Dicember .22.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

Galgacalkii Qorsoonaa (Sheeko Xiiso badan)qeybtii 15aad
 
 


Gabadhii fani ahayd iyada intii ay jidka sii mareysay waxaa hadba sidii cajal oo kale ay maskaxdeeda usoo celcelineysay sheekadii dhex martay iyada iyo muniiro..

mar  waxay la ahayd riyo ..hadana waxaa jahawareer ku riday waxa keenay in axmed iyada jeclaado iyadoo xog ogaal u ahayd in axmed uu xiriir la lahaa gabdho badan.si aad ah bey fani daahir isugu mashquulsaneyd intii ay wadada socotay.

waxay sii hadaaftaba goor dambe oo maqribkii uu soo dhowyahay ayay gurigii tagtay..waxayna hooyadeed oo ay guriga kula kulantay ka dhaadhicisay in ay ku maqneyd guriga saaxiibteed muniira oo ay casharro la soo aqrisaneysay..hooyo seynab oo gabadheeda aan been uga baran ayaa ka aqbashay..

ka dibna waxay la sii waday sheekadii oo ku tiri..hooyo fani waxaan ku weydiinayaa..

gabadhaas saaxiibtaa ah qof u shaqeeya ma rabaan aniga waxaanba rabay inaan isaga tago islaantaan maskaxda ayay iga cuntay mar kastana qeylo ayay igu heysaa marka ma soo ogaan kartaa..

Fani markii intaa ay hooyadeed ku tiri aad bey ula amakaagtay..waxayna la soo booday maya ..maya hooyo meeshaada ayaa kuu fiican aniga dad iskool aan isla dhiganno ma rabo hooyo in gurigooda aad ka shaqeyso..marka iska daa..

Hooyo seynab oo dhoolla cadeyneysa ayaa tiri..hooyo shaqada ceeb ma aha hadaad adiga taas ceebsatayna waan iska daayay..ka dibna fani qolkeedii ayay iska gashay waxayna bilowday in ay casharradeeda iska aqrisato iyadoo diideysa in xusuus mashquulisa ay ugasho wixii maanta dhacay..

waa yaab dunida wax kastana ka filo hadiiba axmed juqraafi ijecelyahay aniga, ayay iskula hadashay iyadoo ku foorarta buugaagteeda oo feynuus dhamaad ahna ay horteeda taallo..

Xilli dadku ay ka soo dareereen salaadda maqrib ayaa axmed juqraafi oo isku diyaarinaya aadista guriga saaxiibkii keyse ayaa waxaaba dig soo yiri keyse nafahaantiisa oo xiiso u qabay oganshaha jawaabta ay fani ka bixisay arrinta ay ku heshiiyeen isaga iyo saaxiibkii juqraafi..markiiba keyse si wanagsan ayaa loo soo dhoweeyay ..waxayna labadii wiil iska galeen gudaha…halkaasoo ay sheeko uga bilaabantay …

Keyse oo ay ka muuqato sida uu ugu hamuun qabo in uu ogaado sida ay maanta wax u dhaceen ayaa saaxiibkii axmed juqraafi kula kaftamay…saaxiib waxaan u maleynayaa in caawa aad yeelatay lamaane qiimo badan…

Axmed inta dhoolla cadeeyay ayuu saaxiibkii ugu warceliyay ..saaxiib weli waa rajo maantana qoftii iyada ahayd gurigeenna ayay joogtay..iyada iyo muniiro ayaana sheekeysanayay..

Haye..ii wad sheekada..ayuu keyse kaga soo dhex galay axmed hadalkii..

Axmedna isagoo sii wada hadalkiisa ayuu yiri..gacalka ha iska boobin saaxiib anigaa kuu soo wadee..gabadhii iyada ahayd wey diiday in ay aqbasho qorshihii aad soo jeedisay aniga waan maqlayay waxa ay kuwada hadlayeen.. si kastaba wey diiday ee maxaan sameynaa hadda..

Keyse  oo warkaas dhiillada leh aad uga xumaaday ayaa saaxiibkii ku yiri..

walaahi saaxiib..horta illaa iyo hadda wey diiday ma dhihi karno sababtoo ah adiga iyo iyada weli isma arag afbuuxana kuguma dhihin waxba kulama qabanayo aniga hadda waxaa ila haboon in adiga aad utagto oo si cad aad ugu bandhigato jacaylkaaga..

Axmed markii uu intaa maqlay ..naxdin ayuu la gariiray sidii ay fani hor joogto..

saaxiib iga daa ma dhihi karo xitaa ma hor tagi karo..ayuuna ku cataabay..

Keyse ayaa mar kale hadlay oo yiri..sidee rabtaa hee saaxiib in ay wax kuugu hagaagaan nin rag iska dhig gabar yaanyoo ayaad sidaa uga baqeysaa bal ka warran nin asaagaa ahna sidee baad uga gar naqsan lahayd..

fani sow tii aad indho galka laga bixiyay ku eegi jirtay..

ma hadda ayay qof kale kula noqotay..

Waxa talo la gorfeeyaba keyse wuxuu ku adkeystay in axmed juqraafi uu isaga qudhiisa fani usheegto jacaylkiisa……

axmedna inta uu geesinimo iska baaray ayuu saaxiibkiisa su,aal labaad uceliyay oo yiri..saaxiib waan isku dayayaa balse..

sidee ayaan iyada ku helaa inteese ku ballamiyaa..

Keyse oo su,aasha saaxiibkii ka jawabaya ayaa yiri adiga sidey kuugu qaadataba isku day in aad fursad wanaagsan ku hesho..

Sidii ayaana habeenkaa lagu ballamay oo lagu kala tegay..

 

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software