“Magaceed?”
ayuu hadana ku boobsiiyay, waxayna ku tiri: ISMAHAAN ayaa la yiraahdaa,
ayuu Axmed la soo booday: “Ma kuu sheeginoo inay iyada tahay,
Maxamuud ayaa ku soo jeestay oo weydiiyay: “Ninyahow Ismahaanta
aad rabto armay ahayn oo Ismahaan-Ruun tahay?, Axmed oo aanu shakiba
ku jirin ayaa ku adkeystay: “War waa iyada toban dhaar baan
ku mari karaa…”.
“Hadda ayaa
fursad fiican heysataa ee inta aad Badw-eyn ku hafan lahayn orodoo
xogheynta weydii in la qabo iyo in kale” ayuu Maxamuud soo jeediyay
laakiin Axmed aya ka caga jiiday isagoo leh: “Adigaa iiga fiican
saaxiibow ee noo weydii intaanan taraarixin”, gabadhii xogheynta
ahayd oo laf ahaanteeda la yaaban arrinta murugsan ee labadan wiil
heysata iyo baaritaanka ay ku jiraan ayaa mar kale Maxamuud oo indha
isku qabqabanaya u soo dhowaad oo ku yiri: “Naga raali ahow
su’aal aan munaasib ahayn ayaan ku weydiinayaaye gabadhan Ismahaan
miyaa la qabaa?” intii aysan u jawaabi ayay qosol xishood ku
jiro ku laran yahay ku tiri: “Maxaad abtigaa u weydiin weyday?”.
Maxamuud oo jawaab
la’ ayaa yiri: “Abaayo waad ogtahay Abti inaan waxaan
oo kale la weydiin karin ee fadlan ii sheeg” markii ay baryo
gaartay ayay tiri: “Haddii aysan wax u qarsooneyn ilaa iminka
wax kuma maqal”, intii uu doonayay markii helay, isagoo sii
socda ayuu “Mahadsanid” sii lahaa, Axmed ayuu u yim-id
oo hoos u foorara, markii uu weydiiyay: Maxaa ku helay ayuu yiri:
Wuxuu wadnuhu ila istaagi gaaray haddii aysan wax u qarsooneyn!!!”.
wuxuuna su’aalo ka keenay sida xaalkeeda hoose loo ogaan karo.
“Sida ay
kuu qaabisho oo ay kuu soo dhoweyso ayaa laga arki doonaa” ayuu
Maxamuud yiri una daba dhigay: “Warqaadan iga qabo waa boono
ay ku qoran tahay 300 shilin wuxuu iigu soo dhiibay walaashii ee orodoo
Xafiiska ay joogto Ismahaan ka soo qaad halkaasina sheekadaada uag
bilow”, Axmed oo isu qaatay inuu horjoogo Ismahaan ayaa dhidid
ka soo daatay oo yiri: “War ma waalan tahay, ma Ismahaan ayaa
sahalkaas ugu tegi karaa iyadoo aan waxba ka horeyn oo hordhac iyo
faallo la’aan ah, haddii aan tago xafiiskase xagee hadalka ka
bilaabayaa, waxaan ka baqayaa inaan isku dardarsamo waayo xitaa ardaynimadeedii
way iga burji adkeyd.
Maxamuud oo ka
biyo diidan dooda saaxiibkii ayaa yiri: “War miyaadan i lahayn
waan ka hurdi waayay, waan ka nasan waayay…Waan…, hadda
orod oo meesha iska qaad dantaadana qabso” Axmed oo aan weli
qanacsaneyn ayaa haddana yiri: “Waa yahahe adiga ciidan iska
dhig oo iigu yeer, waxa aad ku tiraahdaa ma taqaan: Nin dacwad kuu
qaba ayaa albaabka kuu taagan”. Axmed oo qoslaya ayaa xafiiskii
Ismahaan soo abaaray…
Maxamuud markii
uu danihiisii ka dhameystay xafiiska oo sidii uu gabadha u eegayay
indhihii daaleen lacagtiina soo qaatay ayuu su’aal yool baar
ah ku weydiiyay: “Horta walaaley Ismahaan ma adigaa?”,
iyadoo dareen galay ayay ugu jawaabtay: “Haa... ee maxaa dhacay?”,
“Nin dacwad kuu qaba ayaa xafiiska madaxa warshada kuu fadhiya…”
intii aanu dhammeyn ayay ka soo dhex galay: “Oo muxuu rabaa
oo iga tabanayaa iguna sheeganayaa?” ayay isu daba dhigtay.
