October .25.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow – 4-aad
 

 
 



”Fikirkaba Ha Daayee, Aabahaana Fahansii,Halka Faraska Lagu Wado,Haka Furo Shakaalkee”


“Miraha geed sare ku yaal,mar baad u mililicdaa,dadkana waad uga mid tee,waxaan ku mataalaya,nin maqanoo meel fog jira,anseen meher kaaga tegin,miyaa malab loo tufaa”

Jaceyl lama Moosi karo, Sagaal habeen kadib ayey Nimco xariggii ka fakatay lana hadashay Nasrudiin,waxayna uga sheekeeysay waxa dhacay iyo dhibka ay kala kulantay waalidkeed.

“Hoheey hagardaamo iyo maxaan hiirtaanyo ooyay” Nasrudiin hadalkaas aad ayuu uga Naxay markuu eegay dhibkii uu galay mudadii ay kala maqnayeen, waxaana mar kale qalbigiisa ka guuxay,isagoo ay ilmo ka qubaneyso  Faadumooy jaceeylkani, Waa fiid baxayoo, Ku fidaayo feeraha,sida ruux la falay baan,
Fiidkii habeen nimo kaligeey faqaayaa,  Waa kan iga fogaadee, waa fiyoow bideeydee  Kama foga agtaaddee, waa naggoo Firaash iyo, Farxad aan Wadaagnoo, faysal ii xanbaartoo
Faarax Daadiheeysaa.

Caashaqa Fan Weeyyee faa,idadiisana,cidi yaaney faragalin,
Fikirkaba Hadaayee aabbahaana Fahansii,  Halka faraska lagu wado, haka furo shakaalkee.
 

”Erayaddii Allaha u naxariistee Ustaad Abdalla Nuuradiin uu ka curiyay Qisadiisii ilmada Jaceyl ee uu ugu magac daray ANIGA IYO JACEYL ayaan aniguna la ehel ahay ee abaayo cidda u sheeg,hana ka qarin,inshaa allaah anigana waan la hadlayaa,mana filayo inay curaar naga gelinayaan himiladeena,waana ku hanweynahay” ayuu ku laab qaboojiyay Nasrudiin gacalisidiisa caashaqeeda loo geliyay xabsi guriga.

La soco qeybta 5-aad ee taxanaha Dikaan Jaceyl

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software