Dicember .25.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

Galgacalkii qorsoonaa (Sheeko xiiso badan)qeybtii 16aad

 
 


aduunyada ayaa iska ah mid sida garaangarta oo kale u wareegata..waa tii uu hore fanaan u yiri,aduunyada wareeriyo,walwal iyo dhibaatiyo,alla waayo badanaa.!

Runtii Axmed juqraafi waxaa ku soo kordhay iyo sida uu jacaylka la yaabka leh ee uu u qaaday fani uu heeryada u saaray waxay ahaayeen tusaalooyinkii uu axmed geliyay bogga xusuusta qalbigiisa, ..ma ahayn Axmed mid jiljilcan isla markaana gabdhaha uu waqtiga ku lumiyo umuujiya mar qura xitaa jacayl.

balse waxa ku soo kordhay, inkasta oo uu cadaadis badan kala kulamay naftiisa in uu ka reebo hamiga ka galay fani daahir hadana wuu garwaaqsaday in daawadiisa ay tahay keliya in uu u bandhigto jacaylkiisa , si ay wax ula qabato ayna u noqdaan lamaane jacayl wadaag ah. 

sidii uu saaxiibkii kula taliyayba, Axmed juqraafi wuxuu go,aansaday in si kasta ha ku qaadatee ay lagama maarmaan tahay in fani uu fursad ku raadiyo si uu ula socodsiiyo waxa maankiisa maalmahan mashquuliyay....wuxuuse dhinacyo badan ka eegay qaabkii uu ku heli lahaa iyo sida uu ugu bandhigan lahaa ..fakrado badan oo ay maskaxdiisu u soo gudbisay .

Axmed wuxuu ka qaatay tii ugu wanaagsaneyd taasoo ahayd in uu ka codasdo in maalin iskuulku fasax yahay sida khamiista iyo jimcaha ay ugu timaado guriga ..wax kale oo taa dhaanta ma laha ayuuna Axmed juqraafi isku qanciyay...

goor ay tahay subax arbaco ah oo ardaydu ay iskuulka u dareerayaan ayuu Axmed juqraafi oo subaxaas soo yara dhaqsaday uu si lama filaan ah wadada kula kulmay Fani Daahir oo u degdegeysa iskuulka .

Axmed wuu soo socod boobsiiyay illaa uu ka soo gaaro wuxuuna hadal ku bilaabay...haye abaayo Fani ii warran?

“fiican aboowe...”ayay si xishood ku laranyahay ugu jawaabtay..

Axmed oo hadalka is daba dhigaya maadaama iskuulkii loo soo dhowaaday ayaa yiri..

“abaayo adoo raalli ah waxaan kaa codsanayaa in berrito galab aad guriga iigu timaado si aan kuugu sheego arrin aan in muddo ah kaa qarinayay..”

fani daahir xishood dartiis iyo iyadoo aan jawaab badan celin karin ayay dantu ku qasabtay in ay ogolaato codsiga Axmed. 

Axmed farxad ayaa hareysay waxayna la ahayd sida in loogu bishaareeyay jannada...waxay isla soo socdaanba fani iyo Axmed iskuulkii ayaa la soo gaaray halkaasoo fasalkii lagu leexday...

Axmed saaxiibkii keyse oo ay mar kasta isku kursi fadhiisan jireen ayaa boos usii qabtay halkaas oo uu fadhiistay markii uu yimid..

Axmed wejigiisa waxaa ka muuqday farxad xad dhaaf ah wuxuuna saaxiibkii keyse ugu bishaareeyay in ay fani ka ogolaatay in guriga ay ugu tagto......keysana aad buu usoo dhoweeyay isagoo ku adkeeyay saaxiibkii in uu ka faa,iideysto fursadaas qaaliga ah illaa ay ka ogolaatana uusan iska fasixin isla markaana uu adeegsado hadallo soo jiidasho leh... 

fani iyadu aad bey u walwalsaneyd markii ay kursigeeda ku fadhiisatayna waxay dib u gocatay balantii ay ka qaaday Axmed juqraafi .iydoo ka qoomameyneysa sida dhaqsiyaha badan ee ay ku ogolaatay in Axmed ay gurigiisa ugu tagto waxay isweydiineysay ujeedada ka dambeysa codsiga Axmed ...”alla wixii aan muniiro ka wada hadalnay ayuun buu koley iigu yeerayaa maxaanse dhahaa..aniga ayayna iskula catowday .”.

