29.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
Wiil guurkiisa ku muteystay jirdil iyo hanjabaad.


 
 


Wiil dhalinyaro ah oo si qarsoodi ah u mehersaday gabar ay si hoose Jacayl wadaag u ahaayeen ayaa wuxuu meherkaasi ku muteystay wiilkii in lagu jirdilo gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sida uu inoo sheegay wiil-kaas walaalkiis oo Farmashiye ku leh Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muq-disho ayaa waxaa farmashiga ugu yimid waalidka iyo qaraabada gaba-dha oo ka ashtakoonaya guurka uu gabadhooda guursaday wiilkaas oo isagu ka soo jeeda beelaha jareer weyne, halka gabadhuna ay beelaha awoodda is bida ee Muqdisho ku hubeysan ay ka soo jeedo, iyagoo ku doodaya in gabadhooda uu wiilkaasi sixraday ee aysan Jacayl ku guursan, iyagoo markaa iska indho saabaya in jacaylku uusan jinsi, qabiil, qurux iyo arrimo kale uusan aqoonin.


Sida warku sheegayo wiilka gabadha mehersaday oo isagoo la baadigoob-ayo ay ehelada gabadhu soo dhoob-teen Farmashiga walaalkiis uu gado ayuu si kedis ah oo filanwaa ah ku yimid Farmashigii isagiyoo ay la so-coto gabadha, markaasoo mar qura ay ku goobteen dadkii isaga sugayay ee gabadhooda uu ka boobay, kuw-aas oo u geystay dhaawacyo hoose iyo kuwo muuqda, balse dadkii Suuqa daawada joogay ayaa u soo gur-maday oo ka celiyey, waxayna ku qa-sbeen in gabadhooda uu isla goobta ku furo.



 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software