july .28.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Dhaqtar Cuddurka Cancer-ka oo ka digay dhalaan-ka yar ee Isticmaala Mopile-lada

 
 



Taqtar caan ah oo ku taqasusay cudurka Cancer-ka oo jooga dalka Mareykanka ayaa ka dgigey in dhalaanka yar yar ay isticmaalaan teleefoonka Gacanta ah (cell phone), waxayna ugu baaqeen waalidiinta inay xadidaan isticmaalka Carruurtooda Mopile-lada sababtoo ah buu leeyahay Jabaqda danabeed ee Mopile-ka waxa uu si ka qoto dheer tan dadka waa wayn u saameynayaa maskaxda ubadka.

Digniinta uu soo jeediyay Dr. Ronald B waxaa daba socday warbixino digniino ah oo dhawaan ay soo jeediyeen quburo Candian ah oo ku baaqay in carruurta ka yar da'ada 10 sano inay isticmaalaan taleefoonka Landline-ka islamarkaasina ay xadidaan isticmaalka badan ee Mopile.

Dr. Ronald B. Herberman oo ah hormuudka machadka loo yaqaano Pittsburgh Cancer Institute iyo quburo kale oo caalami ah ayaa galaiyay website jaamacad leedahay digniino ku wajahan adeegsiga taleefoonada gacanta lagu qaato.

Bishi June ee sanadkan ayay ahayd kolkii xarunta Toronto Public health ay daabacday in waalidiinta ay haboon tahay in waalidiinta ay ka xaddidaan ubadkooda adeegsiga Mopile-lada ayagoo sii xiganayay saraakiil dhinaca caafimaadka.

"Xubnaha koraya ee ilmaha uur jiifka ah iyo dhalaankaba waxay u nugul yihiin inay waxyeeleeyaan Jabqda danabeed ee ka dhasha Mopile-lada, sidaas darted ha u ogolaanina dhalaankiina inay si joogta u istcimaalaan taleefoonada gacanta ilaa xaalada deg deg mooyee " sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha Toronto Public Health.

Dhinaca Laanta caafimaad ka ee Dalka Canada ayaa sheegtay in wali aysan jirin daliilo muujinaya inay jiraan xiriiro ka dhaxeeya mopile-ka iyo cuddurka dilaaga ah ee Cancer-ka.

"ilaa hada ma jiraan tijaabo lagu sameeyay Aadamiga iyo xayawaankaba taasoo muujinaysa in Jabaqda taleefoonada gacanta ay sababaan halis caafimaad sida canser-ka, Qalalka, iyo dhibaato xaga hurdada ah" sidaasi waxaa lagu qorey website ay leedahay hay'ad la yiraahdo Federal Agency.

Taqtar-kan soo jeediyay digniinka ku aadan isticmaalka carruurta da;dooda ay yartahay ayaa ku doodaya in Nudayaashe nool ee Ubad-ka yar ay u nugul yihiin inay waxyeeleeyaan jabaqda uu sii daayo walxaha danabeed ee Mopile-lada, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ubadka yar Unugyada Maskaxdooda ay nuugis badan tahay maadaamaa koriimo ay ku socoto.

Dr. Ronald B. Herberman ayaa aaminsan in diraasada hada uu sameeyay in wali aysan cadeynaynin in ay jirto Qatar weyn oo xaga caafimaad ka ah, balse waxaa ixtimaal ah buu leeyahay in dhibaato caafimaad ay timaado. Ditoor-ka ma uusan soo jeedin in gabi ahaan la joojiyo Mopile-lada hayeeshee waxa uu farta ku fiiqay in la yareeyo waxyaabaha sabab u noqon kara dhibaatada, kuwaasoo uu ku tilmaamay sida in markaad isticmaalayso taleefoonada Mopile-lada inaad ka fogeyso dhegtaada ama inaad adeegsato Text message.

Quburadaan dhinaca caafimaad-ka ayaa ku taliyay inaad la isticmaalin Mopile-lada marka Anteenadu ay daciif tahay, iyo marka uu qof-ka ku socdo xawaare dheer sida kolka uu saran yahay Gaari ama Tareen taaso kordhisa awooda jabaqda danabeed ee Mopile-ka si uu ula qabsado Anteenada is ku bedelaysa meela-yowga kala duwan ee Gaariga ama Tareen-ka marayo.

Si kastaba ha ahaatee, xeel dheerayaasha dhinaca caafimaad-ka ayaa isku raacsan in carruurta yar-yarka ah kaga nugul-yihiin dadka waa wayn waxyeelada taleefoonada Mopile-lada, waxayna ku baaqeen in dhalaanka da'adooda yartahay ay isticmaaleen taleefoonada Landline-ka ah.


W/D: - Saxnuuni
Cairo, Egypt. Email:- xuseensaxnuuni@hotmail.com
Sources: - Canada.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software