.si kastaba ha ahaatee fani waxay umuuqatay mid aan marnaba laga badali karin go,aankeeda sidaa ayay qalinka ku duugtay..

dhanka kale muniiro markii ay ogaatay in xilka uu ka wareegay isla markaana Axmed qudhiisa uu fani ka dhameysanayo danta uu ka leeyahay ayay bilowday qorshe ah sidii ay mar kale u kasban lahayd jacaylkeedii hore...

waxay dareentay in ay si aad ah ugu baahantahay kaafi isla markaana sidii ay u kala hareenba niyadeedu ay diiday qof kale...

waxay ogeyd in uu suuqa bakaaraha ku iibiyo dukaan ka dib markii uu darteed uga baxay iskuulkii ay isla dhigan jireen...

waxay muniiro bilowday in ay ka baaraan degto sidii ay howshaasi ku bilaabi lahayd ..

waxay talo rogrogtaba waxay goor dambe go,aansatay in ay warqad u qorto kaafi si ay uga dhaadhciso  sida ay wax u dhaceen isla markaana ay ugu dhiibto gabar ay kaafi ilma adeer yihiin oo ay deris ahaayeen...

muniiro goor galab ah ayay qolkeeda hoosta ka soo xiratay waxayna ku dhiirratay qorista warqad ay u direyso wiilkii kaafi ahaa ee ay xaq darrada jacayl ka gashay...

waxayna muniiro ku bilowday warqadeeda...

“waa warqad ka socota qof aad dunida ugu necebtahay, sida ay ila tahay...waa Muniiro Cumar Aadan, waana warqad ku socota qof dunida aan ugu jeclahay ...waa Kaafi Cabdi Axmed.

marka hore salaan ka soo go,day sambabada neeftiyo,saableydiyo feeraha,iyo sidayaasha unugyada iga gudoon.

aboowe kaafi waan ka xishoonayaa in aan ku weydiiyo sida ay xaaladaadu tahay..anigase teyda hadaan kaaga warramo waa  bariga dhexe.

aboowe macaane waa laga yaabaa in aad isweydiiso sababta igu kaliftay in aan warqadan kuu soo qoro anigoo og nabsiga aan kaa galay...waan ogahay in aan ku deyriyay xilligii aad ii baahneyd ee ay ilmadu kaa qubaneysay..waan la socdaa in aan ahaa qof kaaga baxday ballan adag ,

aboowe kaafi ma moogi in aan ahaa qofta aad dunida ugu jecleyd..wax walba waan ogahay aboowe macaane,maantana waxaa isoo weeraray jacaylkii  aan kuugu cidleeyay oo intuu kaa wareegay soo degay korkeyga misna igu qasbay in aan si deg deg ah kaalmo kuu weydiisto..

aboowe macaane..marnaba ha noqon ruux inta gacanta loo soo taagtay wax un ku ridi waayay..gacaliye kaafi ha ila yaabin waxaan ahay naf runtii dunida adiga kuugu jecel lagamana yaabo in aan qof kale nolosha la wadaago xitaa hadadad baryadeyda tixgelin weyso,in aan ifka sidaan ku joogo illaa aan cimrigeyga ka dhameysanayo mooyee marna iguma ogid kaafi qofaan adiga ahayn, macaane,horayna uma baran hadana diyaar uma ihi in aan barto..

sidii uu xiriirkeena u  soo afjarmayba inkasta oo uusan xageyga ka soo afjarmin oo illaa maalinkaas uu kalgacaylkaad igu abuurtay maskaxdeyda uu ku baaqi ahaa hadana weli lama aanan hadlin wiil iska daa in aan jacayl la wadaagee....

aboowe kaafi hadana waxaan kuu sheegayaa in wax walba ay leeyihiin wax u sabab ah..adiga laga yaabee in aad isweydiisay sida ay ku dhacday in inaga oo habeen aan ku ballanay hotel saxafi...oo aan dooneynay in arrimaheenna halka ay marayaan iyo xiisaha jacayl ee aan isku qabno aan ku kala boganno aan kaa dalbado in aan kala harno oo xiriirkeenna halkaas ku ekeyno..ma is tiri weligaa aboowe macaane..muniiro ayaa hadalladaas kuula imaan doonta oo weligaa maka filatay nafteyda in ay ku dhihi doonto ereyo ku muraara dillaaciya..

macaane sidii aad ugu hamin jirtay in aan nolol wadaagno ayaan anigana ugu taamaa weliba waxaan rajeynayaa hadii aad icafiso in aan labadeenaba wadaagi doonno kalgacayl dhab ah oo kii hore xitaa  ka weyn....

waxaanse kuu sheegayaa in aan kala harno in aanan aniga sabab u ahayn ee uu walaalkeey axmed juqraafi uu igu amray in aan kaa haro ka dib markii uu ogaaday in aan isla soconno  aniga iyo adiga..aboowe macaane waadna ogeyd wixii idinka dhexeeyay adiga iyo walaalkeey sidaa baana kaaga haray ..

inkasta oo aanan hore kuugu sheegin aniga oo idiin kala qarinayay labadiinna....aboowe macaane ii garow ...waan ku baryayaa maanta ma heysto maciin..nafteyda wey ku jeceshahay ee ha noqon wadkeyga ee noqo nolosheyda...ii soo celi rajadeyda macaane..waan ogahay in aan qalad kaa galay ..ma qaldame waa ilaah...ee waan kaaga soo laabtay adna ha igu dayan..”.
 

Faadumo macalin abuukar (faadumo Ruush)
faadumoruush@hotmail.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software