Tartamayaasha qaarkood, xitaa waxay
yaqaanneen Luqado dhowr ah, meelo kala geddisan oo ay
Hoteello ka mid ahaayeenna waa ay ka soo shaqeeyeen.
Faadumo waxay Tartamayaashii kale oo dhan kaga fiicnaatay,
fariid ku ahayd oo laguna xushay: Firfircoonaan,
Farsamaynta Cunnooyinka,U-dhoollacaddaynta Martida,
Nadaafadda guud,siiba Ilkaha iyo Ciddiyaha iyo arrimo
kale. Marwo Filipo ayaa tiri:-" Anigu bilowga horaba
dhaldhalaalka Ilkaha Faadumo iyo Nadaafaddeeda guud ayaa i
soo jiitay, oon ka helay".
Faadumo waxay ku guulaysatay in ay Cunno-kariye u noqoto
Qoyskii Talyaaniga ahaa ee hantida lahaa. Waxay Fabio iyo
Filipo ku wareejiyeen Faadumo maamulkii Aqalkooda, Karinta
iyo kala qaybinta Cunnada, Maareynta iyo Kharaj-garaynta
Masaariifta, Soo dhoweynta Martida reerka iyo amuuro kale.
Qol goonni iyada u ah ayaa laga siiyay Aqalka.
Saacadaheeda shaqadu waxay u dhaxeeyeen 6:00 aroornimo
ilaa 8:00 fiidnimo. Mushaar fiican iyo gunno dheeraad ahna
waa loo qoray.
Si fiican ayay Faadumo iyo Reerkii Talyaaniga ahaa isula
qabsadeen oo isula dhaceen. Waxay reerku ka dhigteen 'Faay'sidii
gabadhoodii weyneyd oo kale. Xitaa waxay u ballan-qaadeen
in xilliyada qaarkood loo qaadayo oo ku soo nasanayso
dalka Talyaaniga.
Mr.Fabio oo Ganacsade weyn ahaa, waxaa kaloo kaaliye ahaan
ula shaqaynayay nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray 'Faarax'.
Ninkaas waa uu firfircoonaa,Xaas ayuu lahaa, Caruurse ma
lahayn. Wuxuu lahaa aqoon fiican, una qaabilsanaa Fabio
dhanka Xafiisyada Dawladda,Dekedda iyo dhammaan meelihii
kale ee uu Fabio u baahdo.
Kaaliyaha Fabiyo(Faarax), waa uu imaan jiray Aqalka, wuuna
la socday oo arkay marar badan Gabadha Soomaaliyeed ee ku
soo biirtay Aqalka. Faadumana dhowr jeer ayay aragtay
Faarax. Marar aan yarayn waa ay isa salaameen, isha ayay
hoos isaga xadayeen,mid kastaaba wax buu ka maqlayay
warbixinnada ku saabsan kan kale. laakin fursad isuma ay
helin in ay is-waraystaan ama sheekaystaan.
Inkastoo uusan kulan toos ah ka dhex-dhicin Faarax iyo
Faadumo, haddana, waxaa jiray iska helid uu mid kastaa
qabay geestiisana laabta ugu qarsanayay. Faarax iyo
Faadumaba waxay rabeen in ay mar un toos isu
hor-fariistaan, isu xog-warramaan, is-waraystaan, si uu
mid kastaa ugu sheego kan kale sida uu u arko iyo wixii uu
rabi lahaa.....
La soco Qaybta 4-aad
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
Somalia:
Sudan pushes Aweys to support Somalia government
Somalia:Al-Shabaab
Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People
Somalia:
Mortar shell injures 8 women in Mogadishu
Somalia:
Hormuud Telecom accused of listening its customers:
Editorials
Somalia:Al-Qaeda
to distabilize Somaliland
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new