Maxamuud ayaa
yiri: “maya.. ee waxa uu Warshada u yimid sida uu sheegaayay
adiga awgaa aad iyo aad ayuuna kaaga sheeganayay…” “Qof
aan eed ka galay oo aan xusuusto ma jirto, haddiise ay jiraan waa
la arki doonaa adiguse ma taqaanaa qofka dacwada ii qaba warka badan
iska daaye?” “Haa..a” ayuu Maxamuud ugu jawaabay
“Magaciis?” ayay haddana weydiisay “Axmed Ilyaas”
ayuuna yiri.
“Haddii
uu yahay midka aan aqaanay Axme-Ilyaaska aad sheegeyso isaga ayaaba
eedeysane ah sida uu iiga baxsadana wey adag tahay” Maxamuud
ayaa dareen galay oo yiri: “Goormee eeda kaa galay goormaase
kugu danbeysay, xagee ayay ahayd meesha uu denbiga kaaga galay?”
markii uu su’aalahaas badan is raaciyay ayay qosol yar kadib
ugu jawaabtay: “Horta adigu ma Xeer ilaaliye ayaad tahay sida
aad wax u baareysaan arkaaye mise Qareenkiisaad ahayd ama saaxiibkii
oo xog iga baaraya?”.
Maxamud ayay talo
ku caddaatay oo xaalkiisii l kashif-may wuxuu isku dayay inuu tuhunka
ka saaro: “Khalad ayaad iga fahamtay, waxaan kuu sheegayaa marka
hore Axmed waa saaxiibkey, aniga ayaana kula taliyay inuu ku dacweeyo
mar haddii uu kaa harsan waayay kaana hurdi waayay”, iyadoo
dooneysa inay wax sii ogaato ayay weydiisay: “Oo deriskeyga
maahee sidee buu iiga harsan waayay iigana hurdi waayay?!!!!”,
muuqaalka jirkeeda iyo quruxdeeda ayuu la yaabanaaye wuxuu u qaadan
waayay dood wanaageeda iyoi cod-karnimadeeda, “Maya….
Deris ma tihiin taa anigaaba qiraya”, ayuu yiri markii hadalkii
ka hadakay ayay haddana weydiisay: “Haddaba eeda uu iga tabanayo
maxay tahay halkee ayaan isku aragnay oo aan eeda uga galay?!!
Maxamud ayay talo
ku caddaatay oo xaalkiisii la kashifmay wuxuu isku dayay inuu tuhunka
ka saaro: “Khalad ayaad iga fahamtay, waxaan kuu sheegayaa marka
hore Axmed waa saaxiibkey, aniga ayaana kula taliyay inuu ku dacweeyo
mar haddii uu kaa harsan waayay kaana hurdi waayay”, iyadoo
dooneysa inay wax sii ogaato ayay weydiisay: “Oo deriskeyga
maahee sidee buu iiga harsan waayay iigana hurdi waayay?!!!!”,
muuqaalka jirkeeda iyo quruxdeeda ayuu la yaabanaaye wuxuu u qaadan
waayay dood wanaageeda iyo cod-karnimadeeda, “Maya…. Deris
ma tihiin taa anigaaba qiraya”, ayuu yiri markii hadalkii ka
hadakay ayay haddana weydiisay: “Haddaba eeda uu iga tabanayo
maxay tahay halkee ayaan isku aragnay oo aan eeda uga galay?!!
Maxamuud ugu jawaabay:
“ Ismahaaney Af jooga looma adeego isagii ayaa Warshada maanta
dhinac ka jooga, idinku kala gar baxa, dad fiican ayaadba tihiin haddii
ay gar idin gasho ama idinka baxdo. Ismahaan ayaa tiri: “Ee
wax yar i suga, xisaab xir ayaan ku jiraa waan idin imaanayaaye”.
Maxamuud oo niyada iskala hadlaya: “Wallaahi inaan ku maleyneyin
haddii uu Axmed Cirka soo leefo inuu tan heli karo waxaadba moodaa
tii la yiri: “Ilaa ciribta hoosiyo tinta caaradeeda cad xun
kuma arkeysid, …walee Axmadow hurud ama dhafar howl ayaa kuu
taala” ayaa ku tegay Axmed oo sugi la’ waxa ka soo yeeri
doona gabadhii uu farriinta u dirsaday, markii uu Axmed arkay saaxiibkii
oo isku maqan oo hadal aan koontarool lahayn ka socdo ayuu inta gacanta
kaqabtay ku yiri: “War maxaa dhacay oo Ismahaan kuu soo raaci
weyday ma Teesaraha ciidanka ayay ku weydiisay oo qorshihii baa fashilmay”.
