23.May.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada
Haweeney guur oo dhan loo diiday oo dacwooneysa.


 
 


Haweeney ganacsato ah oo dhawaan nin qabay uu ka geeriyooday ayaa mar ay damacday inay nin kale oo ay xulatay guursato ayaa waxaa u diiday wiil ay iyadu dhashay oo ku yiri Hooyo hadda kadib wof weyn ayaad noqotay, ubadna Alle waa ku siiyey ee iska shaqeyso, iskana cibaadayso hadda wixii ka dambeeyana iska dhaaf nin iyo afaarihiis.

Haweeneydaas oo nin uu u diyaarsanaa uu wiilkeeda ka carqaladeeyay, kadib markii ninkii uu ugu hanjabay in uu dilayo haddii hooyadiis soo haweysto ayaa waxay Hooyadii wiilkii uga dacwootay adeeradiis, balse wiilkii wuu diiday inuu mowqifkiisa ka soo dabco.

Waxaa la sheegay in haatan wiilka dibadda loo dhoofinayo maadaama Hooyadiis ay u kulushahay guurka isagana uu ka soo horjeedo inay guursato, waxaana la sheegayaa in wiilku diidan yahay dhoofka balse lagu tashkiilinayo uuna qarka u saran yahay inuu ogolaado, iyadoo Hooyaduna ku qasban tahay in ilaa wiilka laga dhoofinayo ay ku nin la'aato.


 

 

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software