku gudbiyaa buufiska ?
 
Bufiska, waa la kala qadaa buufiska, waliba si fudud ayaa loo kala qadaa marka aad saxiib la noqoto qofka bufiska qabo uuna in badan kaga shekayo bufiska haayo iyo inta sana u haayo bufiskaan iyo inta mar uu ku fashilmay bufiskan, ayaa adigane waxaad qatar igu jirtaa inaad si fudud ku qadid
bufiska.
 
Daawo maleyahay buufiska ?
 
Bufiska,daawo wuu leeyahay waxaana daawa u ah in uu qafka bufiska haayo tago meesha uu bufiska u haayo islamrkaana aheyd halka ow ku riyoon jiray, walow ay jirto dadka bufiska haayo in aysan la xariirin dhaqtar daawayo hadaba waxaa jirto siyaalo badan o qofka bufiska haayo ku resan karo waxana ka mid ah isagoo helo hadafkiisa waxuu ahay .
 
Maloo dhinta bufiska ?
 
Bufiska,waa loo dhintaa waxaana logu dhintaa siyaabo aan toos aheyn oo ay ka mid tahay qofka oo nafsadiisa haligo isaga oo aan kala garanayn waxa u samaynaayo sida isagoo dhax maro meel halis badan o kaga timaado dhimasho sida aan ogsonahay kumanan qofood oo samaali ah ayaa baduhu laqeyn,qaarna waxay dhax jiireyn baraf oo halkaasi orso ku cuntay, kuwane xaduudyo inta xoog ku
jiiray ayaa la dilay .
 
Ugu danbantii waxaan maqalakaygii ku soo gababaynaa kulana dardarmaa dhalinyarada bufiska qabto in inta is dajiyaan naftoodana qeyr u sheegan haday fusad u heli karaane waa in ay wax bartaan waayo waa ubixii wadanka bari aya loo bahanyahay dhalinyarada waa kuwii wadanka xukimi lahaay ama hogaamin lahaay.
 
W/Q Raage Cali Dheere
 
raagenews@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software