October .20.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka

Galgacaylkii Qarsoonaa( Sheeko xiiso badan)qeybtii-
5aad

 

 
 


Axmed juqraafi Saaxiibkii keyse oo inta badan uu kala tashan jiray arrimahan ayaa uu maalin ugu tegay gurigiisa isagoo u muuqda ruux daallan oo maalmo badan shaqaynaayay.

Keysana wuxuu isaga xitaa doonayay in uu Axmed u tago wuxuuna ugu socday arrin uu aad uga xumaaday taasoo ahayd in gabar ay qaraabo yihiin jacayl qoto dheer u qaaday Axmed balse isaga uu ku jeesjeesay ,keysana inkasta oo uu ogaa in Axmed uu gabari dan ka lahayn xuquuqdoodana ku tunto,hadana wuxuu gabadhii u ballan qaaday in uu uga soo dhameyn doono codsigeeda.

Markii uu Axmed juqraafi soo gaaray gurigii keyse ayaa waxaa ka furay isla keyse oo doonayay in uu dibadda u soo baxo.

Halkii ayaa leysku booday.,keyse ayaa la yaabay muuqaalka sirgaxan ee Axmed juqraafi wuxuuna ku yiri isaga oo qolka u soo jiidaya ….

saaxiib Axmed hadda ayaan kuu soo socday ee qolka ina soo geli,maxaase maanta ku heysta ii sheeg saaxiib beryahan kuma aan fahmine,markii qolka la soo galay ayaa Axmed oo salka dhulka la sii helaya saaxiibkii ugu warceliyay……saaxiib waan yaabanahay

Maanta waxa I heysta ma aha wax aan ogolaan karo naftuna waxay ku dhowdahay in ay iga fara baxsato,

Markii uu hadalka intaa marinayay ayaa keyse oo yaabban ka dhex galay oo yiri:maxaa dhacay saaxiib ii sheeg ha iga qarinin maxaa ku helay walaahi waan kaa naxay maanta sida aad u muuqato iyo ishaada halka ay ku taallo,ma yara dhibaatada ku heysatee waxaad tahay saaxiibkey aan jeclahay waana kula qeybsanayaa dhibta aad qabtee,

Axmed oo wejiga hoos u fooraarinaya sida geesi laga lib helay ayaa yiri ……….

Saaxiib keysow arrinta igu weyn waa gabadha fani ah…

Keyse waxaa ka soo haray indho un,wuxuuna u holladay in uu u sii dheg taago waxa ka soo baxaya afka axmed ee maanta ka badalan sidii hore,waxaana keyse ilaah yaab u keenay markuu axmed ka dhawaajiyay gabadha fani ah……..

Axmed oo uu codka ka go,go,ayo caro iyo caloolyow darteed ayaa sii watay hadalkiisii waxa uuna yiri……….

saaxiib iskuulka unbaan isku aragnaa ee walaahi habeen si fiican uma seexdo,maalinna ma hergelo,waxaana iigu wacan saaxiib Nafteyda oo iila timid wax aan ka ogolaan Karin, waxayna igu qasbeysaa qof aan ii qalmin,taasoo ah gabadha fani bal maxaan isku sheegi karnaa aniga iyo iyada,maxaa na dhex mari kara aniga oo heysta gabdho sharaf leh,oo I daba yaacaya oo hadba xiisaha aan isku badbadalo,maanta miyaan u dulqaadan karaa in gabar qoyskooda aad ogtahay waxa ay ku suganyihiin oo magaalada iyo iskuulka laga wada ogyahay in ay noqoto gacalisadeyda, Ee saaxiib bal ka warran arrintaas.

Keyse yaab iyo dhabannaheys ayaa ka soo haray wuxuuna la amakaagay saaxiibkii axmed juqraafi oo uu ku ogaa isla weyni iyo kibir aan caadi ahayn isla markana marka fasalka lagu jiro quursan jiray fani oo xitaa markii ay salaanto aan salaanta ka qaadi jirin xaqiraad darteed mararka qaarna diidi jiray in kursi ku dheggan uu fariisto isagoo sanka ka qabsan jiray maanta uu si sarbeeb ah ugu dhawaaqo in naftiisa ay jeclaatay.

Isagoo keyse ka war celinaya sheekadii uu axmed ula yimid ayaa waxaa uu yiri…

saaxiib axmed dadku haddii ay kaa baqaan aniga saaxiibkaa baan ahay kaama cabsanayo waan kuu sheegayaa waxaad tahay iyo waxa kugu haboon,ogow saaxiib dunida waxa ku nool ilaah baa abuurtay ruuxana dan oo keliya iin uma noqoto gabadhaasi ha u gefin waa gabar sharaf leh oo ilaah qiimo siiyay waanan ku dhaaran karaa gabar la mid ihi in aan arag weli gabar asaageed ah waxba kalama maqna,hadaad danta iyo duruufta ku naceysana maanta hadaad ladantahay berri laga yaabee in aad hoos tagto ilaah baa ina xukuma isagaana og waxa uu kala jeedo kala duwanaanta dadka,fannaan heesaya ayaana yiri…

mar un leysma garab dego dad ma wada sinnaan karo adduun waa si daba maal.

Waxba yaan saaxiib hadalka kuugu dheereyne, gabadhaas hadeysan kuu Qalmin naftaada kuguma dirqiseene u sheego jacaylkaaga kaama diidi doontee….

Axmed baa ku sigtay in kursiga uu ka sara kaco caro darteed markii la yiri fani u sheego jacaylkaga.

Wuxuuna la soo booday isagoo kacaa fadhiisanaya…saaxiib kuuguma imaan inaad wax ii xukmiso sida qaadiga maxkamadda oo kale ii sheeg sida aan nafteyda uga reebayo gabadhaas aniga ma rabo in aan wax la wadaago gabadhaas haba yaraatee welina nacaybka aan u qabo ayaan weli u qabaa..

Keyse isaga xitaa wuu xanaaqay wuxuuna ku yiri : wax kale oo aan kuu sheego malaha saaxiib gaar go,aanka aad gaari karto waxaanse la yaabanahay naftaada in ay jeceshahay adigana neceb tahay tolow laba miyaad tihiin.

Waxaad ku hadleyso saaxiib wax nin weyn ku hadlo mahee is bar qabo.oo gabdha hadaad rabto adaa og dabcan hadaadan rabinna adaa hadde oge sidaad doonto ka yeel.

Axmed aad buu markaan isugu buuqsanyahay waxaana hadba hor imaneysa fani oo qosol xishood ku dheehanyahay qosleysa iyadoo si qurux badan uga jawaabeysa su,aal uu macallinku weydiiyay.

Ugu dambeyn wax la is hor fadhiyaba keyse ayaa axmed u sheegay in galabta banooni uu aadi rabo,sidaa darteed uu sii baxayo mar kalana ay is arki doonaan isagoo xitaa ka talo baxay arrintii uu u hayay.

Axmed oo u muuqda sida ruux madluunsan ayaa ugu jawaabay waayahay saaxiib iska sii tag aniga xaafadda ayaan aadayaa banooni kuuma racayee waa inoo berri

 

 la soco Qeybta 6aad ee sheekada

 Faadumo Macallin Abuukar(Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com

 Garissa_kenya

 

 

 Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software