January .25.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

 
GUURKA TOOSKA AH:-Godobreeb,Ku qaadasho= 
Sow godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha.

 

 
 


 
 
5.     BOGSIIN
 
a)      GODOBREEB
 
Meel xinjiri taal xabna ha yaal. Meel xinjiri taal xarrago ma taal. Marka laba beelood colaad xumi dhexmarto waxay isa siin jireen hablo ay kala guursadaan si colaadda loo damiyo oo xal waara loo helo wixii hore u dhacayna la isaga bogsiiyo. 

Waxay odhan jireen meeshii xinjiri ku bururto xab baa lagu bururiyaa. 

Guurka noocan ah waxa ujeedadiisu ahayd in halkaa colaaddu ku dhammaato oo aan wax dambe la isku raacin maadaama colaadda soomaalida ay ka dhalan jirtay godob aan dhammaad lahayn oo kolba hurisa colaado hor leh.

Soomaalidu maahmaahyo badan bay arrintan godobta ka lahayd. 

Waxa ka mid ahaa wax toban geed kaa kiciya godob sokeeyaa jirta. 

Sow godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha, sow nabadi sahaydaada ood sidato uun maaha.
 
a)      KU QAADASHO
 
 Haddii ay dhacdo in fara xumayni timaaddo inkastoo dhaqanka noocan ahi ku yaraa bulshadii soomaalida ee raacatada ahayd haddana si xal loo helo ninkii inanta faraxumeeyey waxa loo dhisi jiray inantii uu faraxumeeyey oo wuu ku qaadan jiray wixii ku yimaad. Ku qaadashadu maaha uun kufsi sida immika loo yaqaan haddaadse wax gaadhsiiso jidhka inanta oo quruxdeeda wax u dhinto waa inaad ku qaadataa. Waxa arrintan soomaalidu kaga maahmaahmaahday quruxdeeda wax u dhime qadaadkuu u ritaa.
 
Guurka noocan ah waxa loo yiqiin bogsiin oo waxa lagu kala bogsiin jiray reerkii inanta la xumeeyey ka dhalatay iyo reerkii inanku ka dhashay.

Arrintani waxay faa’iido lahayd in la yareeyo ku dhiirrashada falalka waxyeellada iyo ku xadgudubka dumarka ee ragga maadaama ninku sii garanayo hadduu waxyeello u geysto in loo dhisi doono inanta uu dhibaateeyey. 

Foojignaan iyo taxadar bay u ahayd iyo dhowrsanaan. 

Sidoo kale waxa lagu baajin jiray colaad ka dhex dhalata labada reer maadaama dumarku ka mid ahaayeen waxyaabihii hurin jiray colaadda soomalida, iyadoo weliba colaada dumarka ka dhalataa ay ahaan jirtay mid baahda oo daminteedu adkaato.
 
Dhamaad taxanaha guurka tooskaa ee sirta guurka
Waxaa Qoray Qoraa sare
Hassan Madar
Hargeysa-Somaliland



Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software