October .27.2007 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka ah

Gabar magalada Galkacyo jogta mise
jeclatay wiil marekanka  joga ayago iska
bartay Qadka (MSN)(ONLINE) 
 Qaybtii 6aad

 
 


Muddo laba bilood ah bay ku jirtey xaalad u dhaxaysa nolol iyo dhimasho.

Caafimaadkeedii ayaa xumaaday. Waxaa la huwiyey bustaha dhaxanta laga galo.

Aabaheed iyo walaasheed oo Dubai iyo Nayroobi kala joogey xitaa waa loo yeeray si ay gunaanadkeeda goobjoog uga noqdaan.

Saaxiibteed Hodon iyo hooyadeed ayaa daqiiqad kasta dultaagnaa.

Maalin kasta waxaa la geynayey takhtar cusub oo daawooyin hor leh usoo qorayey.

Nasiibdarro, dawooyinkii sida cuntada loogu dirqinayey waxba kama aysan beddelin xaaladdeeda caafimaad.

Waxay ka go’day cuntadii. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuxuu u ekaaday sidii geed dherey oo ay caleemuhu ka daateen.

Midabkeedii ayaa doorsoomay. Waxay u ekaatay sidii qof uu xagaagii Boosaaso dillooday, wax uga miciinana weydey.

Qofkii laba bilood kahor aqoon jirey wuxuu haatan ka shakinayaa in ay iyadii tahay iyo in kale.

Waxay ka samirtay noloshii, waxayna niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato.

Daqiiqad kasta waxaa hor imaanayey gacaliyaheed Shirwac oo ku leh ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’.

Inkastoo sawirradiisii iyo dhambaalladii ay is dhaafsan jireen ay Hooyadeed iyo Hodon ka jeexjeexeen, misana waxaa keydka xusuus-dhawrka maskaxdeeda ku duubnaa eray kasta oo ay is yiraahdeen, waxaa ku keydsanaa sawirradiisii, iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen.

Isagoo qoslaya oo ku leh ‘Idman, waan ku jeclahay’ ayuu mar kasta horteeda kasoo muuqanayey.

Idman hooyadeed iyo saaxiibteed Hodonba waxay Idman ku tijaabiyeen waddo kasta oo ay ku samirsiin karayeen.

Kor iyo hoos bay wax ugu sheegeen. Waxay xusuusiyeen in nolosha adduunyadu tahay mid kooban, qof kastana uu dhimanayo.

Waxay uga sheekeeyeen sheekooyin la mid ah tan iyada ku dhacday.

Waxay kula taliyeen in ay iska illowdo wixii dhacay, nolol cusubna billowdo.

 Nasiibdarro, wax guul ah kama aysan gaarin. Idman weli sideedii bay u tahay maqane-jooge, weli sideedii bay iskula hadleysaa, weli sideedii bay hurdada uga caagan tahay, weli sideedii bay cuntadu ugu dhadhami la’dahay, weli sideedii bay hadalka uga maagan tahay, weli sideedii bay sariirta ugu urursan tahay.

Idman cudurka hayey ma ahayn mid muuqda, wuxuuse ahaa mid ka xanuun badan cudurrada muuqda. Waxay ka jirranayd niyadda.

 Muraayaddii qalbiga ayaa jabtay, firirkeedii ayaa ku faafayey xubnaha jirkeeda iyagoo sii dhex marayey halbowleyaasha iyo xididdada yar yar ee dhiigga qaada.

Nabar aan dawoobeyn ayaa wadnaha kaga yiil.

Dhaawac aan la dhayi karin ayaa gaarey. Waxaa dhumay hankii iyo qabkeedii qofnimo.

Waxay aamintay in daaqadihii mustaqbalkeedu ay soo xirmeen.

Waxay rumaysatay in ay nasiibdaran tahay. Waxay iska dhaadhicisay in aysan weligeed heli doonin qof Shirwac oo kale ah, ama qof Shirwac booskiisii u buuxin kara.

Waxay isku qancisay in fursad kale aysan u harin. Waxay is-moodsiisey in aysan mar kale wax jeclaan karin.

Hooyadeed iyo saaxiibteed Hodon, markey talo iyo waano kala quusteen Idman, waxay is-tuseen bal in ay dhinaca diinta markan xal ka raadiyaan.

Waxay u tageen mid ka mid ah culimada ugu caansan Gaalkacyo, waxayna si faahfaahsan ugaga warrameen saldhigga cudurka Idman asiibay iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay.

Dabadeed, wuxuu wadaadkii u sheegay inuu Qur’aan ku aqrin doono islamarkaana uu u jeedin doono waanooyin kala duwan isagoo isticmaalaya Qur’aanka.

Muddo laba toddobaad ah ayaa Idman Qur’aan lagu aqrinayey.

Waxaa intaas u dheeraa, waanooyin diini ah oo Qur’aanka barbar socdey, kuwaasoo mararka qaarkood Idman kaga ilmaysiinayey.

Ugu dambeyn, Idman waxaa ku beermay baqdin iyo cabsi Eebbe, waxayna go’aansatay intey samir Eebbe kaashato in ay is illowsiiso dhibkii ku dhacay.

Muddo gaaban kaddib, Idman waxay billowday nolosheedii caadiga ahayd.

Inkastoo xusuusteeda aysan marna ka saari karin Shirwac, misana mar kastoo ay soo xusuusataba waxay hoosta ka aqrisan jirtey aayado qur’aan ah oo uu wadaadkii xafidsiiyey.

Muuqaalkeedu si tartiib tartiib ah buu usoo laabanayey. Farxaddeedii dhuntay bay baadigoob u gashay.

Waxay billowday in ay magaalada u baxdo oo ay asaxaabteedii soo booqato.

Si kastabase arrintu ha ahaatee, Idman waxaa gaarey jug weyn.

Waxaa ku dhacay dhaawac aan bogsooneyn.

Waxaa wadnaha kaga yiil nabar aan marna dawoobeyn.

Dhamaaaaaaad..

 WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Email: cmwacays@yahoo.com

 Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software