Maxamuud oo su’aasha
Axmed qeybteedii danbe ku soo baraarugay ayaa yiri: “Yaaba intaas
isla gaaray mar Alla markii aan magacaada u sheegay oo aan iri: “Axmed
Ilyaas ayaa xafiiska kuu fadhiya oo dacwad kuu qaba ayay iyadoo careysan
tiri: “Ma inankii xumaaye Jallaatada iibin jiray ayaa dacwad
aniga ii qaba?!!!, muxuu naga rabaa mar haddii shaqadii ka erinay
oo xaqiisii aan siinay, marag iyo marqaati ayay lahayde, hal Shaati
iyo hal Surwaal oo duug ah ayaa Maqsiinka u yaala haddii uu rabo ha
soo doonto dacwad naga dhaxeysaa ma jirtee?”.
Axmed ayaa talo
ku caddaatay oo cirka eegay wax uu sameeyana garan waayay, wuxuu la
yaabay sababta ay isugu soo aadeen wiilkaa xunka ah iyo dantii uu
lahaa oo uu ka qasay.
Markii ay Ismahaan
u soo dhowaatay xafiiskii ayaa gadaal looga yeeray: “Ismahaaney
Telefoon baa kuu yaal” markaas ayay iyadoo socod boobeysa xafiiskeedii
dib u laabatay, Axmed oo xaaladeeda isha ku hayay ayaa isagoon is
ogeyn yiri: “Dib ayay u noqotay”, Maxamuud oo uga sii
daraya ayaa ku yiri: “Ma laha adiga ayay ku aragtay markaasey
wejiga ku siin weyday..”, “Maya,… haddii ay i arki
lahayd wax kasta oo ay kasoo tagtay uma laabateen”, qosol ayuu
uga jawaabay saaxiibkii oo niyada ka xusuustay hadaladiisii ahaa:
“Maryan cid aan aniga ahayn inay la hadasho ama la ciyaarto
ma jecla” markaas ayuu Axmed u jeestay oo yiri: “Iyadaa
imaan doonta oo wixii ay dib ugu noqotay sheegi doonta”.
Gabadhii Warshada
oo ku soo noqotay halkii ay fadhiyeen ayaa u sheegtay inay dib ugu
laabatay madaxa Warshada oo Telefoon u soo diray. “Hadda ayay
soo socotaa” ayayna u sii raacisay, “War Mindiyaha afeyso
way ku soo heysaaye” ayuu Maxamuud ku dhiirigeliyay saaxiibkii,
Axmed oo hadalada saaxiibkii ka careysan ayaa yiri: “Horta adiga
kula hadli maayo agtaadana ma joogayo foorjadaada ayaa badatay inta
aysan imaan ayaanba ka hortegayaa”, “Jab iyo guul wixii
aad kala kulantaba cadowgaada ma ahi ee horumar ayaan kuu rajeynayaa”.
Markii ay intaas
is dhaafsadeen ayaa gabadhii ku baaqda inay soo socoto Ismahaan, Axmedna
maba sugine socod ayuu dhinaceeda u qaaday dhexda ayay ku wada kulmeen,
isagoo aan salaamin ayuu marada faraqeeda ka qabsaday, Ismahaan oo
yaaban ayaa tiri: “Maxaa ku dhacay?.
Waxa uu yiri:
Dacwaan kuu qabaa Ku deyn maayee, adaa I dilee I daawee
Waxay tiri: Daruurta Cishqigaa dusheyda martoo ruuxii darran waan
daweeyaa.
Wuxuu yiri: “Datoor ban ahoo caashaq uu dardaree, xageyga
Waxay tiri: Ditoor Axmedow Danbow ma rabee Miyaad Diblooma leedahay?
Wuxuu yiri: Dafka iyo Heeladaanba daabacay ee bal daawo billadeyda
dahabka ah
Waxay tiri: Dafka iyo iyo Heeladdaan dib kuu dhigay maxay tani daasad
dhaantaa
Wuxuu yiri: Codkaan dejiyaba dab igu noqo ee haddaan diir wadaagno
ii debec.
Waxay tiri: I doontay anaase kaa darran ee Duqii baa I kaa baray
Markii ereyadaas la is dhaafsaday, hadaladeedana uu ka dhandhansaday
ayuu dharkii Dableyda tuurtay,. Wuxuuna toshay dharkii ugu sareeyay
ee sarkaalnimada, markaasuu bilaabay is wareysi...
Sheekadan waxaa
qoray abwaanka weyn ee Somaaliyeed C/lla Nuuradiin Axmed
Filo dhawaan
La soco qeybaha
kale...
Waxaa isku soo
duway Cabdifitaax Cali Aadan
cabdifitaaxcali@hotmail.com
Waagacusub
Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com
