October .27.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka

Galgacaylkii Qarsoonaa( Sheeko xiiso badan)qeybtii-
7aad

 
 


Muniira waxay u qaadatay in Axmed uu ka dacwooday isla markaana loo heysto waxa maanta dhex maray waxay hooyadeed ugu jawaabtay…

"Hooyo maanta aniga iyo isaga ayaa is dagaalnay wuuna I dilay, anigoo doonaya in aan u sheego waxa ay dadka ka aaminsanyhiin isla markaana ay isaga un dan u tahay wax kale ma ogi ka dibna wuu tegay.

Inta aysan hooyo cibaado hadlin ayaa waxaa hadalka qaatay Aabbe Cumar oo ku yiri gabadhiisa ,,haa hadaan gartay waa maxay waxa dantiisa ah ee aad u sheegeysay?

Arrinta waxay u muuqatay mid maxkamad saar ah waxaana hadalka markan isku dhiidhiibaya Aabbe Cumar iyo Muniira iyadoo Muniirana ay aad u naxsantahay…

Muniira oo Aabeheed uga jawaabeysa su,aashii uu weydiiyay ayaa waxay tiri Aabbe waan iskala kaftamayay un anigoo ku iri Axmedow dadka waxay ka sheegaan in aad isla weyntahay ka dibna wuu xanaaqay anna waxaan ku iri ha xanaaqin wax un baan kuu sheegaye.

Markii Muniira hadalka intaa ku soo koobtay iyadoo illowsan in arrinta uu Axmed ku dilay ay ahayd in ay jeclaan lahayd in Fani dumaashideeda ay noqoto, ayaa Aabbe Cumar oo si aad ah ugu caanbaxay sida wax loo baaro hadana yiri…

"Intaa oo keliya maahee muxuu kugu dilay?

"Haa Aabbe markii aan intaa iri wuxuu iyiri dadka islaweynida iga aaminsan waa gabadhi Fani ah sow maaha..

anna waxaan ku iri gabadhaas waxba kaama sheegto ee faraha ka qaad waxaan kaloo Aabbe iri anoo ku kaftamaya waxaan jeclaanlahaa in Fani ay noqoto dumaashidey…

ka dibna waan ogaan waayay goortii uu I dilay,wuuna baxay dabadeed.

ayay Muniira Aabeheed uga jawaabtay su,aashii uu weydiiyay.

Aabbe Cumar ayaa su,aal kale ku celiyay muniira oo yiri :

"Waan gartay,gabadhaas iyo isaga maxaa dhex maray bal ii sheeg?

Aabbe gabadhaas saaxiibteey ah waa gabar aad u wanaagsan welina ma arkin qof ku dabeecad ah aniga oo aan faanineyn, isaga iyo iyadana wax dhex maray ma laha iyadana xushmad weyn bey u heysaa madaama uu kaabba galaaska fasalka yahay waxaana Aabbe aniga dhibsaday in wiilkan Axmed ah uu si aad ah u quursado gabadha fani ah oo xitaa markii ay salaanto wuu ka sii jeestaa,Iyadana waxba uma aragto oo wey isaga dulqaadataa.

marka waxaan un ku iri isla weynida iska daa walaahi Fanina weligeed iima soo qaadin Axmed xumaantiisa iyo wanaagiisa midna anigaana mar walba ka raalli geliya dabeecad xumada uu kula dhaqmo..Muniira ayaa tiri…

Hooyo Cibaado oo markii hore dhegta un kala socotay indhahana ka eegeysay waxa dhex maraya seygeeda iyo gabadheeda Muniira ayaa markaan u hollatay in ay hadasho, balse Aabbe Cumar ayaa ka dhex galay wuxuuna yiri :

"bal sug Cibaado,Muniira waxaan ku weydiiyay wax kale oo aad ogtahay ma jiraan miyaa?

"Maya Aabbe ayay ugu war celisay iyadoo faraheeda ku ciyaareysa.

"Orod iska tag waad mahadsantahay iiina soo sheeg Aabbe waxa uu sameeyo Axmed mar kasta" inta uu Aabbe Cumar gabadhiisa ku yiri ayuu u soo jeestay Cibaado isagoo leh:

"Waatahay bal Cibaadooy weynu ka tashan doonnaa sida aan ka yeeleyno inankan Axmed ah waana u yeeri doonnaa"

Sidaa ayaana halkaasi arrintii loogu hakiyay.

Waxay ahayd subaxnimo Axad ah dhamaan ardayda iskuulka Al _Aqsa waxay dhoobnaayeen daaradda iskuulka waa xilliga bareegga Axmed juqraafi iyo saaxiibkii Keyse waxay fadhiyaan meel gees ah,Waxayna ka wada sheekeysanayeen arrinta Fani.

Hadalka waxaa wata Axmed juqraafi oo gacanta ku heysta galaas biyo ahWuxuuna ku santiicsanyahay derbi u dhowaa.

Isaga iyo saaxiibkiina waxay isku mari waayeen in uu gabadhaas la yeesho xiriir hadii uu waxa sidan ka dhigay ee harsiga iyo hurdadaba u diiday ay iyada tahay,kalgacayl uu u qabo.

Wax la murmaba waxaa halkii soo martay Fani Daahir salaan diirran ayay wiilashii u gudbisay ,Keyse ayaa si deggan uga qaaday Axmedse wuxuu u muuqday ruux maahsan,

Balse fani oo ku taqaannay isla weynida ayaa u qaadatay in quursi ay ka tahay iyadoo aan waxba ka dhigan ayayna isaga dhaqaaqday goobtii.

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software