june .23.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Dib Qalooc Baajiyay Furiin!!!
 

 
 


waxaa magaalada Garissa xarunta gobolka W\Bari Kenya ka dhacday dhacdo la yaab leh oo aad uga yaabisay dadka magaalada ka dib markii nin iyo xaaskiisa oo uu soo kala dhex galay muran xooggan oo qarka u saarnaa furiin uu baajiyay Dib Qalooc.
 
haweeneyda iyo seygeeda ayaa waxaa ka dhaxeeyay colaad xitaa reerahooda gaartay ugu dambeyna lagu heshiiyay inuu ninku gabadha furo.
 
subax subxaha ka mid ah ayaa labadan qof ee is qabay uu dhex maray dagaal, ninka ayaa u gacan qaaday xaaskiisa xilli ay xaaqeysay daaradda guriga.
 
iyadoo dooneysa inay ku dhufato waxyaabaha gacan qabsiga ah ee agagaarkeeda ka dhowaa ayay gacanta la gashay baaldi qashinka lagu shubi jiray ka dibna waxaa ka qaniinay dib Qalooc aad u weyn.
 
haweeneydii oo aad u xanuunsatay gurigana ay xiligaas keligood ku sugnaayeen ayaa ku qeylisay: " alla aboowe waan ku baryayaa farta iga xir"
 
seygeeda oo ay xoogaa naxariis gashay ayaa fartii ka xiray kana miiray suntii dib qalooca, halkaasna waxaa ku soo afjarmay colaadii dhex taallay labadooda oo xiligaasba furiin ku dhoweyd.
 
labadan ruux reerkooda iyo dadka xaafadda ayaa aad ula yaabay, hore ayaa loo yiri ( nin iyo xaaskiisa heshiisna maaha colna maaha).
 
ninkan oo aad arrinta baajisay furiinka ugu farxay ayaa sheegay in dib qalooca uu ahaa wax kheyr leh.
 

Faadumo Macalin Abuukar(faadumo ruush)
Email:fadumoruush@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software