29.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
Wiil si la yaab leh u carqaladeeyay xaflad aroos oo aabihiis uu dhiganayay.


 
 


Wiil da’diisu tahay 14 sano jir ayaa carqaladeeyay aroos aabihiis uu la galay haweeney uu la guursaday Hooyadii kadib markii uu wiilkaasi la maseyray Hooyadiis.

Sida wariyaheena Nasro macalin Cilmi (Nasro Degan) ay soo sheegeyso aroos ka dhacayay xaafadda Kaasabobolaare degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayuu wiilkaasi dhagaxtuur iyo arbishaad ku samee-yay isagoo kaashanayay dhalinyaro ay saaxiibo isla yihiin oo xaafadda la degan, kuwaasoo xafladdii arooskii banaday.

Sida warku sheegayo habeennadii xigay ayay sidoo kale gurigii aroosku deganaa ay dhagax tuur iyo arbu-shaad kale ku sameeyeen wiilkaa iyo wiilashii kale ee saaxiibadii ah, iyadoo wiilku uu diiday si kasta oo loo maslaxeeyay xitaa isaga iyo Hooyadiis oo dhaqaale la siiyey kuma uusan qancin, halka warku sheegayo in Hooyadiis ay iyadu dhaqaale maseyr tiri ah oo la siiyey ay ku degtay, balse wiilkii si kasta loo qanci waayay.


Sida warku sheegayo wiilkaas oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Jelyaani ee arooska aabihiis arbushaadda ku sameeyay ayaa mar dambe waxaa u yimid Oday awoowihiis ah oo degan degmada Marka oo ku qanciyey inuu u raaco degmada Marka oo haatan sida la sheegayo loo musaafuriyey.


 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software