Dicember .22.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

AROOSTAYE AMAANA ALLAH

 
 


waxay aheyd maalinimo jimco ah waxaana hortaagnaa  al-baabka guriga habaryarteey, saacaduna waxaya  abaareysay 11:00 subaxnimo jawiga waxa uu ahaa mid qabow, waayo waxaa da'ayay roob xiif xiif ah,  runtii  subaxaa aad bay u sareysay shucuurteeda farxadeeda.

waxaa I saacidiyay jawiga guud ahaan, saxansaxada roobka iyo dooga cagaaran ee xiligaa ka muuqday dhulka waxay ahaayeen kuwa ay nafteydu ku diirsatay, aniga oo farxadaa iyo reereyntaa dhex maquuraya, ayay mar qura indhaheyga waxay qabtaan muuqaalka gabar aan iyada oo  kale dhaaya saarin intii aan ku noolaa dunida korkeeda, dhab ahaantii  markii hore waxay ila aheyd wax dhalanteed oo kale ah marna waxaan u qaatay inaan ku jiro riyo maalmeed,

in muda ah ayaan ku mashquulsanaa daawashada waaxyaha jirkeeda, ugu dambeyn waxaan garowsaday inay gabadhu tahay qof kheyro  caadi ah oo dareemaheyga oo idil ay  u wada qushuuceen, waligeey ma aanan fileyn  inaan aduunyada  kula kulmi doono gabar ceenkaan oo kale ah waxaana oran karaa aragtidii aan arkaba  waxaa igu beermay jaceyl aan qiyaasi Karin inta baaxadiisa  la egtahay, akhristow gabadhan.

waa gabadhii  iigu horeysay  ee aan ebad si dhab ah u jeclaado inkastoo ay jirtay in aan saaxiibo la noqday ayada horteed  gabdho  fara badan laakiin gabadhan ayaa noqotay gabadha kaliya ee aan  jaceyl run ah u qaado, markii ay horteeda soo gaartay ayaan waxaan goostay, inaan la qabsado  kadibna u sheegto dhibka I hayo markii aan la sinmay, ayaan cod qabow ku iri  "abaayo waan ku salaamay" .......la soco qeybta dambe

 

By. Axmednuur Cabdulaahi Cali

axmednuur2@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software