Faarax:-Yaah...maxaad tiri..!!. weliba laba
nin aa...!!. Bal wax iiga taataabo sababta ay sidaas ku
dhacday, adiga oo raalli ah..!!.
Faadumo:- Markaan kuu soo koobo, ninkii hore, waxaan u
dhalay gabadhan hadda ii joogta, waana ina-adeerkay isagu;
laakin sababo xagga dhaqaalaha ah oo aan hadda hoos u sii
galayn ayaan ula soo dhaqmi kari waayay.
Ninkii labaad, waxaan u soo kala tagnay arrin ku lug leh
maseyr uu iiga masayrinayay sabab la'aan; arrintaasna, ma
aan rabo in aan hoos u sii galo, maadaama uu Allah noo soo
kala raayay(kala tagnay).
Faarax:- Waa arrin dhici karta, naago badanna,
iyagoo iska fiican, oo reerkooda dhaqanaya,ayaa haddana la
furi karayaa. Mid, laba iyo ka badan ayaa soo furi kara,
hadday isku wada qanci waayaan, ama ay dhibaato un ka
dhex-dhacdo. Nasiib iyo Calafna waa ay jiraa.
Laakin docda kale, Nin reer Buur-Hakaba ahaa, ayaa lagu
qancin kari waayay in naag fiican la soo furayo, oo wuxuu
dhihi jiray:-"Feylanta baa maay liin furay...?!!".
Faadumo:- Wallaahi arrintaas waa mid dood dheer iyo
falanqeyn u baahan. Waxaana qabaa anigu in uu qaladku
badanaa ka yimaado xagga ragga, laakin haddana loo soo
riixo dhanka Haweenka, laguna cabbo. Laakin ma rabo inaan
hadda dooddaas galo...
Faarax:- Adigu hadda ma ku fekertay in aad nin
3-aad guursato, mase waaba iska soo duuduubtay Raggii oo
dhan...?!!.
Faadumo:- Allahey ka Allah, Ooddey ka-yaasiin,
meeshooda ha iga joogeen. Nin wuxuu yahay waa soo arkay,
igu filan. Marka hore waa ay booteeyaan, marka dambana
dhabtooda iyo dhaqankooda ayaa xaqiiqo ahaan loo ogaadaa...
Faarax:-Warkaas mid lagaa yeelaayo ma aha. Raggoo
dhan ma wada xuma. Waase isku imaan doonnaa, sheekaduna
waa ay noo soconaysaa, haddase waa kaa sii tagayaa ,oo
shanqartii Gaalka(Fabio)ayaan maqlayaa, oo meel ayaan u
wada soconnaa..kulanti dambe...
La soco Qaybta 6-aad
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
Somalia:
Sudan pushes Aweys to support Somalia government
Somalia:Al-Shabaab
Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People
Somalia:
Mortar shell injures 8 women in Mogadishu
Somalia:
Hormuud Telecom accused of listening its customers:
Editorials
Somalia:Al-Qaeda
to distabilize Somaliland
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new