23.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
Cudur kashifaad u noqday Naago la isla qabay oo lakala qarinayay iyo dagaal ka dhex dhacay Isbitaal gudihiis.


 
 


Nin qabay Labo Xaas oo uu kala qarinayay ayaa waxaa kashif ku noqday cudurka Shuban biyoodka oo labo carruur ah oo ay labada Xaas u kala dheceen uu shuban biyood ku dhacay kadibna mid waliba ay geysay Isbitaalka Benaadir ee magaalada Muqdisho.

Ninka oo la joogay Xaaskiisa Min-weynta ee uu ugu horreyn canugeeda shuban-biyoodku ku soo dhacay ayaa waxaa Isbitaalkii iska soo xaadirisay haweeneydiisii kale oo iyana wadda ilmaheeda mid ka mid ah oo shuban uu ku soo dhacay, halkaasoo ay ka dhacday fadeexad fashilaad ah.

Sida wariyaheena Ismaaciil Cumar Madoobe uu soo sheegayo haweeneydii Min-weynta oo iyadu arrintaas si weyn uga gilgilatay ayaa weerar ku qaadday haweeneydii kale ee lala qabay oo gudaha Isbitaalka ay kula dagaashay, iyadoo u geysatay dhaawac, waxaana la sheegay inay iyana xireen ciidamada ilaalada ka ah Isbitaalka.

Ninka oo markii arrintaas loo sheegay dalbaday in xaaskiisa la soo daayo ayaa mar uu isku dayay inuu maslexeeyo ay ku gacan seyrtay, iyadoo soo istaagtay labo mid uun in iyada la furo iyo in midda kale la furo, wuxuuna ninkii go'aansaday inuu iyadii furo.

Dhanka kale dhawaan ayaa markii laga barakacay Muqdisho waxaa sidoo kale ku kashifmay xaasas la isla qabay oo sida la sheegay hal goob iskula qaxay, iyadoo markii arrintaasna ay buuq dhalisay, halka qoysas kalena ay ku keentay in ay kala tagaan oo furiin halkii uu ka dhashay.


 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software