Faadumo waxay hore u soo kala
tageen, laba nin. Mid ina-adeerkeed ayuu ahaa, waxaana
lagu magacaabi jiray Furdug. Kaas oo ay u soo dhashay
Gabadhan la yiraahdo Fowzia. Waxay u soo kala tageen
sababo la xiriiray xagga dhaqaalaha iyo fataalnimo ka
imanaysay ninkaas darteed.
Furdug wuxuu ahaa nin wixii lacago ah ee gacantiisa ku soo
dhaca, suuqa la sii gala, isaga un isku kooba, kuna
tamashleeya xilli ay reerkiisu u baahan yihiin. Hore waxaa
loo yiri:-"Rag waxaa u liita ma-tashade, ma-toshe iyo ma-tashiishe".
Ninka labaad ee hore u soo furay Faadumo, waxaa lagu
magacaabi jiray Fanax. Muddo kooban oo keliya ayay is-qabeen.
Waxay u soo kala tageen sabab la xiriirtay Maseyr; waayo
wuxuu ninku ahaa nooca daba-gala hadba naagtii meel
socotaba. Gurigii ay Garoob ama naag laga dhintay joogtaba
qosolkiisaa ka yeerayay. Waxaa lagu xaman jiray 'waa naago
la ciyaar'...!!.
Labadaas nin markii ay Faadumo isaga kala dambeeyeen, oo
ay aragtay hab-dhaqankooda, ayay ka rajo-beeshay Nin oo
dhan. Waxay go'aansatay in intii suuragal ah, inay is-adkeyso
oo ayan ninba u dhowaan oo guursan. Inay gabadheeda Fowzia
iska korsato ayay go'aan ku gaartay.
Faadumo ma ahayn qof aqoon leh, oo dugsiyada wax lagu
barto soo dhigatay.Hase yeeshee waxay ahayd qof uu Ilaahey
ugu yaboohay Garaad sare iyo Caqli badan, marka la
barbar-dhigo Haweenkii ay isku deegaanka ,da'da iyo
xilligaba ahaayeen.
Si ay nolosheeda iyo nolosha gabadheedaba u dabbarato
waxay Faadumo bilowday dhaqdhaqaaq xagga Ganacsiga ah iyo
shaqooyin kale oo xoogsi ahaa. Mar waxay ku shaqaysay
adeegtanimo iyo inay guryaha dadka ladan ka jaariyadeyso.
Halkaas lacagta Mushaarka ah mooyaane waxay kaloo ka heli
jirtay dhacdhacyo xagga Raashinka ah.
Waxaa cajiib ahaa, oo derisyadii Faadumana aad u soo
jiidan jiray habkii farsamada cunnooyinka ee Faadumo.
Cunnooyin haraa ahaa oo ay ka keeni jirtay Reerihii ay u
shaqaynaysay ayay inta ay dib u farsameyso oo
naashnaashiso, haddana wax ka siin jirtay derisyadeeda.
Kuwaas oo aad uga heli jiray cunnadaas, una ducayn jiray
Faadumo.
Faadumo gabadheedii yarayd ee Fowzia, oo dugsi-quraan
dhiganaysay, ayay haddana ku sii dartay dugsiga
waxbarashada ee caadiga ah. Waxay hooyadu aad ugu dadaali
jirtay Waxbarashada gabadheeda, si ay mustaqbalka iyadana
isu anfacdo, waalidkeedna wax u tarto.
La soco qaybta 2-aad...
WD/Muxyadiin M.Kaalmoy
Somalia:
Sudan pushes Aweys to support Somalia government
Somalia:Al-Shabaab
Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People
Somalia:
Mortar shell injures 8 women in Mogadishu
Somalia:
Hormuud Telecom accused of listening its customers:
Editorials
Somalia:Al-Qaeda
to distabilize Somaliland
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new