Waxay macaamil ka samaysatay dukaanno waaweyn
oo ku oolli jiray Suuqa Xamar-Weyne, siiba kuwii dharka.
Dhar kala nooc-nooc ah oo ay jumlad ku soo qaaddo ayay
iyagoo tafaariiq ah ku wareejin jirtay Xaafadaha si ay wax
uga hesho.
Gacan-saar iyo deynba dharka waa ay ku bixin jirtay
Faadumo, waxaana laga iibsan jiray Dhar isugu
jiray:-Koofiyadaha, Camaamadaha, Gareysyada, Macawisyada,
Garbasaarrada ..iwm. Faa'iido xoog leh kama ay heli jirin
Ganacsigaas, waxayse dhihi jirtay:-"Waan isaga mood-moodayaa,
intii aan fadhin lahaa".
Arrimahaas oo dhan waxaa Faadumo ku xambaarayay
ujeeddooyin ahaa;-inayan asaaggeed gacmaha u hoorsan; inay
madaxeeda dhulka ka qaadato; inay sharaf ku noolaato
illayn shaqadu waa sharafe' iyo inay daboosho baahideeda
iyo baahida gabadheeda Fowzia.
Docda kale, horaa loo yiri:-"Doonaa waa gaaraa"; Faadumo
Gacmaheedaa Alla u maceeyay. Farsamayntii Cunnooyinka oo
ay jeclayd, dadkuna ay xiisaynayeen ayuu Ilaaheyna gacan
ku siiyay..!!. Haweenkii Xaafadda oo dhan ayaa waxay
hal-qabsi ka dhigteen:-"Cunno sidii Faadumaa loo karsadaa
ama waa layska dhaafaa"..!!.
Qaabab kala geddisan oo la -yaab leh ayay Baastada,
Bariiska, Soorta(shuurada), Digirta, Hilibka, Kalluunka
iyo Macmacaannada u farsamayn jirtay Faadumo.
Sidii ay arrintu sidaas isaga ahayd ayay maalintii dambe
Faadumo maqashay Ogaysiis sheegaya:"Tartan loo gelayo
xagga cunno karinta, oo qofkii ku guulaystaa cunno-kariye
u noqonayo qoys Talyaani ah oo maal-qabeen ah".Qoyskan
doonaya Cunno-kariyaha ayaa degganaa Agagaarka Madbacadii
Qaranka ee Muqdisho.
Waxaa tartankii xagga cunno-karinta, farsamaynteeda, kala
agaasinkeeda iyo naafaddeedaba isu soo taagay Tartamayaal
40-neeyo ahaa oo isugu jiray:- Soomaali, Carab, Hindi,
Sawaaxili, Cafar iyo dadyow kale oo jaaliyado ku lahaa
Muqdisho.
Waxaa Imtixaanka qaadayay, dadkana kala xulanayay
Cunno-kariyayaal Talyaani ah oo gaamuray oo laba ahaa iyo
Qoyskii Talyaaniga ahaa ee iyagu doonayay cid u shaqaysa.
Qoyskan ayaa ka koobnaa 'Mr.Fabio iyo Marwadiisa Filipo'.
La soco Qaybta 3-aad...
WQ.Muxyaddiin M.Kaalmoy
-kalmoi@hotmail.com
Somalia:
Sudan pushes Aweys to support Somalia government
Somalia:Al-Shabaab
Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People
Somalia:
Mortar shell injures 8 women in Mogadishu
Somalia:
Hormuud Telecom accused of listening its customers:
Editorials
Somalia:Al-Qaeda
to distabilize Somaliland
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new