Boga Bulshada
26 April 2009 Waagacusub
Media
Asad:Waxaa
la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is
guursaneysaan?
Aniga:taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
Marka aan sidaa lahaa, oo aan diidamada muujinayay igama
ahayn inaan Istar nacay oo aan ka samray, si aksta oo aan
ku heli karo waan sameyn lahaa, haddana waxaan mar walba
ka fekerayay sida ay noqon doonto nolosha saaxiibkey,
waxaan is tusay in maadama ay nolosheeda horey u guul
darreysatay oo aan ku dhowaa xiligaasi inaan wax walba
iska ilaawo, aan tan saaxiibkey dhiso.
Si kastaba diidmadeyda ma noqon, mid aan ku guuleystay,
waayo Asad isagaa diiday in Istar qof aan aniga ahayn uu
guursado, isaga oo eegaya Jaceylka baaxada weyn oo ay ii
heysay iyo sida uu isaga isku samir siin karo, maadaama
uusan wax jaceyl ah u heyn oo ay ahaayeen laba qof oo
waalid un uu isku keenay, waxaana ugu dambeyn uu
saaxiibkey Asad i ogoleysiiyay inaan jaceylkeygii hore dib
u hanto, oo aan la aqal galo, sidaas ayaana isku raacnay.
Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno
Istar, oo wax walba loogu sheego. maalintii ballanta oo
ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran waxaa lagu sameeyay
guriga Istar.
markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay,
ayaa cabitaan kadib waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri "Istarey,
waxaad igaga warantaa Xamza, sida uu noloshaada ku ahaa,
iyo hadaad hesho wax aad dareemi lahayd", intay wejiga
hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri "Asadow, ma
murugadeeda ayaad iska jeceshahay, maxaad qisadaas ii
xusuusineysaa", Asad ayaa isaga oo ka farxinaya yiri
dabadeed, "murugadaada ma jecliyee, maanta farxadaada
ayaan wadaa" "hee, Xamza maad soo aragtay" ayay lasoo
booday, markaasuu inta qosol la dhacay yiri "haa waan
arkaa Xamza, adna wada aragtaa", 'maxaad ka wadaa" ayay
haddana tiri, markaasuu inta warka shaaca ka qaaday ku
yiri "Istar, Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga oo dib
kuugu soo noqday".
intaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u
iraahdo erayo ay igu garaneysay, misna codkeyga aan u
fahamsiiyo anoo dhahahaya "haye quruxleyda, Xamza waa
aniga, waana kuusoo laabtay".
markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay
qaaligeedii, kadibna intay fadhiga si deg deg ah uga soo
kacday ayay isku key duubtay.
qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu
duubneyd, ayada oo ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda
kasoo baxayayna ay ahaayeen, "Maxaad igaga fogaatay,
xabiibi", anan waxaan lahaa "wax walba way qornaayeen
inaan isku soo laabanana way qorneyd".
Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex
martay sheeko aad u dheer, oo aan isaga warameynay wixii
dhacay, wax walba waan ka raali geliyay, waxaana
saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale ugu
bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo
jaceylkii kala irdhoobay uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi
wuxuu noqday mid farxad ku beeray qalbiga Istar oo ay aad
ugu riyaaqday.
Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee
qasabka ahaa oo cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday,
markii isaga uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Jarmalka
oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la arag.
waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii
farxadda Istar iyo aniga. Istar wax ay mar walba igu soo
cel celineysay, hal weer oo ahayd "Gacaliye mar dambe ha
iga fogaan", anna waxaan lahaa "taas waa ballan ee niyadda
kheyr u sheeg".
Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar
ay tahay casir gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga
iyo Asad, waxaanse aad ula yaabay oo aan ka naxay, mar
alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay, ayaan waxaan la
kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana kasoo
degay saddex nin. si fiican ayaan u eegay, waxaana ka
aqoonsaday dhaqtarkii Istar daweeyay. waxay igu noqotay
arrin lama filaan ah, markii aan gartay ayaan wejige
dhinac kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna sadexdii
ninba guriga Istar ayay galeen, ani iyo Asadna waan iska
soo tagnay, waxaan is weydiiyay wax dhaqtarka soo celiyay,
marbay igu noqotay wax u eg dhalanteed, oo aan is iri waa
indhahaaga, haddana waan xaqiijiyay in indhaheyga aysan
been ii sheegeynin, aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga
iyo Asad iska soo tagnay................
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed
Yare"
alaxmed@hotmail.com
Somalia:
Sudan pushes Aweys to support Somalia government
Somalia:Al-Shabaab
Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People
Somalia:
Mortar shell injures 8 women in Mogadishu
Somalia:
Hormuud Telecom accused of listening its customers:
Editorials
Somalia:Al-Qaeda
to distabilize Somaliland
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new