August . 27.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshad

Jacayl an lagu ogayn dhibadana

 
 
 



Waxa ugu xun aduunka jacaylka an lagu ogayn wa jacaylka ugu dhibta badan wa jacaylka la odhan karo wa  ka ugu  dhibta badan jacaylada

Hadaba maalin  wakhigu yahay barqo ama ila 1100 am waxan imi magalada burco waxan ku arkay inan an is idhi tolaw taani ma daruurba dhereerka ma geriba  wa midabka la yidhaahdo sagalka  oo kale isla marki an arkay ayaan waxan dareemey is bedel ku yimi naftayda waxan is waydiiyay tolaw taani haadi ay gacantaada soo gaasho  waxad ku xasuusan doonta noloshada inta kadhiman meshi an ku arkay  jacaylkan

Inanti wan daba galay wan daba raacay wan la socday waxan  soo ogaday mesha ay gaasho habeenki odhan wan gami wayay wan werwerey waxa lagadhay  subixi waxan ku talagalay inan inantaas wakhti kasta haygu qadate an la hadlo  isla subixi ayaan hawl u yeshay magalada cerigaabo oo an safar shaqo ugu baxay

Mudo ayaan ka maqna magalaadi   ila maalintaas an so noqday ila maalinti an tegey  mar qudha niyadayda  kamay maqnayn inantasi

Wan soo labtay waxan imi  magalaadi waxan   waxa iga yaabiyay inanti an jeclaa oo an doonayay inan kala hadlo arin mustaqbal oo qaad ku ibinaysa magalaadi wan arkay  waxa igu soo dhacday inan is waydiyo inantan tolaw side ayaad ula hadashaa madama anan ahayn nin qaad cuun ah ama belwad leh ila hada inanti lamaan hadlin waxay ahayd arinta iga yaabisay sida aan isula jaan qaadi karno qof dumar ah oo an aad  u jecelahay  & anigoo ah nin aan wax belwad ah lahayn sedan isu fahmi karno waayo  sida caadada ah dadka ka ganac sada qaadka & dadka ama cuuna way adagtahay sida ay xidhidh u yeelaan karaan wilaba kaaga si daraane qof dumar ah oo weliba ibisa siday u fahmi karto nin an cuunin qaadka waayo gabadhaha ibiya qaadku waxay aad u xiiseeyaan raga ka ibsada qaadka   sidaas daraaded way fuududahay  haadi an ahaan laha nin mala beelwed leh  ayaa niyaadayda ku soo dhacday hadana waxan ahay nin aad u neceb belweeda

Maalin maalmaha ka miid ah ayaan waxan la tashaday nin anu sxb nahay oo anu aad iskugu dhaw dhaw nahay xaka fikirka waxanu tagnay Egaal hotel oo ku yaala malaalada burco waxan isla soo qaadnay arimo baadan waxan ka sheekeysanay arimo khuseeya jacaylka waxan uga dhacay jacaylku meesha u ila maraayo hada oo u iga galay inan ibisa qaadka ama jaadka qofba sidu u yaaqaano sxb kay maadama u yahay nin anu isku dhaqan nahay xaga dabeecada  oo anu ahayn  nin  cuuna qaadka oo an wax fakir ah ka haysan dadka ka shaqeeyaa dadka cuuna & dadka xiiseeyaa intaba

Sxb kay waxa u igula taaliyay si kasto oo ay ahaataba inan intaas is barano   fiida oo ay saacadu tahay 7\30 pm ama fiidnimo ayaanu soo adnay meshi inanta ay joogtay oo ay qaadka ku ibinaysay wa wakhti ay janiska ugu fiican haysatay oo ay keeligeed ahayd salaam kaadib inanti waxan u sheegey inan  raabo inan la kulmo

Waxay  I waydiisay inan qaadka cuuni waxan ugu jawabay inanan cuunin isla markaana jecleyn weliba waxay igu jawaabtay  sidey surta gal ku tahay inaynu kulaano madaama anad ahayn in cuuna aniguna an ahay gabadh ka shaqaysa  inanti akhir waxay I qoortay numberkeeda  ila yomi haada inanti waxanu ku xidhiidhna  mobil wax kulan ah ila haada lamaan yelaan sababto ah wax janiis ah imay siin

 

By m c ducale140@hotmail.com
   Somaliland_ burco

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software