july .26.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Condoleezza Rice oo u jeelan wiil u dhashay
boqortooyadda Sacuudiga.

 

 
 


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka Mss Condoleezza Rice ayaa la xaqiijiyay inay kax la tahay jaceylka wiil u adeer u yahay boqor Cabdallaha Sacuudi Carabiya.

Jaraa’idka reer galbeedka iyo dalalka Carabta ayaa shaki geliyay socdaalka Mss Rice ku tagto berrigga dhexe waxayna badankood tibaaxeen inuusan socdaalkeeda quseyn mushkiladda Falastiin iyo Israel balse uu yahay mid ay ku wanaajineyso xiriirka jaceyl ee ay la ildaran tahay.

Rice oo ka mida tiirarka Xisbigga Jamhuuriga ee haya taladda Mareykanka waxaa la soo weriyay inuu wiilka Carbeed guur uu la wadaago ku xiray sharuud siyaasadeed aysan Condoleezza Rice u lahayn awood ay ku maareeyso,waxaana diblomaasiyiin ay saaxiib la tahay laga soo xigtay inay hortaal labo daran mid dooro.




“Wiilka Carbeed ee Condoleezza Rice u jeelan tahay wuu ka soo gudbay biyo ka hoos iyo markii la dhihi jiray waxaa u adeera hogaamiye Carbeed,waa wiil u dhashay boqortooyada Sacuudiga,uuna waalid u yahay boqor Cabdallah,hada waxaa Rice qaar ka mida la taliyeyaasheeda sheegeen inuusan guur ay la wadaagto wiilkaas macquul ka dhigneyn ilaa ay ka xaliso mushkilada Falastiin iyo Israel ama waqtiga Jamhuuriga uu dhamaado oo xilka isaga tagto”ayuu yiri diblomaasi reer galbeeda oo aan kala sheekeeysanay qisada iyo xanta Xoghayaha arrimaha dibadda ee Washington.

Jaraa’idka Carabta qaar waxay qoreen in Rice ay isu diyaarineyso aroos marka ay ka degto xilka Wasiir dibadeedka hasse yeeshee qaar kale oo badan ayaa qoray in Jaceylka kala dhaxeeya wiilka Carbeed uu yahay mid ku xiran inay ka madax banaanaato siyaasadda ama soo afjarta Mushkiladda Berrigga dhexe.

Mss Rice waxay Warbaahinta afka dheer ku xanteen inay wiilka Carbeed tiro ka sedex jeer kula kulantay dalalka Yurub laakiin Condoleezza Rice mar la weydiiyay saaxiibka ay leedahay si kaftana waxay tiri” Ninka aan jeclahay koleeyba kuma shuqul laha aqalka cad ama Mareykanka”

Hadalka Rice wuxuu muujiyay in ninka ay jeceshahay u dhalan reer galbeedka.

Taarikhda Condoleezza Rice waa mid kooban hadana dheer maxaa yeelay dhalashadeedu waa gabadh Madoow.

14 November 1954 Rice waxay ku dhalatay Magaaladda Birmingham ee gobolka Alabama,Wadanka Mareykanka





Condoleezza waxay u soo joogtay xilligii cunsuriyada dadka Madoow looga soo horjeeday ay ka jirtay Mareykanka,waxayna Qoyskooda u guureen Magaalada Dan far ee gobolka Colorado sanadii 1967.

Rice waxay ka baxday Jaamacadda Danfar Waaxda culuunta siyaasadda sidoo kale waxay shahaadada Megastar ka qaadatay Jaamacadda Neuter Dam qeybta kuliyadda culuumta siyaasadda .

Waxay ka qaadatay shahaadada Doctorate kuliyadda xiriirka caalamiga ee Jaamacadda DanFar.

Condelezza Rice waxay ku hadashaa luqadaha English, Fransiiska , Jarmalka, Ruushka iyo Spanish.

Sanadii 2001-2005 waxay ahayd Macalimad culuunta siyaasadda jaamacadda Stanford ee gobolka California ka dhigta.

Rice waxay noqotay la taliyaha amniga gudaha Madaxweyne Bush kadib markii uu xilka iska csilay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka General Colin Bowel wuxuuna markii dambe Madaxweyne Bush u magacaabay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Washington 26 January 2005
 

Waxaa isku daba riday C/salaan Cabdulle Caalsow
Email:cabdisalaan18@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software